Sunday, April 9, 2017

Maansada La Magacbaxday Xurmo Dumar(Abwaan Aljabraawi)

maansadani waa maansada la magacbaxday xurmo dumar waxayna soo baxday 8--4--2017
waxan tiriyaya abwaanka dadayarleh ee abwaan Cali Sicii X Xasan (Aljabaraawi)

gudcur dama habeen roob
dhulkoo daad qulqulayoo
daruuruhuna xidigii
inta ay dabooleen
dayaxuna godkiisii

intuu baalka dacal dhigay
degdeg ugu shalwadayoo
soo diray humaagii
maxan dabin ku joogsaday
maxan dirir ka baaqsaday
maxan dooxo bahal galay
abris duuban iyo halaq
intuu duurka iigalay
isagoo idililaa

maxan dib uga joogsaday
maxan jarar ku daadegey
daluun hoose sii xulay
hadba daymo bogashada
maxan diiday aragtida
degel aan nafmoodoo
dhaxantiyo dabayshiyo
dugaaga aan ka weheshaday
maxaa daalin iga helay
maxan dayro dhaafkii
diiftiyo xanuunkii
sida dogob duleedyaal
cidlo aan dugaashaday
maxan aqal dugsooniyo
daar kali ku falayaa
hadaan deeqi ila jirin
miyaan dermo ku ledayaa
iyadoo docdaydii
ka daleeshantahay tii
duugayga hananlayd
miyaan damasha waawey n
iyo dawyadii sheekh
ku dalxiisi karayaa
iyadoo dul ubaxley
daadbay ku maqantahay
waxba yaanan damqashada
nabarada idaashaday
dusha sare ka maydhine
aan hoos udaadego
waxan doonayee maqan
aan daahiryeelee
yuusuf bal ila doon
soo fuul darmaanaha
ilaa doolo iyo hawd
yaanu farasku daaline
hadba dooxo sii mari
baliyada dushoodiyo
dixida iyo dureemada
sii daaji laba gelin
yaanay kaa diboonine
habeenkaa dul iyo hoos
gaadhkooda daba joog
dabadeedna heensee
markuu waagu daalaco
markuu deedan orodkiyo
dardartiyo talaabada
sida haadka duulee
labo daw dushood maro
xakamaha dib hawqaban
wuxuu sii digleeyoba
kolkuu daaqsinkii tago
ku dabaal halkaan rabay
soo qabo durbaankii
ka digsii ciyaartii
ku dayaami sacabkii
ana luuqda dahabka ah
iyo jiibta daba taal
waanku dari aqaanaa
markayse soo dareeraan
boqolaalkun oo dihin
oo wada dirays xidhan
oo guudka loo dabay
oo guri dugsooniyo
kasoo kacay dhul doogloo
dushu wada labeentahay
markay soo durduriyaan
boqolaalkunoo dumar
dawliilka kala mida
misna diilin sagaliyo
jeegaan is dadabtiyo
aad moodo dayaxoo
intuu bali ku daadegay
dhawr midab is dacal dhigay
markaysoo dabraacaan
boqolaalkunoo duul
oo dumar ufarabadan
oo waliba da.yaroo
daadihinta caashaqa
daalinimo usoomaray
oo aan war duugiyo
deelqaafka hadalkiyo
waxad diido odhanayn
intaasoo is dacal timi
dookha way khalkhalisaa
ana doorashada guud
hadaan arag daraandaro
adigaa dad ii xiga
iga eeg ta diitkiyo
dusha sare mulaaxda ah
iga eeg ta diriciyo
tafta dacalka qabatee
nin waliba ka doogsado
iga eeg ta dirhamkiyo
duunyada ku hadashee
dani kaleba aan wadan
sadexdaasi waa dumar
inta laga ducaystee
daayinaw allahayaw
adaa deeqda bixiyee
iyagiyo intii dagan
daartayda yey gelin
daaradayda yey iman
yaan dadab aroosiyo
darfooley la iidhigay
igulasoo dangiisanin
daayinaw allahayaw
adaa deeqda bixiyee
waxaankaa dakbanayaa
dumartooda ugu mudan
diintana aqoon uleh
digrigiyo quraankana
marna aan ka daalayn
daayinaw allahayaw
adaa deeqda bixiyee
waxan kaa dalbanayaa
midaan dalab lahaynoo
deriskiyo xigaalkiyo
dadku aanu igu nicin
haday dunidu qiiqdoo
denbigiyo xasaraduhu daaradaha yimaadaan
midaan lay dacwoonayn
diirkay ku dhalatiyo
dubka sare midaan gubin
difaacii jidhkeediyo
dahaadhkii ilaahay
kaga daahay qoraxdee
lagaga dayray nabarada
midaan dawo ku naafayn
markay milicda duhurkii
dabka iyo dushiisiyo
hawl adag dareentona
midaan diiqadoonayn
debecsanida hadalkiyo
samirkiyo dulqaadkiyo
degenaanta socodkiyo
dibno hadal macaaniyo
naxariis ku deeqdaa
xurmo dumar ku idishahay
waxbadanbaan duxaayoo
dadka kala guraayee
damacaygu tuu rabo
daayinaw allahayaw
isu kaaya daayoo
duriyad aan ku faaniyo
ubad diinta jeceloo
dedaalkoodu muuqdoo
qalbiyadu ku degayaan
daayinaw nakala sii
intaan dunida joognona
nolol diiran oo wacan
waxan dembi samaynona
daayinow hanagu dilin
anagaan dib uga noqon
maalintay udarantahay
kuwa nebigu doortee
daartii wacnaydiyo
udareera janadee
daaimaya nagayee

No comments:

Post a Comment