Sunday, April 22, 2018

DHEELI-TIRKA, FARXADDA IYO FADLIGA BISHA RAMADAAN


Xikmadaha ku jira bisha ramadaan waa  kuwo Alle uun (swt) uu wada ogyahay. Waxa se aynu hubnaa kana mid ah inta uu Alle inoo sheegay. In ay tahay tiir ka mid ah tiirarka islaamka, oo ay waajib inagu tahay in la soomo. 
Waxa kale oo muhiim ah in aynu mar kastaba maankeenna ku hayno, wax kastoo Alle inagu faral yeelay in ay yihiin wax adduun iyo aakhiraba manfac inoo leh.

Bisha ramadaan waxa hal mar aynu wada quudinaa afar ka mid ah tiirarka qofka shaqsiyaddiisu ay ka koobantahay. Waa ruuxdii oo aynu ku nooleynay cibaado, salaado  iyo Qur’aan akhris intii hore ka badan. Jidhkii oo isna dhaqdhaqaaq iyo xarakaad ka helay salaadihii taraawiixda ee faraha badnaa, ka dib ajarka salaaddahu ay leeyihiin. Iyo waliba calooshii oo ka nasatay waqti ka mid ah waqtiyaddii ay wax cunaysay. Markii calooshii ay nasiino heshay, ruuxdiina neecow ayuu caqligiina shaqeeyay. Mar hadduu caqligu shaqeeyana fikir ayaa imanaaya, oo waxaad xasuusan in aad addoon Alle aad tahay iyo in ay aakhrio dambeyso. Waxa intaa kuusoo raaca, waa caadifaddii (laxawgii) oo isna hela naxariis iyo jacayl fara badan, waxaad dareentay in ay jiraan dad badan oo sanadkoo dhan iyagu gaajaysnaa . markaasaad qaybisay afur, sadaqo iyo sako. Waxaad meel ku wada afurteen ehelkaagii, waxaanaad meel kuwada tukanaysaan salaadda ciidda dhammaan bulshadaada idinkoo wada qurux badan oo is jecel.  

Xadiis ayay kusoo aroortay. Markuu salmaan walaalkii abu dardaa ku yidhi :
·         Rabbigaa xaq buu kugu leeyahay
·         Naftaaduna xaqbay kugu leedahay
·         Ehelkaaguna xaqbuu kugu leeyahay

Sidaa daraadeed Mid kasta sii xaqa uu kugu leeyahay…Rasuulkuna (csw) waakii yidhi run ayuu sheegay salmaan.

Haddii caqliga, caloosha iyo camalka aad isku dheeli tirto waa hubaal in aad nolashaada guud ahaan aad guulaysanayo aakhiro iyo adduunba. Bishanna waa bil aad uga faa’iideysan karto in aad ku raadiso nolasha middeeda sareedada leh uguna diyaar garawdo.
Waxa sidoo kale aad helaysaa guud ahaanba bishan farxad iyo sacaado aad u badan, dagganaan nafasadeed iyo cusboonaysiin. , sababtoo ah waxaad isku dheelli tirtay nolashaadii, oo waxaad hal mar wada nooleysay: ruuxdii, jidhkii, caqligii iyo laxawgii…

Gaar ahaan waxaad farxadda ugu badan dareemi laba waqti, siduu Nabigu (csw) inoo sheegay; qofka  soomani laba farxadood ayuu leeyahay “xiliga afurka iyo maalinta uu la kulmo rabbigii”. Cibaadada iyo Ruuxda oo la nooleeyaana  iyagaa udub dhexaad u ah dhammaan inta kale. Alla(swt) jinka iyo insiga wax kale uma abuurin in ay isaga uun caabudaan mooyaane. Bishana bilaw illaa dhammaad waa cibaado iyo Alle bari.

Dhanka kale Waa bil ka fadli badan bilaha kale. Albaabaddii cadaabtaa  la wada xidhay; kuwii jannadana la wada furay; Shayddaankiina la silsiladeeyay. Waxaanay ka mid tahay naxariisaha Alle ee faraha badan, ee uu addoomihiisa ugu tala galay.  Waa fursad qaali ah oo aad u qiima badan. Waxaad haysataa  jaanis aad ku badasho habdhaqan kasta oo tabnaa , kuna badasho kuwo togan.  Bisha lafteedu sii kala fadli badane, habeen habeenada ka qiima badan ayaa ku jira, guud ahaan aan idhaahdee tobanka dambe, waa maalmo mudan in si gaar ah loo sii xoojiyo cibaadada iyo xuska Alle.

Naftayda iyo taadaba waxaan xasuusinayaa in aynu ka faa’iideysano. Allana ha inoo dhib yareeyo hana ina siiyo khayrkeeda. Alle (swt) waxaan inoo weydiinaya in uu naga yeelo, kuwo ka faa’iideysta ee hela naxariista iyo dambi dhaafka bisha ku jira; inagana yeelo kuwii lagaga xoreeyo naarta, lana kulma habeenka laylatul-qadriga. Aaaamiiiin  aamiiin


Ibraahin Aw-Xasan Ismaaciil (Waaberi)

No comments:

Post a Comment