Monday, February 27, 2017

Maxaa laynoo abuuray?

Waa su’aal mudan in aan isweydiino, raadino jawaabteeda, mudana in aynaan ka jeesan halka ay inagu jihayso.

Alle (sw) ayaa su’aashan inoo fududeey wuxuuna Quraanka inoogu sheegay ujeedada uu inoo abuuray. Wuxuu All leeyahay ”uma aannu abuurin samooyinka, dhulka iyo inta u dhaxeysaba wax aan dhabnimo iyo wakhti dhigan ahayn”.

Waa dhab in aan ka mid nahay abuuradda Alle ee ku dhex nool
inta u dhaxeysa samooyinka iyo dhulka, waliba kuwooda ugu karaamada badan.

Waa xaqiiq dhab ah in uu Alle wakhti u dhigay nolosheena, mid gaar ahaaneed iyo mid guudba. Alle na xagiisa aan u noqonayno, si laynoo xisaabiyo oo qof kasta loo siiyo abaalmarinta wixii uu aduunka kasoo shaqeystay.

Ujeedooyinka aan u noolnahay


Ujeedooyinka aan aduunka u joogno waxa uu Alle ku sheegay in ay yihiin sadex arin oo isku xidhan, mid kastaana ay ta kale buuxinayso.

Cibaadada Alle, taas oo ah in aan qabano wax kasta oo Alle raali gelinaya, kana reebnaano wax kasta oo aanu raali ka ahayn.
Dunida masuul uga ahaano Alle oo aan ka shaqeyno wixii wanaag ah ee keenaya in ay dunidu u socoto sidii Rabbi uu ugu talo galay. Iyo
In aan camirno dunidda, kana dhigno meel u cuntanta in lagu noolaado.
Sadexdan arinba waa isku ujeedo waana cibaado lafteed iyo wixii fududeynaayey sidii cibaadadaa loo gudan lahaa.

Tusaale, in aan tukano waxay ka mid tahay cibaadada Alle inaga rabo. Ilaa aan maryo isku asturnana salaadu inooma saxmayso. Markaa in aan maryo sameysano waxay ka mid tahay camiradii dunida, taasoo dhanka kalena inaga caawinaysa cibaadadii laynaga rabay!

Maadaama oo ujeedada oo dhami ay isugu tageyso cibaado, taas oo ah in aan qabano wax kasta oo Alle raali gelinaya, kana reebnaano wax kasta oo aanu raali ka ahayn. Ayaa uu Alle haddana mar kale inoo iftiimanayaa in nolosheenu ay tahay imtixaan, lana eegaya cida wax fiican ama xun sameysa.

Haddaba haddii aynu imtixaan u joogno aduunka waxa muhiim ah in aan ogaano sidii aan imtixaanka ugu guuleysan lahayn. Waxa aan u baahan nahay labo arin, si aan imtixaanka ugu guuleysano:

Ogaansho (aragti) in aan u yeelano waxa laynaga rabo ee ay tahay in aan qabano. Iyo
Fulin (hawl) in aan ku darno oo aan la nimaadno wixii layna faray, kana fogaano wixii laynaga reebay.
Sida labadan arin (aragti iyo fulin) ay muhiimka u yihiin, loona baahan yahay in aan ku dedaalno waxa inoo cadeynaysa sida aan maalin kasta Alle uga barino marka aan tukanayno ee aan akhriyeyno suurada Al-faatixa in uu inagu toosiyo jidkiisa toosan ee aan ahayn kii ay mareen kuwii loo cadhooday (Yuhuud) iyo kuwii lumay (Kiristaan).

Ceebtan waxay Yuhuudu ku muteysteen in ay qaban waayeen wixii la amray iyagoo og. Kuwa kale ee Kiristaankuna waxay ceebtan ku muteen in ay aqoon la’aan ku qabteen wax aan loo dirin in ay qabtaan!

Madaama oo ay sidaa tahay, waxa ugu horeyn laynaga rabaa in aan aqoon u yeelano oo aan fahamno waxa laynaga rabo in aan qabano. Waana tii uu Alle ka bilaabay amrayna in aan isaga (Alle) barano, si aan u ogaano waxa uu inaga mudan yahay oo aan ugu hogaansanaano amaradiisa. Waana sababta loo soo diray nebiga, loona soo dejiyey kitaabka, si qofkastaa u ogaado jidka saxda ah, kadiban uu u doorto in uu hogaansamo ama uu is-haleeyo.

Qofkii Alle u hogaansama waxa laga rabaa in uu u hawl galo sidii uu naftiisa iyo nafaha kaleba uu naar uga badbadin lahaa, una horseedi lahaa wanaag waara.

Alle wuxuu jideeyey xuquuqo ay tahay in la dhawro, waxa xuquuqahaas ugu horeeya xaqa uu Alle inagu leeyahay, iyo sidoo kale kuwa ay inagu leeyihiin dadka kale, duunyada iyo degaanka aan la noolnahay.

Waxa layna faray in talaabo kasta oo aan qaadeyno aan u marno sida uu Alle ugu talo galay, waayo, isaga ayaa og sida ugu saxsan ee aan wax kasta u sameyn karno.

Alle waxa uu ina baray sida aan u maamulayno nafteena, qoyskeena iyo qarankeenaba. Wuxuuna inoo dejiyey qaabka aan u wada noolaaneyno iyo sida aan u maareynayno arimaheena bulsho, dhaqaale, iyo dawladeedba.

Haddii aan sidan yeelno oo aan nolosheena ku dabaqno, waxa hubaal ah in aan aduunka nolol fiican ku noolaanayno, aakhirana uu Alle meel wanaagsan ina geyndoono.

No comments:

Post a Comment