Waxaa run ah in qof
kasta oo dunidan ku nooli uu jecel yahay in uu guul ka gaadho noloshiisa,
habeen iyo dharaarna uu ku riyoodo sida ugu fiican ee uu guushaas u soo hoyn
karo. In kasta oo sida guusha loo yaqaanno ama nooca guusha ay dadku ku kala
aragti iyo faham duwan yihiin.
Si kasta oo uu qofku
ugu dadaalo in uu guul, haddana dhibtu waxa ay tahay in aanu marnaba ogeyn in
jidka uu hayaa uu yahay kii uu ku gaadhi lahaa guusha uu hiigsanayo, waxa aanu
jeclaan lahaa in uu ugu yaraan helo bidhaan yar oo uu ku garan karo in ugu
yaraan jidka uu hayaa uu yahay kii uu guusha ku gaadhayey. Qormadan waxa
ay taabanaysaa arrimo qofka lagu arko loo malayn karo in uu jidkii guusha hayo,
arrimahan oo ay xeeldheerayaal muddo baadhis iyo sahamin waday ka soo dheegteen
dabeecadaha iyo hab-dhaqannada dadka dunida ee lagu majeerto guusha iyo horumar
ay naftooda gaadhsiiyeen:
1.
Mushaharkaagu yaanu noloshaada maamulin:
Haddii
aad weli xorriyad buuxda u leedahay in shaqadaada marka aad doonto ka tegi
karto, adiga oo aan qiimayn gaar ah siinayn qaddarka mushahar ee aad qaadato,
xitaa haddii shaqada kale ee aad ku wareegayso aad ka qaadanayso mushahar
bulshada kugu xeerani u aragto in uu aad u yar yahay, waxa aad xaqiijisay guul
ay dad badan oo maanta dunida kugula nooli xaqiijin kari la’ yihiin. Waxa aad
haysataa xorriyad aad ku qaadan karto go’aanka aad doonto oo aanad masiirkaaga
oo dhan ku xidhayn go’aamada mamaulaha ama xaqlaha shaqada aad ka shaqayso.
Adduunyadu ma’aha in aadn mushahar badan hesho, balse waa in aad xorriyad badan
hesho si aad waqti ugu hesho arrimaha noloshaada farxad geliya iyo dadaallada
aad guul shakhsi ah ku raadinayso.
2.
Xidhiidhka aad bulshada la leedahay:
Waa
sidee xidhiidhka aad la leedahay dadka kugu dhow, sida xaaskaaga ama
saaxiibbadaada kugu dhow. Ma xidhiidh mushkilad iyo caqabado badan, canaan iyo
cabasho ka buuxdo oo mar kasta khilaaf uun la xallinayaa?!
Mushkiladaha
iyo is-fahmi waa soo gala xidhiidhka bulsho ee qofku waa caqabad ka hor istaagi
karta in uu gaadho guusha uu niyadda ku hayo. Dadka kugu xeeran oo aad xidhiidh
bulsho oo qodax yar la yeelataa waxa ay astaan u tahay in aad haysato waqti aad
u jeedsan karto dadaalladaada khuseeya guusha nolosha aad ka rabto.
3.
Qorshe ma ka leedahay bisha soo socota:
Kama
hadlayno qorshayaasha faahfaahsan ee sannadka soo socda aad leedahay, laakiin
waxaa muhiim ah in ugu yaraan muddo yare e kugu soo foodleh aad ka leedahay
qorshe cad. Waa in aad aragti ka leedahay arrimaha waaweyn ee noloshaada
shakhsiga iyo mihnaddaada shaqo khuseeya ee ay tahay in mustaqbalka dhow aad
qabato, sidoo kale waa in aad leedahay halbeeg aad taqaanno oo bil kasta
aakhirkeeda aad ku qiimayn karto waxa kaaga qabsoomay qorshayaashaadii bishii
hore, isla markaana aad dejiso qorshaha bisha xigta aad leedahay. Haddii aanad
hab-nololeedkan marin waxa ay u dhowdahay in aanad guul la gaadhin ujeedooyinka
aad nolosha ka leedahay.
4.
Caawinta dadka:
Tusaale
ahaan haddii aad isla imika xasuustaada dib u celiso ma xasuusan kartaa ficillo
iyo hawlo aad ku caawinayo dad u baahan oo aad samaysay bishii ina dhaaftay?
Caadi
ahaan dadka badankoodu ujeedada ugu mudan ee ay adduunka ka leeyihiin waa in
dharaaraha ay joogaan ay farxad ku noolaadaan, waxase ay ma’oggan yihiin in
furayaasha farxaddaasi ay yaallaan meel aad uga dhow meesha fog ee inta badan
laga raadiyo. Keliya waxaa ku filan in ay dadka caawiyaan, xitaa haddii ay
noqonayso in ficil yar oo fudud ay ku caawinayaan, tusaale ahaan arday aad ka
caawisay dhamaysashada waxbarashadiisa oo ka kala go’i lahayd caawimadaada
la’aanteed, ama in qof aad ka caawiso hawlo xafiis ka galay. Mar kasta niyadda
ku hay in aad cid caawiso, waxa aad arki nolosha oo farxad kuu yeelatay.
5. Ku
dadaal in aad caafimaadkaaga ilaaliso:
Cuntada
dufanku ku badan yahay, jimicsi la’aanta iyo sigaar cabbistu waxa ay ka mid
yihiin arrimaha khatarta ku ah guusha mustaqbalka ee qofka, waayo waxa ay ku
keeni karaan xaalado caafimaad darro oo ka horjoogsanaya arrimo badan oo muhiim
u ah noloshiisa iyo hawlo badan oo guusha uu rabo lama huraan u noqon lahaa.
Waxaa
hubaal ah in wax kasta beddelkiisa iyo cawil-naqiisa la helo, xitaa lacagta,
laakiin waa ay adag tahay in caafimaadka beddel loo helo, sidaa awgeed ku
dadaal in aad jimicsi samayso xitaa haddii ay noqonayso Saacad badkeed maalin
kasta, hana joojin xitaa marka aad mashquulka badan tirsanayso.
6. Wax
cusub baro:
Marka
laga tago aqoonta laga dheefo shaqada iyo waxbarashada caadiga ah ee
jaamacadda, waxa aad naftaada bartaa in ay jiraan duruus kale oo cusub oo ay
barato. Ku dadaal in aad barato jimicsi cusub, xirfad cusub, ama aad koorsooyin
shaqadaada muhiim u ah ka barato jaamacadaha, maxaddada iyo xitaa internet ka
dhexdiisa.
Haddii
aanad wax cusub baran, waxa aad ogaataa in aad ku dhex jirto dhibaato nololeed
oo ay tahay in aad xal u raadiso. Haddii aad aragto ruux mar kasta waxbarasho
wada, xitaa waxa uu baranayaa ha noqdo wax sahal ah oo yare e, waxa aad ogaataa
in uu jidkii guusha hayo. Maalin kasta oo qorraxdu caafimaad kuugu soo baxdo ku
dadaal in aanu gabbalku kuu dhicin adiga oo aan wax cusub korodhsan, ama
xirfaddaada cusboonaysiin; waa taas astaanta lagu yaqaanno dadka guulaysanayaa.
7. Dhab
ma kaa tahay in aad mushkiladda kaa hortimaaddo ka gudubtaa:
Waxaa
jira dad si dhaqso ah isugu dhiiba mushkiladaha ka hor yimaadda oo aan wax
dadaal ah gelin ka gudbisteeda, iyaga oo aad mooddo in ay sugayaan in xalku
gacan kale ka yimaaddo ama mushkiladdu iyadu is xalliso. Waxaa isna jira qof
kale oo aan is dhiibin, ee si joogto ah isugu daya in uu ka gudbo mushkiladda
soo waajahda, xitaa haddii ay tahay mushkilad ay maskaxdiisu u arkayso in ay
aad u weyn tahay; waana qofkaas qofka jidka guusha hayaa. Si dhab ah oo aad
isugu daydo in aad ka gudubto caqabadaha nolosha ee kaa hor yimaaddaa waa astaan
caddayaysa in aad leedahay xirfadda uu u baahan yahay qof kasta oo hiigsi fog
leh, noloshana guul ka gaadhayaa.
8.
Waqtigaaga waa aad xakamayn kartaa:
Is
weydii inta saacadood ee aad ku qaadato baadhista iyo ku sheekaynta
barkulannada bulsho ee internet ka, inta jeer ee aad asxaabtaada iskala
xidhiidho adiga oo aan ujeeddo sugan lahayn?
Haddii
aad aragto qof aanay u xisaabsanayn saacadaha maalin kasta ka lumo isaga oo aan
wax faa’ido leh qabsan, waxa aad garataa in uu hayo jidka kuwa guul darraysta.
Dadka ujeedadoodu tahay in ay xaqiijiyaan riyadooda, inta badanna guul ka
gaadha noloshu waa kuwa awooda in ay xisaabiyaan oo xakameeyaan waqtigooda.
9.
Dakhliga ku soo gala oo aad badh kaydsato:
Dakhliga
ku soo galaa xaddi kasta oo uu yahay, awood ma’ u leedahay in aad wax uun ka
kaydsato, haba yaraado ee. In qofku dakhligiisa wax ka dhigtaa waa xirfad karti
iyo go’aan adayg u baahan, oo aanay sahal ahayn in qof kastaa sameeyo.
In
qofku awood u leeyahay in uu maamulo dakhliga soo gelaya, oo uu badh ka dhigto
haba yaraato ee waa calaamad si cad inoo muujinaysa in uu yahay ruux leh
hal-adayg iyo xisaabtan, waana calaamad lagu garto dadka jidka guusha haya.
10. Maxaa
kugu qasbaya shaqada aad hayso ama hawsha aad hadda hayso?
Weli
naftaada ma weydiisay, waxa kugu qasbaya in inta aad subaxda kacdo aad qabato
hawsha ama shaqada aad hayso? Maxaa aad u shaqaysaa? Ma is tidhi, adiga oo
naftaada waraysanaya. Haddii su’aashaa aanad jawaab cad u haynin. Ama aad ku
jawaabtay uun in ujeedada aad u shaqaysaa ay tahay in aad lacag hesho ama
mushaharku uu yahay sababta aad dartii u shaqayso. Waxaa ku fiican in aad
shaqada ka tagto oo aad raadiso hawl iyo shaqo kale oo aad jeceshahay
qabashadeeda.
Waa
run oo lacagtu nolosha waa u lama huraan, laakiin isla markaasna waxa aad u
baahan tahay, in aad lacagta ka hesho shaqo aad xiise iyo jacayl u hayso,
haddii kale oo aad waqtigaaga ku lumiso shaqo aanad jeclayn ee aad lacag uun ku
gashay, waxa aad ogaataa in aanad guusha jidkeedii haynin oo uu kaaga dhow
yahay ruuxa maal yar ka hela shaqo uu aad u jecel yahay.
Qore Eng Abdirashid
Hassan Aidid
Abdilondon7473@gmail.com
Mahadsanidiin Qodobadaaan aaad beeey u caawiyeen Mahadi haidinka gaadho
ReplyDelete