Sunday, April 22, 2018

Kalsoonida Naftaada

Qofku in uu naftiisa ku kalsoonyahay waa midda ka dhigta mid cid kalena ku kalsoon ama isaga cid kale ku kalsoonaato. Naftaada oo aad xaqirtaa waa bilawga jabkaaga. Qofka aan naftiisa ku kalsoonayn go’aan ma qaadan karo, dhib ma xallin karo, naftiisu ma xasisho, guulna ma gaadhi karo. Kalsoonida naftu waa inta aad aaminsatahay ama aad rumaysantahay awoodaha Alle (swt) uu ku siiyay iyo nicmooyinka faraha badan ee aad haysato. Haddii adigo oo wax sameyn kara aad u malayso in aanaad waxaa awoodin, taas macnaheedu waa kalsooni darro kaa haysata naftaada.  
kalsoonidu waa hubka ugu mudan ee uu u baahanyahay qof kasta oo raba in uu sameeyo is badal kana tago nolol iyo heer una guura mid ka qurux badan kana heer saraysa taa hore. waana agabka ugu muhiimsan in uu dhiso qof kasta oo raba in uu guuleysto. kalsoonidaadu kolba inta ay leegtahay ayay farxaddaaduna tahay. 

Dhawr arrimood ayaynu ku dareemi karnaa in qof ama adigaba xaaladani kulasoo daristay waxaana ka mid ah: Qofka oo aan ku qanacsanayn muuqaalkiisa, qayb ka mid ah xubnaha jidhkiisa ama ficiliadiisa sida: qosolka, codka, dhererka, midabka, socodka. Waxa ka mid ah qofka oo aan rumeysanyn in uu u qalmo inuu gaadho meel sare ama uu qaban karo hawl gaar ah; ka dibna wax kasta ku riixa qof kale oo uu is leeyahay waxan ayuu kaaga habboonyahay; iyada oo aanay ka ahayn taageero uu qofkaas uun uu u hayo balse ay ka tahay; isaga oo is leh adigu uma qalantid waxaas ama meeshaas. Waxa ka mid ah cabisada joogtada gaar ahaan in uu ka baqo mustaqbalka, guusha, fashilka iyo waxyaabaha kale ee ku xeeran; taasoo ka hor istaagaysa in uu adeegsado kartidiisii. Waxa ka mid ah qofka oo isku deygiisu aad u yaryahay. Haddii uu isku dayana caqabadaha u nugul oo markaba niyad jaba. Joogteyn la’aan ay sababtay aaminaad darro ka haysata in uu shaygaas  ka midha dhalin karo..iwm.
Waxa jira waxyaaba kalsoonidaada hoos u dhigaaya iyo kuwa kale oo sare u qaadaya. Kuwaas oo kaaga baahan in aad mar kasta fiira gaar ah u yeelato kana digtoonaato. 

Waxa kor u qaada: Waxa ka mid ah:
ü  inaad sameyso tijaabooyin sida in aad dajisato yool aad hiigsanayso ka dib aad jaangoyeso qorshayaal iyo himilooyin fudfudud oo aad u xadidaday waqti ka dib aad ficil ku darto si aad ugu gaadho yoolkaaga. Mar kasta oo aad dhanka hiraalkaaga talaabo u qaado waa mar kasta oo aad naftaada wax badan aamiinto. Jidka yarina ka weyn ayuu kugu ridayaa. Illaa aad mashaariic iyo hawla waawayn aad marka dambe ku dhiirato hawl yaraana aad ugu guuleysato.
ü  in aad kor u qaado hankaaga oo mar walba meesha aad joogto hadda, barri aad hoos usoo eegto adigoo haddana sii hiigsanayaa halkaa aad gaadhay meel kasii horeysa. Ha ka ficil qaadan ka kaa dambeeya, hana la tartamin kan kula midka ah ee hortaada eeg markasta iyo kolba ka kaa horeeya.
ü  waxa kale oo ka mid ah baadhitaanno aad ku sameyso dadka nolasha heer ka gaadhay gaar ahaan kuwooda laxaadka la’. Inkastoo lagu tilmaamo in ay naafo yihiin, marka aad aragto noloshooda sida ay u maareeyeen iyo sida ay u gaadheen wax kasta oo ay hiigsanaayeen waxa aad ogaanaysaa in naafadu ay ka duwantahay lixaad aad beeshay balse ay tahay adigoo dhamaystiran oo haddana adeegsan waayay awoodaha Alle ku siiyay. Waxa kuusoo baxaysa dadkani in ay kula mid yihiin qaarkoodna aad kaba fursad badantahay marka loo eego waxa ay haystaan ama halka ay nolasha ka bilaabeen.

Waxa hoos u dhiga: waxa ka mid ah:
ü  adiga oo dhagta la raac raaca erayada hoos u dhigaaya hankaaga ee kaaga imanaaya qaar ka mid ah ehelkaaga, ama asxaabtaada.
ü  Adiga oo dhagaysta erayada taban ee gudahaaga kasoo baxaaya kuwaas oo ay ka mid yihiin: hebel iyo heblaayaba way iska noolyihiin waxna ma sameeyaan ee adiguna iska nooloow uun. Adiga oo ka baqa fashil kugu yimaada.
ü  Xirfadaaha aad adeegsanayso oo liita. Iyo
ü  iimaankaaga oo hoos u dhaco. 

Damacaaga fogee, oo ha dooran xumaanta
Duruusta nolasha, duruufaha ka dhex raadi
Ka dheerow dadkana, ka dillaaya hankaaga
Wixii aan dambi layn, ha u daymo la’aanin….

Imaankaagu haddii uu siyaado waxay ka dhigantahay kalsoonidaada ayaa badatay. Kalsoonidaadu haddii ay badatana naftaada ayaa xasishay. Ka dib waxa aad ku guuleysan kartaa wax kasta oo aad u dhaqaaqdo . Hore u soco sidii wax dhaga la’ oo aan maqlahayn hadalada iyo dhacdooynka niyad jabka kuu keenaya. Waxa kaliya ee kusoo xidho ha noqdo Diinta Islaamka oo ay asaas u yihiin Qur’aanka iyo Axaadiistu. Wixii aad taqaan ku dhaqan, wixii kalana la kaasho inta ehelka u ah.
Waa hubaal in aad wax badan jiritaankaaga iyo naftaada ku qanci oo aad rumeysan; marka aad ruuxdaada nooleyso kuna noolayso Alle ka cabsi, xus, ducooyin, Qur’aanka oo aad u fiirfiirsato, akhrinta qisooyinkii anbiyada, siiradii Nabiga (csw), taariikhdii islaamka.  Sidoo kale aad is raadiso oo aad is soo hesho qofka aad tahay, sababta aad u jirto waxa laguu abuuray iyo waxa adiga gaar Alle kuugu galaday ee hibo ah.
 Diinta waxa aad ku baratay in Alle aadanaha uu siiyay awoodo badan, in adduunka uu u keenay inay isaga uun ku caabudaan, wanaagna ku cammiraan oo ay iyagu maamulaan; wuxuuna u sakhiray dhammaan abuurkiisa kale. Mar kale waxaad ka dhex helaysaa adiga shaqsiyadaada gaarka ah Alle nimcooyinka uu ku siiyay ee qalbiga, lixaadka, hibooyinka iyo maskaxadu ka midka yihiin. Waxaad ogaanaysaa in Alle dadkiisa cadaalad u sameeyay hadday tahay dhanka kartida iyo hadday tahay dhanka waqtiga. Ka dib waxaad is weydiinaysaa haddiiba qof uu wax awoodo in adiguna aad awoodo isla waxaas. Laakiin waa goorma waa marka aad la timaado dadaalkii uu la yimid qofkaasi mid la mid ah am ka badan.

Is weydii su'aalahan si' aad naftaada u tijaabisid qudhaadu heerka ay kalsoonidaadu tahay:

_Ma laga yaabaa in aad sameysid xilliyada qaar wax aanay naftaadu raali ka ahayn, si aad dad kale ugu farxad galisid?
_Ma waxa ku dhiiri galiya uun, Malaha ay dadka kale kaa qabaan iyo kolba sida ay kuu arkaan?
_Markay wax kuu qabsoomi waayaanba, ma horaad ka niyad jabtaa, waanaad is dhiibtaa?
_Ma waxaad ku tamirisaa uun, faallooyinka iyo kolba intaad cajab galisay ?
_Markaad qalad samaysaba, naftaada miyaad ugu yeedhaa erayada ay ka midka yihiin, waxaan ahay: Doqon, wax ma tare, dulli iyo kuwa la mid ah ?
Haddii dhammaan aad HAA, kaga jawaabto; Kalsoonida naftaadu waa mid u eeg in ay hooseyso. Waxaad se haysataa fursad aad kor ugu qaadi karto haddeer. 

Guud ahaan natiijooyinka kalsoonida waxaa ka mid ah: Geesi nimo, go’aan gaadhid, guul iyo farxad. Waxaad noqon qof isku arka in uu yahay muhiim. Dadkuna ay u baahanyihiin, wax badana qabsan kara dadkana u qaban kara. Waxaad qaadan go’aano toosan kuwaas oo dhammaan kugu ridaaya jidka hiraalka kuu dajisan goor kasta. Wax badan ayaad ka gun gaadhi waxaanaad kasoo hoyn guullo badan dhan kasta oo nolasha ka mid ah. Waad xasili oo waxaad dareemi reyn reyn. Waxaanaad ogaan in aa tahay qof jira wax badanna sameyn kara sababtoo ah waxaad ogaatay in aad ka mid tahay hoggaankii adduunka.  Odhan maysid waxaa ma aqaan ee waad baran, Odhan mayasid suurta gal maaha ee waad tijaabin. sidoo kale odhan maysid ma awoodo ee waad isku dayi.
Kaska ood ku hayso inaad korto buurta
kow waxa ka ah inaad gaadho korkeeda
adoo ku kalsoon kartida eebbe ku siiyay

No comments:

Post a Comment