” Sida aad ula
dhaqanto carqaladaagu waxa ay qeexaan noloshaada” Billy Cox
Qof kasta oo inaga mid
ahi waxa uu la tacaalayaa carqalad noloshiisa haysata oo ka hortaagan waxyaabo
badan oo uu qabsan lahaa, taas oo ay dad aamisan yihiin in ay tahay wax aan xal
loo heli karin ee ay iska samraan; taas oo ka lumisa awoodii fikir iyo ficil ee
ay kaga takhalusi lahaayeen carqaladaas haysata, iyaga oo ka laabta gacmaha
daawadana meesha ay u kaxayso carqaladaasi. Waxa kaliya ee ay tiigsadaana waxa
uu noqdaa calaacal joogto ah iyo cudur-daaro uu qofku ku xeero noloshiisa oo
dhan.
Maad
ilowday inay noloshu tahay imtixaan iyo shaqo, taas oo mararka qaarkood ah hal
xidhaale ay ka guulaystaan in yari!.
Inta
badan dadyowga guusha ka
gaadhay noloshan ee ka tagay dhaxaltooyo ma guuraan ah oo ay intifaacsadaan
malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida, kuwaas oo aanu magacooda iyo
waxtarkooduba aanu dhimanin ilaa marka ay dhintaan ka dib, iyaga oo ka waxtar
badan kuwo badan oo helay waqti badan oo ay Dunida ku noolaadaan laakiin noqday
rabshad wadayaal nololeed dadka ku xeeran dhiba, nafahoodana cadaab iyo cuduro
joogta ah u horseeda.
Ogsoonoow
in Carqaladu ka mid tahay sunaha nolosha, waayo Rusushii iyo Nabiyadii (
Naxariis iyo nabad galyo guudkooda ha ahaatee) Illaahay ( S.W.T) soo diray
waxay ahaayeen kuwo la kulma carqaladaha; kuwaas oo ka carqalado badnaa dadka
ay la noolaayeen waqtiyadoodii.
Dhibaatadu
waxay inoogu timaada si aynu wax uga barano, uguna dabaqno nolosheena; dadka
intooda badani waxay ku mashquulaan dhibaatada iyaga oo hilmaama casharadii ay
ka baran lahaayeen.
Carqaladuhu
nolosha kama dhamaadaan se xal lagu dhaafo ayaa jira.
1: U
fiirsasho iyo Falanqayn: In aad u fiirsato oo aad
falanqayso carqlada ku haysataa waxay kuu sahli kartaa in aad si fiican uga
bogato dhibta iyo xaga ay ka timid; deetana si fudud aad ugu siibi karto
xiddidada, wax walba bilowga xalkiisu waa fahanka, haddii aanad nolosha fahmin
waliga waad jahawareersanaan, haddii aanad fahmin shay aad isticmaali lahaydna
waligaa ka faa’idaysan maysid.
Si
aad wax u fahantana waa in aad falanqaysaa oo aad baadhitaan qoto dheer u
gashaa.
2: Mar
walba diirada saar dhanka wanaaga: Iska ilow in aad
ku mashquusho dhibaatada carqaladi kuu horseeday; waayo taasi waxay kaa
luminaysaa awoodii iyo kalsoonidii aad ku abaari lahayd kagana takhalusi lahayd
isla carqalada; waxna kaga baran lahayd. Mar kasta oo aad dhanka wanaagsan ee
iftiinka leh wax ka eegto; horseed ayay u noqon kartaa niyad wanaag iyo in aad
sii wadan karto halganka aad kula jirto carqaladaha noloshaada ku xeeran.
In
aynu dhanka xun wax ka eegno waxay inagu sababtaa, in aynu awood u yeelan wayno
helida xal aynu kaga gudubno isla carqalada. Mar kasta oo aad dhanka wanaagsan
wax ka eegtaa waxay ku dhaxalsiinaysaa in aad hesho xalal kala duwan.
Cilmi
baadhis (Research) ay samaysay Jaamacad ku taala Dalka Maraykanka ayaa tijaabo
ay samaysay ku ogaatay in marka qofku dhanka taban ee aan wanaagsanayn wax ka
eegayo aanay suurto gal u ahayn inuu maskaxda ka shaqaysiiyo oo uu baadho xalal
kala duwan si uu u helo xalka ugu haboon se kaliyaata uu dhan qudha wax ka
eego, taas oo sabab u noqota in uu qofku samayn kari waayo xal ku haboon ka
takhalusida carqalada ama uu qaato go’aan uu ka qoomaameeyo, halka dhanka
kalena la ogaaday in marka qofku dhanka togan ee wanaagsan wax ka eego, uu
awood u yeelan karo inuu maskaxda ka keeno fikiro iyo xalal kala duwan oo u
horseedi kara inuu kaga gudbo carqaldaha.
Illaahay
waxaynu ka helna hadba wixii aynu ka filano wanaag iyo xumaanba, wanaaji
filashadaada aad nolosha ka qabto.
3: Mar
kasta Rejo yeelo oo ha quusan: Rejadu waa xanuun biiyaha dhibta
iyo werwerka nafsiga ah, mar kasta oo aad rejo leedahay waad ka murugo yar
tahay mararka kale.
Quustu
waa albaabka ugu horeeya ee laga galo guuldarrada iyo werwerka joogtada ah,
Rejadu waxay ku dhaxalsiinaysaa in aad lahaato calool adayg si kasta oo ay
xaaladu u adag tahay in aad quusataana maaha dhaqan wanaagsan; waayo ogoow in
uu Alle ina faray inaynaan ka quusan Raxmadiisa, taasi waxay ina tusinaysaa
sida ay muhiimka u tahay in la lahaado REJO si kasta oo ay u madowdahay noloshu,
Ogoow in uu Habeen kastaba ka danbeeyo Iftiin maalmeed qurux badan, Dhibaato
kastana ay ka danbayso nolol fiican. Carqaladu haddii aanay ku dilin waxay kuu
noqon doontaa sheeko aad ka sheekayso maalin ka mid ah maalmaha noloshaada
Aduunyo.
4: Baro
Xirfada Xallinta
Khilaafaadka: In aad barato xirfadani waxay kaa
caawinaysaa in aad wajihi karto Carqalad kasta oo ku soo wajahda xalna u heli
karto, aqoon in aad u lahaato xirfada noocan oo kale ah waxay kaa caawin doonta
qaybo kala duwan oo noloshaada ah.
5: Ka
warqab Naftaada: Mar kasta oo aad kor u qaado
ogaanshiyaha iyo ka warqabka naftaada, waxa aad u dhawdahay in aad ka
guulaysato carqalad kasta oo soo wajahda naftaada. Dhibaatada ugu wayn ee aynu
inta badan kala kulano carqaladuhu waa in ay hoos u dhigaan ka warqabka nafeed
ee shaqsiga.
6: Baro
Xirfado kala duwan: Mar kasta oo aad kor u qaado
heerkaaga aqooneed ee aad korodhsato cilmi, waxa aad ka gudubtay oo kaa go’ay
dabar ka mid ah dabarrada Jahliga. Dunidan aynu maanta joogno waxa ugu wayn ee
qofka lagu qiimeeyaa waa xirfdaha uu yaqaano; sababtoo ah waxa la ogyahay;
qofba qofka uu ka xirfado badan yahay inuu ka xallin ogyahay dhibaatooyinka, noloshiisana
awood u leeyahay inuu maareeyo.
7:
Dhiirigali Naftaada: In aad dhiirigaliso naftaada mar
walba waa shay aad ugu muhiim ah noloshaada iyo guulaha aad ka gaadhi karto,
naftaada oo aad dhiirigalisaa waxay kuu horseedi kartaa hanaan nololeed oo wax-soo-saar
leh.
8:
Samayso Caawiye: Helida shaqsi kaa waayo aragnimo
iyo aqoon badan waxay kuu fududayn kartaa in aad ka gudubto carqaladahaaga, qof
ku caawiya oo ku siiya talooyin dhaxagal ah wuxuu kuu fufudayn karaa ka gudbida
carqalada, baadi doon oo ka ag dhawoow dadka aad bidayso inay noqon karaan kuwo
awood u leh inay kula xalliyaan carqaladahaaga.
Awooda
carqaladahaagu kaama wayna se adiga ayaa dooran kara in aad isku diciifiso oo
aanad waxba ka baran; dhulkana kula gasho oo ay adiga ku burburiso noloshaadana
baabiiso, ama aad wax ka barato kuna dabaqdo noloshaada oo aad ka dhigato
kaabadihii figta sare aad ku gaadhi lahayd.
Naftaada
markaad habayso
Nitaaqana
aad u diido
Naruurana
aad la doonto
Nuurkii
noloshaad heshaayo
Neecawbaad
dugaashataa
Naxliyo
xumahana nacdaa
Naq
dooglena aad dagtaa
Qoraa Eng
Abdirashid Hassan Aidid
Abdilondon7473@gmail.com
No comments:
Post a Comment