Hordhac:
Liibaan iyo guul waa laba eray oo isku macno ah, haddana si' u kala adeegsi duwan. Waxaad arki inta badan iyadoo xagga diinta la adeegsanayo erayga LIIBAAN, mararka kalana GUUL. Sidaa daraadeed waxa la isku macneysan karaa erayga Af carabiga ah ee alfalaax iyo liibaan, anajaax iyo guulna waa la isku macneyn karaa. Sababtoo ah waxa aad Qur’aanka inta badan ku arki falaax, oo waa eray isna xagga diinta u badan.
Noocyada guusha: Aynu guusha laba siyaabood u kala qaadno: Mid muuqata iyo mid aan muuqan:
Ta muuqata: Waa mid laga yaabo in ay indhuhu qaban karaan, dhaguhuna ay maqli karaan, waa goorma? waa marka maal, magac iyo mansab waxoogaa badani meesha ay yimaadaan. Qofkaasi dadka agtooda waxa laga yaabaa in uu ka yahay mid guul soo hooyay. laakiin waxa suurta gal ah, haddii loo kuur galo ruuxaas, in ayna waxba uga hooseyn midhadhkaas muuqda.
Ta aan muuqan: Waa mid ku eeg dhanka macnawiyaadka. Tusaala ahaan waa adigoo aan haysan wax sidaa u badan, oo nolashaadu dhex-dhexaad ama caadi tahay, nolashaadana wax badan kuu hagaagsanyihiin; diin ahaan, caafimaad ahaan iyo qoys ahaan; balse aanay jirin wax dheeriya, hammi iyo hiigsi toonana aanaad lahayn.
kuwa hore waxa ka maqan wixii nolasha macnaha u sameenayay oo dhan, waxa suurta gal ah, in ay ku liitaan intan mid ahaan ama qaarkood: Dhanka rooxaaniyadda,caafimaadka, qoyska, bulshada ama fikirka. kuwa dambana waxa ka maqan, hankii iyo adeegsigii awoodihii faraha badnaa ee Alle (swt) ku mannaystay, sida in ay noqdaan tusaale wanaagsan, raad qurux badanna adduunka kaga tagaan. Waxa kale oo ka maqan doorka ay ka cayaarayaan umadda ay ka midka yihiin iyo wixii ay kusoo kordhin lahaayeen. Si kale haddaan u dhigno, kuwo naftooda uunbay ka adkaadeen oo wixii kaloo dhanbay ka gaabiyeen, kuwana isla naftoodii ayay dayaceen oo qayb yar uunbay iskugu geeyeen xooggii iyo xeeladdiiyoo dhan. labada qolo mid walba waxbuu guul kasoo hooyay, waxna waa ku guul darraystay.
is weydiintu haddaba waxa ay tahay, sideebaan guusha uga dhigi karnaa, mid dhamays ah, oo isku dheeli tiran dhinac walba? Guusha dhabta ahi maaha magac, mansab iyo maal kaliya. Waxa se laga yaabaa kuwo intaba haystaa in ay ka mid yihiin kuwo guul darreystay if iyo aakhiraba.
Aynu usoo daadagno macnaha qotoda dheer ee aynu kaga kaaftoomi karno ama inagu dhaweyn kara inta karaankeenna ah Guusha middeeda rasmiga ah.
Ø “Waa markaad haysato xidhiidh sax ah oo aad u xooggan oo idinka dhexeeya adiga iyo Rabbigaa, ruuxdaaduna tahay mid qoyan oo aad ku nooleysay xuska , cabsida iyo jacaylka Alle.
Ø Waa markaad wixii wanaag ah sida ugu wanaagsan ee aa karaankaaga ah u fuluso, wixii xunna aad ka dheeraato.
Ø Waa markaad wanaajiso xidhiidhada kale ee kugu xeeran, sida ka ehelkaaga, qoyskaaga, bulshada aad la nooshahay, naftaada iyo shaqadaada intaba. Haddaad arday tahayna wax barashadaada.
Ø Waa qof ku faraxsan kuna xasilan wax kasta oo uu haysto iyo xaalad kasta oo uu ku jiro.
Ø Ugu dambeyntii waxa dhadhanka iyo macnaha u yeelaya, kana dhigaya guusha mid dhameys tiran waa in uu jiro han aad u sareeya, kaas oo aan ku koobnayn nafta oo kaliya balse ah hammi umadeed. Isla mar ahaantaanna waa in ay jiraan, himilooyin dhaw iyo kuwo fogiba, mar walbana lagu guda jira ka midha dhallintooda; la xaqiijinaayo kuwo ka mid ah goor kasta iyo goob kasta, haba yaraadaane”.
Haa waa kan ruuxa guuleystay, ha ka dhex raadin suuqyada waaweyn ee ganacsiga iyo manaasiibta sar sare, dadka guuleystay way ka mid noqon karaan laakiin ma wada noqon karaan. Hana ka dhex raadin buuraha dhexdooda iyo dhulka hoostiisa, guushu agtaada ayay taal taal, ee waa sida aad u fahanto una qaadato. Guulaystuhu wuxu noqon karaa, kana soo dhex bixi karaa faqiir iyo taajir, rag iyo dumar, qof weyn iyo mid yar intaba.Iska dhex baadh arrimahan , haddii aad isku wada aragto waxaad ka mid tahay kuwa guuleystay, wixii wanaajis u baahan wanaaji, wixi horumarin u baahan horu mari, wixi kaa dhiman kusoo biiri, wixii liitana iska reeb. Xisaabi naftaada intaan lagu xisaabin , qiimee naftaada adigu intaanay cid kaleba ku qiimeyn. Haddaad hooseyso ha niyad jabin waayo wali waxaad haysataa fursad aad isku baddali karto..hadda qaado go’aan Allana u tala saaro.
Qasab maaha mar walba waxaad qorsheysaa in uu kuu fulo, mihiimaddu waa adigu dadaal ha yareysan, niyad wanaagsanna la imo, inta hadhayna Alle u dhaaf, Illaahay camalka la wanaajiyo laguna ladhay niyad wanaagsan, ma dayaco abaalmarinteeda. Ha quusan hana niyad jabin, lahaw dabacsanaanta biyaha oo kale. hawlna waxa ugu khyr badan middeeda la joogteeyee ha hakin adigu.
Ka koobaad waa: Qof daacad ah, wanaagsan oo akhlaaq badan isla mar ahaantaanna ay u fududahay kasbashada qalbiyada dadka kale. Waxay u dhawday in ay soo raadsadaan isaga . isagay inta kale u taalaa, in uu dayaco iyo in uu ka faa'iideystaa.
Ka labaad: Qof dadaal dheeraad ah sameeyay. Xannuun iyo rafaad arkay. Isla mar ahaantaanna Samir iyo dulqaad badan. Waa mid isagu kala soo dhex baxa laba dhagax dhexdood hadday ka gasho. isagaana raadsada inta badan.

Bar bilawga guushu waa markaad aqoonsato naftaada, garawsatana qofnimadaada, waxa aad rabto, sababtaad u rabto iyo sidaad ku helaysaba. Waxa se mudan in lagu baraarugo, in aysan lahayn adduunka bar dhamaad.
Ka faa’iideyso qaladaadkaagii hore, una adeegso hawl qabadka iyo qorshaha joogtada ah. Isla mar ahaantaanna u diyaar garow timaadada adigoo ku hubeysan niyad wanaagsan, dejistayna yoolal cadcad oo kuu hiraaya goor kasta iyo goob kasta, kuwaas oo kugu hagaaya wixii aad hiigsanaysay... Guushaas weeyaan midda hadhow yeelata dhadhanka goonida ah ee ka duwan guul kasta oo hortaa la gaadhay. Waa midda kaa dhigta mid xasilloon oo farxad iyo reyn reyn ku sugan. Waa midda ku tusta awoodaha faraha badan ee Alle kugu manneystay, kuna siisa kalsooni dheeraad taas oo aad ka hesho tamar iyo hiddiilo cusub oo aad ku xaqiijin karto guullo kale oo fara badan oo midiba ay mid kuu dhib yareyso kuuna gudbiso (From Success to Success).
xigsho ibrahim waabari
No comments:
Post a Comment