bismillah
Asalamu calaykum waa
Raxmatullahi waa Barakatu.
Salaanta
Qiimaha badan kadib, IIahay ayaa mahad leh
waan
hubaa inan dhamanteen rabno inan guulaysano Aakhiro iyo Aduunba, Alle ha inagu
hago dariiqa Guusha Idilkeenba.
Guushu
waa maxay?
Guushu
waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaadho, mana ahaa mid ku timaada
xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hami yari iyo samir yaraan toona.
Guusha
waxa sargooya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee qofku meel
dhigtay, markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah
bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo.
Guushu
waa wax cayiman waa wax qofkasta yaqaan, waa wax cidi ku sifoowda ay dadka kaga
tilmaamantay astaamo gaara, loona xiisoodo raacida dariiqa ay mareen, iyadoo
arintani jirto hadana ma jirto wado qudha oo guusha kugu hagta waxa laga yaaba
halka uu mid inaga midi u maro in ka kuxiga ka waayo, ama qofkasta iyo
xaalkasta leeday dariiq u gaara.
Guushu
maaha xoolo badan, maaha shaqo badan, mana aha mansab sare, balse guushu wa
xasilooni Nafeed iyo daganaansho niyadeed, guushu waa wax qofka u sahasha inuu
si niyad samana ugu dhex nooladoo bulshadiisa, waxa suura gal inad wakhti badan
ku bixiso waxad u aragto guul wayn, balse qofkale uu ku arko qof tabcanaya Daal
iyo dhib, tusale ahaan qof sabol ah, guusha u arka inu marun helo wax uu iskaga
dabool bahiyaha nolosha ee kala dhadhanka duwan..
Hadii
arintu sidan tahay waxa laysku raacsan yahay in ay noloshu kala duwananshaha ku
wacantay kuna micno fiican tahay, balse ay jiran wax yaabo lawadaago si nolosha
iyo nafta loogu raro meel ay u aragto munaasib wakhti iyo xaalad go’an, loogana
rero meel ay kuqanacday inay wajib tahay in laga baxo ama laga hayaamo, anoo ka
duulaya Mabaadidan guud ee asaasiga ah waxan isku dayeya in aan ino so gudbiyo
Astamaha ay ka midaysanyihiin dadka Guusha sameeya noockastoy yihiin..
Wax ka
baro Astaamaha Guusha …….
1.Dajinta
hami iyo hiigsi
Isbadal
jogto ah : dhaman dadka raba inay nolosha ka sameeyan Guul waxay naftooda ku
qanciyan inuu isbadal waajib yahay, waxay hoos iyo korba dadka u codkoodu gadho
ugu sheegan in isbadal loo bahan yahay, wax mararka qar dhacda in lagu arko qof
qaldan balse wa wax nolosha ku caadiya, Nabi Muxamed (CSW), ayaa tusale fican
kugu ah, iyo dhaman dadka nolosha horumarka ka sameyey midkastood noloshisa
badho.
2. In
aanad mar labad sameyn khalad aad horay u sameysay, taasi
micneaheedu maaha in hadii aad shey mar ku guuldareysato in aad mar kale ku
guuldareysanayso, lakin waxay tahay in aad wax ka barato khaladaaddkaagi hore
ee aad Khalad kaga oo aad wax ka barata, oo aanad ku si socan waa wadad guusha
.
3.Humaag
iyo Qanaco Isbadalku Noocu noqonayo: dhaman dadka
nolosha ka sameeyey horumarka waxay ku qanacsanayen inay gadhayan meel ka fican
halkan ay joogan, dhaman waxay madaxa ku haystan sawr ka turjumaya nolosha ay
hayanka ku yihin, waxay markad la shekaysto ama akhrido buugta taarikh
nololeedkoda ka arkaysa Riyo wakhti ay sooo jeedan, taso adiga kula muqata hir
balse isaga ula muuqata xaqiiq, wana ta dhaxalsisa adayga iyo gadhida noloshoda
ay raban.
4.
Dadaal iyo Karti dheerad ah: dhaman dadka macnaha sameeyey ee
kugu xeeran haday noqoto shek iyo sharifba midkasta wuxu goostay wuxu beertay,
midkasta wuxu ku naalonaya habenkisa iyo malintisa intu gashaday, taasana waata
dadka kala sareysisay,ee gulayste iyo guldarayste ka dhigtay
5.
Samir iyo Dulqaad: u fiirso dadka wax ah ama aad
farta ku fiiqdo ee noloshada ku xeeran, iyo dhaman dadka samaynta toska kule
noloshena ma jiro qof Haben ku gadhay nolosha u gaadhay, mana jiro qof
Saacadaha tiriyey si u badano nolosha uu rabo balse qofkasta wuxu huray wakhti
dheer isagoo muujiyey samir iyo dulqaad xad dhaafa, waata sababtu Subanuhu
(CSW) ugu laha Asxabigi ku yidhi alle noo bari in dadkan na Ciqabaya u naga
kafiyo: Samra Ilma Yasiro Balantinu wa janee, taasi wa mancaha samirka iyo
dulqadka.
6.
Go’an iyo Xoog Sarid: ma jiro qof meel gaadhay oon dadka
fikirkisa ku qancin, soo xasusto dhacdadii cajibka ahayd ee Subanihii (SC W),
lagu yidhi Inader hubka dhig an kusino waxad rabto, Suldanimo, Xoolo, Hawen
Quruxon, ee intu amusay u ku yidhi Wale hadi Dayaxa iyo Cadceeda midba gacan
laysaarayo inan ka tagayn waxa an ku tagnahay. dhaman dadki noloshan macnaha ku
sameyey waxay ahayen kuwo ku adag waxay raban kuna qanacsan fikirkooda nololed.
7.
Guulaha iyo wax soo saarka cusub ee manta la gaadhay waa riyadii shalay. Haddii aad u
fiirsato waxyaabaha kugu xeeran sida dhismayaasha dhaadheer,
maraakiibta,diyaaradaha, telefonada ,internetka iyo idaacadahuba waxay shalay
ahaayen riyo ku jirta maskaxda mid kamid kii daahfuray. Riyadadu waa meesha ay
ka bilaabanto guul kastaba waa cunsurka ugu muhiimsan ee wax qabadka. Waxaa
xusid iyada oo rayadeenu aanay xudud ahayn.
Wuxu
yidhi Alber Ayniston : “Riyadu way ka muhiimsan tahay Aqoonta”
8.
Arimaha ugu waaweyn ee guusha lagu gaadho waxaa kamida samirka, oo ah inaad
adkaysi yeelato dhibatada oo aanad dagdagin Ilaahayna Qur,aankiisa wuxu ku
yidhi “samra oo dhabar adayga oo ilahay ka baqaa waad guulaysan doontaane”
markaa Illahay guusha wuxuu ku xidhay waa samir. Waxa kale oo Illahay aayado
farabadan kaga hadlay samirka abaalkiisu in u yahay jano iyo khayr. Marka aan
ka hadlayno horumarka maadiga ahna waa inaad u samirto shaqada aad hayso ee aad
ku hiigsanayso guusha aad rabtid.
Xaglo
Laban Guul laguma Gadho
Adu
hays xaqiirin intaa aanay dadka kale ku xaqiirin, Isku kalsoonow oo niyadada
waanaji Illahayna taalo saro mar kasta .
9. Ha u
ogolaan dadka kale inay hoos ku dhigaan.Waxa hubal ah in aad
soo martay noloshaada guuldarooyin faro badan . si kastaba ha ahaate ha u
ogolaan dadka kale in ay ku niyad-jabiyaan ama ay kugu tilmaamaan in aad tahay
qof aan waxba qabsan Karin. Ma jiro qof waada wanagsaan qof waliba khalad wuu
sameeya,hadaba ku dhiiri geli naftaada in aad tahay qof wax qabsan kara
guulaysana.
10. Ha
ka baqaan guusha: hadi aad ka baqato wadada guul
darada ayaad ku dhacaysa waligana lagama yaabo in aad heeshid.
Guushu
ku imaan mayso aada radsaanaya .
Waad
guulaysan insha Allah
11. In qofku baadho
waxyaabaha uu u baahan yahay inuu sameeyo si uu u guulaysto iyo waxyaabaha ka
hor istaagi kara guusha.
12. Guushu ku so dhawayn
mayso roogna ku dadin mayso aada samaynaaya .
13. Talabda u
horeysa waay adagtahay lakin aada fududaynaya .
14. Noqo qof jira,
noqo qof la soo higsaado noq qof samiir leh iyo dulqaad,
15. Adu hays xaqiirin
intaa aanay dadka kale ku xaqiirin,
16. Isku kalsoonow
oo niyadada waanaji Illahay taalo saro mar kasta .
ugu
danbayntii dadkani waxay sifo u leeyin Ababulka iyo Adeegsida Awooda dadka
kale, ama degaanka ku xeeeran, waxay inta badan isku dayan inay abuurtan jawi
la saxiba kaso ku gacansiya marka ay hoos marto, sida Lataliyayaal dacada, iyo
cidkasto ay u arkan inay gacan kasinayso gadhida halka ay raban, waxanay isku
dayan inay yareeyan Cadawgooda wakhtiga bilawga ama awood daaraan yahay.
Talo
bixin.
-Waa
inuu joogteeyaa oo ku dadaalaa hayaanka uu ugu jiro guusha.
-Waa
inaad hubisaa kolba inaad hayso hilinka iyo toobiyaha aad u marayso guusha.
-Waa
inaad u samirtaa hadimooyinka ku gadaaman jidka guusha oo hadii aad dhib la kulanto
aad ka gudubtid .
-Waa
inaad niyad samaan iyo talo saarasho Alle aad la timaadaa.
-noqon
dadka markay Gusha gadhana, had iyo jeer Ilaahay u mahadnaqa oo ka dheeraadaa
kibir iyo wixi lamida , una tafoxaydataa sidii u guulo kale u gaadhi lahaa.
-Waxa
la isku raacay in guusha dhabta ah ee waaraysaa ay tahay guulaysashada if iyo
aakhiroba iyo raali ahaanshaha Rabbi.
-Sida
ilaahay (SWC) ku sheegay, qofka guusha dhabta ah gaadhay inuu yahay “qofka la
dhaafiyo naar ama aan galin naar, Janaduna hoy u noqoto, kaas ayaa guulaystay.
-Muhiimadu
waxa weeyaan, inaad ogaato micnaha iyo ujeedada aad u nooshahay ee aad
aduunyada u joogto, hadaad u fiirsato dadka nolosha aan fahansanayn waxaad
arkaysaa iyaga oo nolosha ka quustay, wax guul ahna ka gaadhin.
Xaglo
Laban Guul laguma Gadho!!!
Illahay
ayaa mahad leh
Waad
mahadsantihiin
Akhriste
waan soo dhaweynaya fikirkaga
Wixi
talo iyo tusale ah halkan ayaad ku soo hagajin karta
Qore Eng Abdirashid Hassan Aidid
No comments:
Post a Comment