Saturday, March 11, 2017

Maansadii Dhaqanka Yaan Lawada Gabin Abwaan Cali (aljabraawi)

waa maanso uu tiriyaya abwaanka dada yara aan baryahanba maansoonyinkiisa soo bandhiganaya Abwaan Cali SiciiD X Xasan Aljabraawi abwaanku maansada waxa uu diirada kusaarayaa dhalinyarada ka foofaya dhaqankoodii iyo dalkoodii ee jecelaadaya wadamo iyo dhaqamo ayanaan lahayan runtii abwaan aljabraawi wuxuu bixiyaya talo waa hadii laqaadanayo

dhalinyarooy garaadkiin
ma waxaad ku garateen
dhaqankoo lagooyaaa
geesinimo inay tahay
ma waxaad ku garateen
inaad reer galbeedkiyo
gaalada ku raacdaan
ma waxaad ku garateen
inaad ruux galbaday waa
geediga ku xidhataan
ma waxaad ku garateen
inaad wada gablooshaan
oo aad guutoguutiyo
labo labo u gurantaan
oo aad dhul gaalliyo
meelan lagaaba garanyn
gocashada la joogtaan
ma waxĂ ad ku garateen
gidigiin ragiyo dumar
inaad labis lagashataan
ruux geeridaadiyo
jecel inaad go.doontoo
gabal baasi kuu dumo
ku darsoo gu iyo dayr
waqtigaa is gurayoo
adigoo ganaaniyo
ka shiraaya gubanbaa
lagu odhan gasiinkaad
guranaysey beryahaa
waxaa lagu gunaanaday
geeri aanad weligaa
dib usoo gadaal noqon
waqtigaasi guuliyo
wuxuu farxad gelinayaa
ruuxii god shaydaan
ka fogaaday gelidii
wuxuu gudcur madawiyo
ku ridaagod naareed
ruuxii galbadayeee
gabal dhaciyo waaberi
sheydaan go. shaaliyo
uxidhnaa gareysyada
aan hadal gunaanada
maansada ku gaabshee
gundhigedu wuxu yahay
somali gebigeed
dhaqankeedu waa gaar
ninkase reergalbeediyo
gaalada la haystoow
gudcurbaad gudaysaa
iyo meel gawaanoo
goodiyo abeeso leh
geyigeena waxaa jira
dhaqan loo gudboonyhy
waana diinta guuluhu
ku galaday adoomada
hadal iyo go.aankii
maanadan godkeediyo
gocashadan xasusta leh
waxaan uga goleeyahay
geedigu ma fiicnee
dhaqanka yaan lawada gabin

No comments:

Post a Comment