Tuesday, March 7, 2017

Maansadii IBLAYS WAA CAAMO JECEL Abwaan (Aljabaraawi)

Maansada qiimaha badan ee la magac baxaday ibalays waa caamo  jecel wax tiriyaya abwaanka dad yara ee abwaan Cali Siciid  X Xasan Aljabaraawi ku magac dheer waxanu abwaanku kaga hadalayaa daganaashah uu aduunka ibalaysku nagu dagay Abwaan Aljabraawi Runtii Waa hal abuurada inoo badali doona hal abuuradeenii hore Waxanu Maansadiisa ku Bilaabaya
Aduun cilmibaa furfura
Dumara meherbaa casila
Ragana cudud xoogleh iyo
Cahdiyo balanbaa xayira
Dunidan ceegaagtayee
Dadkii lagu yidhi camira
Dambiga ku cawaynayaan
Xantana ku cashaynayaan
Hadaan shiikh caalinoo
Cawaaqibka uga warama
Casiiskeen aanu siin
Inay ciin daaqayaan
Cadaabku wehel uyahay
Cidee madaw kaga jiraa
Ibleys waa caamo jecel
Wuxuu cakiraa qofkii

Yaraanta ku ciirayee
Cadada gudcur moodayee
Ilahayna  caasiyee
Cibaadada baalka maray
Geeridu cagta socodka way
Intaa soo cidhib sataa
Caraabona maba taqaan
Adoo cabay oo cunoo
Meel daran ku cawaynayeey
Cagaha kaasoo gashaa
Adoo camal saalixiyo
Cibaado utaaganbay
Marqudha ku calaalisaa
Qabrigu waa meel cidlo ah
Cidhiidhina loogu tago
Asxaabtii  caalamkiyo
Cidaad garanaysay iyo
Majoogaan caarifiin
Waxase cid kuugu dhaw
Ciqaabkana kaa filan
Inuu camalkaa san yahay
Dadyahaw waxay nahay cadceed
Falaadh sii ciiraysoo
Habeenku casuumayoo
Hadana camalkay wadan la ciir viiraya oo
Culays badan uu ku hayo
Casiisaw allahayaw
Adaa caadiloo jiree

Cadaabkii naga xoree

No comments:

Post a Comment