Guushu waa shay qof kastaa jecel yahay inuu Gaadho, balse waxa
lagu kala duwan yahay Dariiqyada lagu raadiyo oo kaliya.
Cidda Guusha
gaadhaa waa dadka hormoodka ah ee lagu daydo ama inta Badan lagu Hamiyo in la
gaadho marxalada ay ku sugan yihiin.
Dadka
Guulaystaa Haddaba waxay Leeyihiin caadooyinkaan:
1- Marnaba
marmarsiiyo lama yimaadaan: Haddii aad dhab ahaantii raadinayso guul waa in aad
joojisaa cudurdaarrada iyo marmarsiiyaha aad cuskanayso, waayo waxba kama
faa’iidaysid balse dib ayay kuu dhigaysaa.
2- U
roonaanta dadka kale: Dadka badiyaa nolosha guulo ka gaadhaa waxay wax u tareen
dadkale, waayo heerkaa ay gaadheen kumay gaadhin kaligood ee waxay ku gaadheen
caawimo uga timid dadka kale.
3- Shaqo aan
kala go’ lahayn: Marka ay liibaanayaashu ama guulaystayaashu u socdaan inay
xaqiijiyaan yididiilooyinkooda waxay u shaqeeyaan habeen iyo maalin si aan kala
go’ lahayn, ma daalaan mana caajisaan ilaa ay xaqiijiyaan waxa ay raadinayaan,
dadkani waxa ay toosaan habeenkii si ay u raadiyaan yididiiladooda isla
markaana waxaad aragtaa iyagoo subixiina arrinkan raad guridiisa ku jira.
4- Awood iyo
karti saraysa: Hadii aad dib u raad gurtid taariikhda waxaad helaysaa in
dhamaan guulaha la gaaadhay waqti kaste ay ku hareeraysantahay awood iyo karti
aad u heer saraysa, taasi oo ka dhigtay in dadkii guulahaasi gaadhay ay marba
marka ka dambaysa u sii dhawaadaan heerka ay hiigsanaayaan, iyaga oo isla
markaasina awoodoodu sii kordhaysay.
5-
Mabaadiida: Waxa ugu wayn ee guulaha gaadhsiiyay dadkii nolosha hore guusha uga
gaadhay waxa weeye mabaadiidooda, mabda’aagu waa waxa hore kuu socodsiiya
kuguna caawiya inaad gaadhid yididiiladaa, noqo qof mabda’ leh.
6- Iimaan
adag oon la liijin karin : Cida guulaha waawayn u saaxiibka ahi iimaankoodu
amaba waxa ay ka aaminsanyihiin yididiiladooda marnaba kama habaabaan, in badan
oo noloshooda ka mid ah ayay la kulmeen cid ka shakida, cid dhaleecaysa iyo cid
wax xun ka sheegtaba, balse iskadaa inay arrintani cabsi galisee waxay kusii
caawisay inay kusii adkaystaan yididiiladooda iyo shaqada oo ay kordhiyaan isla
markaana wadaan ilaa ay ka gaadhaan guusha ay rabaan.
7- Sababta
ka dambaysa guusha: Cid kasta oo guul gaadhay waxa ka dambaysay sabab ku
dhalisay inay heerkaa gaadhaan, sababtaas oo dhimbiil ka dhex shida maskaxda
qalbiga iyo ruuxda qofka si aanuu u fadhiisan ilaa iyo uu gaadhayo heerka uu
tiigsanayo una dhaafo dhibaatooyinka kaga imanaya arrinkan sababtiisa.
8- Baadhis
mug dheer: Dadka guulaystaa waxay aad u darsaan amaba u baadhaan waxa ay rabaan
inay gaadhaan oo ay xaqiijiyaan si ay si fudud u rumeeyaan riyooyinkooda iyo
yididiiladooda.
9- Garab
marida dhibaatooyinka: Dadka guulaysta waxa ay si fudud u garab maraan
dhibaatooyinka soo waajaha, oo ma noqdaan qaar halkaas ku joogsada oo
yididiilooyinkooda kaga hadha dhibaatadaa ay la kulmeen awgeed balse waxay sii
galisaa xamaasad iyo awood dheeraad ah oo ay hore ugu socdaan
Qore Eng
Abdirashid Hassan Aidid
Abdilondon7473@gmail.com
No comments:
Post a Comment