Wednesday, December 28, 2016

Guul-darada macnaheedu ma-aha guul-daro

asc dhamaan dadka ku xidhana websitka waxkabaro.blogspot.com
Haddii aad fashilantid macnaheeda ha-moodin in aad guddoontay aqoonsiga guul-darada. Muhim ma aha in aad guusha aragtid, ee iskudey in aad wadada guusha cagta saartid,
dadaalkeedana aad la timaaadid. Mana aha in dadka adiga kula midka ah uu adduunku fiiro iyo la-dhaqan gaar ah uu idinla dhabar-taagan yahay. Sharafna waxaa kuugu filan in aad aqoonsatid caqqabadaha ku-hortaagan, xalintooduna goortay rabtaba hakaa timaadee. Qofnimadaadu in ay guul nololeed gaarto waxaa la-yiraahdaa waxay ku-xirantahay hadba xakamaynta naftaadu intay le’egtahay, dadka nolosha guulaha ka-gaarayna waxaa la-ogaaday guulihii ay gaareen in ay kabiir ka-ahayd tii ay nafahooda ka-gaareen

Filasoofkii caanka ahaa ee Harry S.Truman ayaa waxa uu yiri;
“Markaan akhriyey tagta-nololeedka raggii qiimaha badnaa, waxaan ogaaday guusha ugu horeysa ee ay gaareen inay ka-gaareen nafahooda……Hagida nafta ayaa dhamaantood wax walba uga horeysay.
Arxan-darada adduunku iyada oo huwan caqabadaha nolosha ayey dadka turun-turoodsiisaa, markaasaa ninba si uga war-celiyaa, shakhsiyada ugu geesisanina waa mida garata waxa takhan-takaynaya dabadeedna is-xakamaysa.
Marka aad ku-guul-daraysatid guur, ha moodin in guur oo idil aad ku-fashilmatay. Marka aad ku-guul-daraysatid helidda shaqo ha-moodin in aadan shaqo helayn ayaamaha aad nolosha ku-leedahay. Marka aad imtixaan ku-guul-daraysatid ha-uqaadan in aadan weligaa imtixaan ku-guuleysanayn. Marka hawl aad rabtay ay sidaa la-rabtay kuugu dhici-weydo ha-moodin in aad guul-darayste nololeed tahay, oo aad ku-jirtid safka kuwa guul-darada u-saaxiibka ah, ee ogow in noloshu ay dabada kaaga-soo riixayso mawjado caqabada ah oo ku-quusinaya ee ka-gabo, dul-qaadna u-yeelo.
Ogow! In;
*Guul-daradu ay tahay tijaabo, ee aysan ahayn gaba-gabo, iyo gunaanaad hawleed. *Guul-daradu ay tahay madal, ee aysan ahayn dagaal. *Guul-daradu ay tahay xilli, ee aysan ahayn dhamaadka waddo.
Oraah waxaa jirta oraneysa;
“Guul-daradu waxay ku bartaa guusha”
Gaba-gabo________________
Ku-raaxayso guul-darada, kadib marka aad baratid, kuna dadaal sidii aad ku-ogaan lahayd dhibicda iftiinka ee mugdiga ku-dhex-jirta…Waxay kuu jebin gidaarka nolosha’e.
Guul-daraystaha dhabta ahi waa kan hankiisu ka-dabo ku-cel-celinta isku-deyga wixii ka-qarsoon, iyo wax ka-badan, labeenta ugu hillanka culus ee labeenaha dhismaha guushu waa tan guul-darada, iyo qarsoonaanta.
“Guul-daraystuhu waa laba jaad; mid-kuyimaada feker aanan lahayn fal, iyo mid ku-yimaada fal aanan lahayn feker”

No comments:

Post a Comment