Sunday, April 22, 2018

IS BEDEL TOGGAN

Waa run dhamaan is badal ayaynu u baahanay. laakiin inta badan way inagu adagtahay in aynu is badalno. Wax badan oo aynu rabno in aynu helno ama gaadhno waxa ay inagaga xidhanyihiin is badal aynu sameyno oo kaliyaata. Is badalku laba mid ayuu noqon karaa tusaale; qof wanaagsanaa oo xumaaday waa isbadal taban ama mid xumaa oo wanaagsanaaday waa is badal togan. Waxa aynu diirada yara saari doonaa midka togan.
is badalku waxa uu  ka bilawdaa fikirka waxa aanuu ku dhamaada ficilka. Mar kasta oo aad wax ka badasho hannaankaaga fikir, waxa is badala sidoo kale hab dhaqankaaga. Mar kasta oo hab dhaqankaaga ay wax iska badalaanna, waxa is badala natiijooyinkaaga. Sidaa daraadeed maskaxadaada oo aad badashaa waa bilawga is badalka nolashaada.
Is weydii su’aalahan si ay inoogu dhib yaraato helitaanka bar bilawga is badalka togan ee aynu rabno

• Maxaa faa’iido ah oo ku jira is baddal aan la yimaaddo?
• Anigu maxaan u baahanay in aan baddalo? 
• Sideen u baddalayaa waxa aan rabo in aan baddalo? 
• Maxaa se iga hor taagan in aan badalo? 
• Sideen u wajihi karaa caqabadaha iga hor taagan is badalka?

Si aad u ogaato waxa aad u baahanatahay in aad badasho. Ugu horeyn naftaada ayaa kaaga baahan barasho, dhugasho iyo u kuur galid. Ka dib barashada naftaada waxa kuusoo baxaysa waxa aad u baahanatay in aad badasho iyo wixii aad ku badalli lahayd labadaba. Haddaad u baahantahay in aad horumar sameyso waxa aad u baahantahay is baddal togan, kaas oo ah in aad wax ka badasho waxa kuu diidaaya inaad gaadho horumarkaas aad hiigsanayso, isla mar ahaantaanna aad la timaado wax kasta oo kuu dhib yareenaaya in aad gaadho. Waxa kaliya oo kaa hor istaagi kara in aad is baddal la timaadaa waa adiga naftaada iyo sida aad u dhaqanto ama hab nololeedkaaga. Waxaanaad kaga gudbi kartaa waa in aad badasho habka aad u fikirayso. Ka dib aad ka takhalusto dhammaan caadooyinka iyo balwadaha taban ee dib ku haya. Kaana dhigay mid caajis ah, bilaa nidaam ah, tabar yar, xidh xidhan iwm.
Tusaale ahaan waxyaabah taban ee laga yaabo qof in uu baddalo si uu uga gudbo qaar ka mid ah caqabadaha ka hor taagan is baddalka uu rabo waxa ka mid noqon kara. Hurddo badnaan, hadaf la’aan, waqti lumis badan, wax barasho la’aan, balwado xun-xun, macaasi iyo Alle ka cabi la’aan. Waxa dhici karta intanba in aad ku wanaagsantahay balse ay jiraan kuwo kale oo adiga kuu gaar ah una baahan in aad wax ka badasho.

Haddii aad naftaada badasho waxa hubaal ah in aad qoyskaaga baddali karto, ka dibna qarankaaga, haddii aad dalkaaga baddasho waxa aad badali kartaa caalamka oo idil.  Haa is badalku waa mid ka bilawda nafta. Ila dhugo sheekadan yare ee kooban:
Nin oday ah ayaa sidan ku calaacaly: “Markaan toban sanadood jiray waxaan jeclaa oo aan ku hammiyi jiray in aan adduunka wax ka badalo, wey ii suurto gali wayda. Muddo ka dib haddana waxaan ku hammiyi jiray in aan dalkayga wax ka badalo taasina way ii suurta gali weyday. Haddana waxaan ku hammiyay in aan ehelkayga iyo qoyskayga  wax ka badalo, weyna ii suura gali weyday. Ugu dambeyntii waxa aan ku hammiyay in aan naftayda uun wax ka badalo , laakiin nasiib darro maanta sariirta ayaan dul aallaa da’ iyo gabaw ayaa timid waxaan sugaana waa geeri uun. hoogaygee Fiicnaan lahaydaa haddaan ugu horeyn ku hammiyi lahaa inaan nafyada wax ka badlo, waxa aan markaa awoodi kari lahaa inaan qoyskayga iyo ehehlkaygaba  wax ka badlo, ka dib waxaan badali kari lahaa dalkayga , markaas ayaan adduunkana wax ka badali kari lahaa”.
Ugu horeyn naftaada oo aad badashaa, waxa ay sabab u noqotaa qof kale oo aad badashay, qoys aad badashay iyo qaran aad badasho intaba. Aayad Qur’aana ayaa odhanaysa “Alle Qoom ma dooriyo illaa iyagu nafahooda ay wax ka badalaan maahaane” sidaa daraadeed naftaadu waa muhiim, is badal aad naftaada ku sameysaa waxa ay sabab u noqon kartaa umad horumarkoodo iyo doorsoonkooda wanaagsan.

Dhammaanteen waxa aynu u baahanahay is badal, sababtoo ah qof dhammaystiran ma jiro. Haba yaraatee waxa jirta shay ama wax u baahan in aad wax ka badasho. Mar kasta is badalku waa mid ku sugaaya. Haddii aad ku guulaysato naftaada. Waxa lama huraan ah in aad u gudubto deegaanka kugu xeeran oo aad iyagana wax ka badasho. Shaqadaada ayaa u baahan is badal, shirkadaada ayaa u baahan, qoyskaaga ayaa u baahan, saaxiibkaa ayaa u baahan. Waxa is badal togan kaaga baahan dalkaaga. Waxa kaaga baahan dhammaan umadda muslimka ah. 

Si ay inoogu dhib yaraato waxa aynu u baahannahay wax ina dhiirri galiya ama ina dhaqaajiya. Si aad u hesho wax kugu dhaqaajiya is badalka aad rabto. Isku day in aad akhrido buugta kaa caawinaysa arrintaas, ama in aad  aad dhagaysato maxaadirooyin kugu dhiiri galiya in aad dhaqaaqdo. Ka dib adna dhiiri galin u bilow naftaada iyo inta kugu xeeran.

Alle ha ina waafajiyo is badalka midkiisa khayrku ku jiro. Ee adduun iyo aakhiraba ina anafacaaya. Inoona hor seeda horumar iyo in aynu hannano himmilooyinkeenna.

                                                                              ___Ibraahin Aw-Xasan (Waaberi)

1 comment: