Monday, February 27, 2017

Gabaygii Lamagac Baxay Waa inaan Jecelaadaa (Abwaan Aljabraawi)

waa gabay jacabur aha oo aada isoo jiitaya oo uu tiriyaya abawaan aan saaxiibo nahaya ee Cali Siciid X Xasan Aljabaraawi runtii waa abwaan dayara oo  aan jecelahay gabayadiisa iyo masoonyiinka 
Abwaan Cali Aljabaraawi Gabaygiisana jacaburka  waxa ugu magaca daraya waa inaan jecelaadaa waxanu gabaygu ku bilaamayaa sidan................?





hablo quruxdu jeebkooda tahay amase jiidhkooda
oo jacaylku laabahooda degay waa inaan jeclaadaye
dhaaxay midii aan jamraday niman jeclaadeene

mid waloo la jecelyahayba waa inaan jeclaadaye
kuwa jaanta laafyaha marqudha jagac ka siinaya
iyo kuwa jacteday ee culusba waa inaan jeclaadaaye
kuwa luqunta jeedjeediyee ragga jaleecaya
iyo kuwa jallaabiidanba waa inaan jaclaadaaye
jeegaan lamoodii qalbigu jimic ka doonaayey
jabba waa kan joogee haday iba jeclaan waydo
waa inaan jiciirtaa midkale kaga jawaabaaye
waa inaan mid jeex joogta oo jiqilka buuraysa
oo jirjira wayn waa inaan jeclaadaye
jaajuur lamoodaasi haday iba jeclaan waydo
waa inaan jiciirtaa midkale kaga jawaabaaye
waa inaan mid jaariyadahoo jikin ka heesaysa
oo jaaha midabkeeda aad johorad mooday
waa inaan halkay joogto aan jifajifeeyaaye
hadii aanay soo jeesanoo hadalka ii jiibin
waa inaan jiciirtaa midkale kaga jawaabaaye
waa inaan mid jaamacad ka timi joojiyaa meele
markaan jabaqda weedhaha jajaban jiido hadalkayga
hadii aanay qosol jagackasiin jamana weedhayda
waa inaan jacaylkiyo cishqiga jeelka geeyaaye
ilayn waa jacayloo kolayba waa jug kugu taale
waa inaan midii ibase jecel jifidh ku tuuraaye
waa inaan jikaarkiyo badshaa hadal ku jees jeeska


ha moogaan websitka www.waxkabaro.blogspot.com
oo idiinala diyaar murti madaalo iyo talooyin kusaabasan nosho iyo ka guulaysigeeda 

fadalan wixii talo ama tusaala aha noogu soo dir Email Abdilondon7473@gmail.com
Am Facebook Pagekayaga https://www.facebook.com/abdirashidhassan.aidid 

No comments:

Post a Comment