Sunday, April 22, 2018

Caqabadaha Guusha

Waxaad arki iyadoo marar badan la isku boorinaayo dalka ha la joogo iyo dalkii ha lagu laabto. Aragti ahaan anigu lama yaabo qof in uu ku noolyahay dalka ama dibaddiis mid kalana  uu rabo in uu hadda u guuro ama ka guuro. Waxaanse la yaabaa In badan oo inaga mid ah inay ku suganyihiin goor kasta iyo goob kasta Hadaf la’aan iyo Han yaraan. 

Wax kasta oo hiraal iyo qorshe leh way ka qurux bataan  wixii aan lahayn. Dad guushoodana waxa kala sareysiiya ama dhadhan u kala yeelaa waa himilooyinka iyo yoolka qeexan.  Markab-ka bilaa naakhuudaha ah, wuxuu halis ugu jiraa inuu dhagax ama buur afka uu la galo. Sidaas oo kale qof bilaa hadaf ahina isna wuxuu afka saaraa  guul darro ama nolol aan haba yaraatee wax qiima ah ku fadhiyin.
Markaa maxay macna sameynaysaa haddii markuu dalka joogana yahay mid iska nool. Markuu ka maqanyahayna uu kaba sii liito. Waxa hubaal ah qof hadduu hadaf iyo han leeyahay meel kasta iyo goor kasta oo uu ku suganyahay in dad iyo dalba loo aayi.

Caqliga qiimaha badan ee Alle ina siiyay inagagana soocay abuurkiisa kale, wuxuu wax inoo taraa  marka aynu ka shaqeysiino, hawl  u dirno, nidaamino, isla markaana ku carbinno kuna tobabarno in uu guullo kasoo hooyo waxyaaba qorsheysan oo aynu galinay. Ruuxuna wuxuu hadaf yeeshaa markuu hankiisu sareeyo, inta ka horeysa waa hamash iyo hawo raac. Jihadiisuna waa  Kolba dhanka ay dabayshu u dhacayso. Hanku waa waxa kugu qasbaaya in aad himilooyin cadcad oo leh mid dhaw iyo mid fog intaba aad yagleesho.  Mar hadduu qofku hadaf yeeshana waxa hubaal ah in uu waqtigiisa ka faa’iideeyo, sida ugu wanaagsanna u isticmaalo. Haddaad aragto qof waqti dayacaaya, waxaad markaba ogaanaysaa in uu yahay qof aanay waxba u qorsheysnayn. 

Haddaba is weydiintu waxay tahay maxaa ka hor taagan qof  in uu aqoonsado naftiisa, isla mar ahaantaana guuleysto ama in uu noqdo mid hadaf iyo han leh...?
Caqabaddahaa waxa ka mid ah qofka oo aan is weydiin ama jawaab u heyn dhawrkan su’aalood:

·   Maxaad doonaysaa:  haddii aanaad ogeyn waxa aad rabto, waa bilawga guul darrada iyo jabka nolashaada. Qofku in aanuu garanayn waxa uu rabaa waxa ay ka marag kacaysaa in aanuu sidoo kale garanayn waxa loo abuuray  ama sababta jiritaankiisa. Ayaan darro iyo Dhib ka weyn ma jiro qof in uusan aqoonsanyn waxa uu rabo  haba yaraatee.
·   Sababteed u doonaysaa: waxa suurta gal ah qof in uu kasoo gudbo marxaladda hore ee ah maxaad doonaysaa. Isla mar ahaantaana ay isku gudubta mar kale su’aasha ah sababtaad u doonaysaa waxaas aad ogaatay in aad rabto?.  Haddii aanaad garanayn ujeeddada ka dambeysa rabitaanka aad shay rabto. Marka hore dhadhan kuu yeelan maayo wixii aad doonaysay ; sidoo kale haddaad hesho ama aad gaadho iyo haddii kalan isku mid ayay kuu noqonaysaa. maaha oo kaliya in aad ogaato sababta, ee sidoo kale waa in ay tahay sababtu mid togan oo macna ku fadhida. Heerka iyo nooca ujeeddadu waa waxa kugu riixaya in aad ka midha dhaliso ama aad ka hadho.
·   Goorma ayaad doonaysaa: waxa dhici karta in aad aqoonsatay wixii aad rabtay; sidoo kalana aad ogaatay sababta aad u doonayso. Laakiin haddii aanaad garanayn goorta aad rabto waxaas iyana waa albaab kale oo u baahan in aad hesho furihiisa, haddii kalana dib kuu celinaaya. Ugu horeyn ba waa in aad qoondeysaa waqtiga aad ku talo jirto in aad qabato ama aad hesho waxaas. Wixii hadhaw dhici Rabbi u daa, adigu se waa in aad la timaadaa qorshe iyo jaangoyn waqti.
·   Sidee ayaad u gaadhaysaa: wixii aad rabtay iyo sababta aad u rabto haddaad ogaatay; isla mar ahaantaanna aad waqti u xaddiday. Waa in aad taqaan waxan sidii aad ku gaadhi lahayd ama aad kaga midha dhalin lahayd. Dariiqa ay tahay in aad u marto; iyo waxyaabaha aad is leedahay way kaa caawin karaan in aad hesho ama aad gaadho wixii aad doonaysay.
·   Kalsooni ma ku qabtaa naftaada: Badanaa oo badanaa qof kasoo gudbay weydiimahaas oo dhan; ka dibna markii uu helay jidkuu u mari lahaa, ee uu ogaaday dadaalka iyo hawl galka looga baahanyahay; markiiba intuu dib u fadhiistay yidhi  “maaha aniga qofka awooda arrinkan oo kale iyo karaankeedii ma lihi ama wax la mid ah” .  Alle(swt)ayaa wuxuu ina leeyahay miyaydaan nafihiina arkahayn. Waa su aal kuugu filan in aad garawshiyo u hesho tayada aad leedahay. Waxaa hubaal ah wax uu qof sameeyay, in uu qof kasta oo kale uu sameyn karo. Haddii uu maro jidkii ku habboonaa waxaas.

 Si fahanku inoogusoo dhawaado,  aynu soo qaadano Tusaalahan
Qof ayaa safar galaaya; ugu horeyn qofkani  wuu yaqaan meesha uu tagaayo iyo sababtuu u tagaayo. Sidoo kale wuxuu garanayaa sida uu ku tagi  karo iyo waxa geyn kara diyaarad, baabuur, markab, tareen ama lug kolba wixii karaankiisa ah ama uu heli karo. Waanuu ka war hayaa waqtiga ay ku qaadanayso iyo inta loo soconaayo meeshaas uu tagaayo. Wuxuu diyaarsadaa dhar iyo sahay wixii ku filan; sidaa daraadeed isagoo isku kalsoon oo aan wax cabsiya qabin oo ku faraxsan safarkiisa ayuu dhaqaajiyaa… Cajiib  bal ka waran haddaba Nolashaada, siday suurta gal u tahay; safar yar oo gaaban inaad waxaasoo dhan diyaarsato isna weydiiso; Nolashaadoo idilna ay iska tahay jaantaa rogan.  Nolasha nasiib ayaynu u deynay. Safaradana qorshe, diyaar garaw iyo dadaal; Waa wax lala yaabo!!!

Haa hadaf la’aan iyo Han yaraan weeyaan waxa inoo diida in aynu garwaaqsano hibooyinka inagu duugan ee Alle (SWT) inoo gaar yeelay iyo inaynu adeegsano nimcooyinka tira beelay ee Alle uu yidhi haddaad is tidhaahdaan tiriya ma tiring kartaan.
Dhammaanteen maahee, badankeenu , dal ama dibad meesha aynu joognaba wax yar oo aan naf lahayn ayaynu ku qanacnaa. Inta badan waxa aynu raadinaa waa shaqo iyo shillimaan; lagana yaabo iyaga laftoodana in aynaan guul kasoo hoyn.  shaqada iyo maalku waa tiir ka mid ah tiirarka nolasha. Haddaba is weydiintu waxa ay tahay, tiirarakii kale ee nolasha yaynu uga tagnay oo inoogu hawlan. Halkaa weeyaan halka Isma dhaanto iyo dhasheed inaga wada dhigtay.  Sidaa daraadeed naftayda iyo nafaha kalaba waxaan kula dardaarmaayaa. Horta in aynu Hadaf cad nolasha ka yeelano isla markaanna hankeenna kor u qaadno. Awoodaha iyo nimcooyinka tirada beelay ee Alle inagu  galladayna aaminno. Waxa hubaal ah haddii intaa la inaga helo waliba sida ugu wanaagsan ee ruux muslim ah laga rabo; In aynu meel wal oo aynu joognaba noqon doono kuwa naftooda iyo dadkoodaba wax tara; Iskuna dheeli tira nolashooda; Guullo is daba joogana gaadha; Farxad iyo reyn reynna ku noolaada.

“Ballanteenu waa Hammi sare, Himilo sugan iyo sidii aynu u hanan lahayn”

Xigash Ibraahin Aw-Xasan (Waaberi)

No comments:

Post a Comment