Ma
tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo
guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale:
“Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”.
Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo.
Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad
marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa
dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg yahay.
Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo
la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo
kale maahmaahbaa waxay tidhaahdaa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna
dhaafaa”. Xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonahay arday wanaagsan oo guulaysta
adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin,
oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska
dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.
1.
Qorshee
waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu
odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay
hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaabaya. Maxaa
hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa
inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoosayn 90%”. Hurdo badan, cayaar,
iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho.
Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanayso si aad u
gaadho darajadaas aadka u saraysa.
Hawlaha lagaaga baahan yahay waxaa ka mida wax-akhris, qoraal,
hawl-wadareed aad ardayda kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed,iwm.
Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu caddaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala
hormayso, mudnaantana siiso kuwa waxbadan ku soo kordhinaya hadafkaaga.
Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay haddaad qabato waad ku
liibaanaysaa, is waydii waxaad u baahan ee khayraad ah sida buugta,
internet-ka, lacag, qalab, saaxiibadaada aad isku galaaska tihiin,
macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta.
“Qorshaha wanaagsan ayuunbay nolosha wanaagsani ka bilaabantaa”.
2. Akhri, faham oo dadaal
dheeraada bixi duruustaada
Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto,
kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday
dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u
hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho
culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu
haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in
maqaal ama maqaalo lagu lafa guro.
Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax
loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question,
read, recite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad
akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinka
oo si kooban loo sharxay:
·
Eegmo
korxaadisa (survey). Si korxaadis ah baad u indho indhaynaysaa cinwaanada,
qoraalada jaantusyada iyo maababka, hordhaca, gabagabada iyo haddii uu cutubku
leeyahay soo koobid.
·
Su’aal
(question). Cinwaanka, iyo cinwaan hoosaadyadaba waxaad u rogaysaa su’aalo.
Sidoo kale akhri su’aalaha cutubka, deedna naftaada waydii su’aalahan: “muxuu
macalinku cutubkan iga waydiin karaa?, maxaan hore uga aqaanay cutubkan? IWM”.
·
Akhri
(read). Hadduunbaad bilaabaysaa akhriskii dhabta ahaa. Inta aad akhrinayso, aad
u dhugo in aad su’aalahaagii jawaab u heshay, dib u akhri macnaha iyo qoraalada
ku hoosyaal sawirada, jaantusyada, IWM. Waxaad il-gaara ku eegtaa meelaha
xariiqda la hoosdhigay, farta la yar seexiyay (italic), amaba la muujiyay
(bold). Meelaha aan kuu cadayn ama mad madaw kaa galana xawaaraha akhriska hoos
u dhig kuna noqnoqo haddii aad mar kaliya ku fahmi waydo.
·
Dib
u dhihid (recite). Su’aalo hadal ahaana iska waydii wixii aad imika akhriday,
ama soo koob adiga oo isticmaalaya ereyo adigu aad leedahay. Calaamadi meelaha
muhiimka ah, afkaarta aad la dhacdayna isku day inaad ereyadaada dib ugu
cabirto. Inaad dib u odhan ama u xasuusan karto wixii aad akhriday waxaa kaa
saacidaya haddii aad isticmaasho dareemayaal dhowra sida: araga, dhihida,
maqalka IWM.
·
Dib
u eegis ama naqtiin (review). Wixii aad akhriday ee aad dib-u-dhihida ku
samaysa baad hadana su’aalo iska waydiinaysaa si aad xoog ugu sii fahamto.
Caadiyan talaabadan ugu dambaysaa waa mid joogto ah oo lagaa rabo inaad samayso
marar kala duwan si aad u weelayso, u fahamto una jilciso wixii aad akhriday.
Waan akhriyay halna ka garan maayo maaha laba is qabta. Haddii
hanaankani uu kaa caawin waayo akhris wax-ku-oola, waxaad baadhaa hanaanada
kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabiyay. Hadda haw malayn in aad maalin qudha
ku helaysid midhaha dariiqan iyo mid kale toona. Waxay u baahan yihiin samir,
ku celcelin, iyo jilcin.
3.
Falaska u soo xaadir si joogta ah
Soo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan
waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka
faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa macalin ka
sheegay oon buuga ku qornayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in
kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana
waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in
shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo
masuuliyad leh.
4. Ka
shaqee laylis-yada, shaqo-gurida, iyo wixii kale ee laguu diro isla markaana
gudbi wakhtigii laguu qabtay ka hor.
Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun. Qaybta ugu muhiim
sani waa inta aad adigu qabato. Taasna waxaa kaw ka ah inaad si macno leh uga
shaqayso laylis yada iyo hawl-aqooneedka laguu soo diro. Waxaan hoosta ka
xariiqayaa in aad hore u dirto layliska, ama hawlaha laguu diro si aad u hesho
aragtida macalinka ama cidda kuu dirtay. Haddiiba aad wax seegto waxaa la arkaa
in fursad laguu siiyo aad ku hagaajiso adiga oon ka dib dhicin wakhtigii laysla
qaatay.
5. Adaabta,
asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.
Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer
malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo
hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo
dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu
adiga oo kale noqdaan.
Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof
dhamays ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa“cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin,
qofna ninamyaw”. Taas oo macnaheedu yahay haddiiba aanad ahayn
nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad
markii horeba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw.
6. Wakhtigaaga maamul.
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku
manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado,
saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.
Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad
nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku
anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma
fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban
kuugu sheego talaabooyinka uun:
·
Samayso
hadafyo aad rabto inaad gaadho, una hormee sida ay u kala mudan yihiin.Si
aad wakhtigaaga u maamusho waa inaad ka bilawdaa horta maxaan doonayaa inaan
gaadho, sideen u gaadhayaa, maxaan qabanayaa si aan u gaadho iyo su’aalo la
mida. Inta aad taxdo dhamaan hawlaha aad gabanayso, u kala hormari sida ay u
kala mudan yihiin.
·
Faaqid
oo qiimee sida aad wakhtiga u isticmaasho imika.Iswaydii sida aad wakhtiga
u isticmaasho imika iyo waxa aad qabato saacada maalintii iyo habeenkii. Tani
waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato halka wakhtigaagu ka dayacmo iyo waxa kaa
dayaca wakhtigaba. Waxaanay kuu sahlaysaa inaad qorshe wanaagsan u samayso
isticmaalka wakhtigaaga.
·
Qorshee
wakhtigaaga, samayso jadwal, isla markaana maamul wakhtigaaga si wax ku oola. Hawlaha
aad qabanayso markaad taxdo, waxaad u baahan tahay inaad waafajiso wakhtiga aad
mid walba qabanayso adiga oo iska-hor-iyo-daba keenahayn. Jadwal fudud iska
samayso oo xidhiidhinaya hawsha iyo wakhtiga. Kaasi wuxuu kaa caawin doonaa
inaad sahal u aragto, una fuliso hadba hawsha kuu taala. Ta ugu muhim sani waa “inaad
naftaada ku ilaaliso kuna kantaroosho jadwalkaas”. Hadaba, jadwal kasta ma
waxtarbuu leeyahay? Maya. Jadwalku waa inuu noqdaa mid ku caawinaya, oo isu
dheeli tiraya noloshaada. Haddii aad hawl ka buuxiso uun wakhtigaaga waxaa
xaqiiqo ah in aad daalayso. Sidaa daraadeed hubi in jadwalkaaga ay ku jiraan
wakhti raaxo iyo wakhti madhan oo aad ugu talo gasho hawlaha soo darsa.
·
Mar
walba dib-u-eegis ku samee, qiimee,isla markaana hore-umari hanaanka aad u
maamusho wakhtiga. Marwalba dib qiimee, sida aad wakhtiga u maamusho.
Hababka aan shaqaynayn badal, kuwa lagu reeyayna xooji, kuwo cusub oo waxtar
lehna soo kordhi.
Waxaa muhiima inaad iska ilaaliso waxyaabaha wakhtiga lumiya ama
dayaca oo uugu wayn yahay “dib-u-dhigistu”. Arin walba waxaa fiican inaad
qabato wakhtigeeda. Haddii aad dib u dhigto, wuxuu kordhiyaa uun culayska ku
saarmaya beri. Carabtaa ku maahmaahda “hawl maanta aad qaban karto dib ha ugu
dhigin berito”.
Waxyaalaha dhalinta wakhtiga ka lumiya imika waxaa ugu badan dhowr
shay: daawashada kubada iyo filimada/musalsalada, fadhiisiga maqaaxiyaha,
sheekada tilifoonka, iyo la jooga saaxiibada. Waxaasoo dhan waxaa aabo u ah
“han yaraan iyo hadaf la’aan”.
Waxaa muhiima inaad maalintaada la noolaato oo aanad isku
mashquulin wixii tagay. Waa inaanaf khaldin maanta wixii shalay kaa qaloocday,
berina waa inaad ku talogashaa inaad qabato wax ka fiican wixii maanta.
Gabagabo
Ugu dambayntii, ardayga wanaagsani waa ka qorshaysta noloshiisa,
hadaf samaysta, han iyo hiigsi leh, duruustiisa ku dadaala, wax badan akhriya,
aan ka seexan waajibaadka loo soo diro, fasalka soo xaadira markasta, isla
markaana wakhtigiisa ka fii’aadaysta.
No comments:
Post a Comment