Dadka leh dabeecadaha hoos ku xusan
ma noqdaan kuwo guul ka gaara shaqada iyo ganacsiga,
maadaama ay yihiin dabeecado qofka ka horstaaga in uu nolosha horumar ka
sameeyo. Hadaba qiimeyn isku samee oo haddii aad 10-kaan dabaceedood qaar ka
mid ah leedahay waa in aad bilowdaa sidii aad isaga reebi lahayd.
1 – Waad hami weyntahay – Waxaad leedahay gool aan caqliga galayn oo
waxaad doonaysaa in aad samayso waxyaabo aan macquul ahayn ama aad u adag. Tani
waxay noqonaysaa mid waqtiga kaa
qaada inta aad ku haminayso in aad gaadho waxyaabo aan suuro gal ahayn.
2 –
Qaladaadka waxaad u aragtaa fashil – Haddii qof kale uu sameeyo waxyaabo
ka wanaagsan mida adigu aad hayso, waxaad isku aragtaa in aad fashilantay,
sidoo kale waad qarisaa khaladkaaga adiga oo ka cabsanaya in aad ceebowdo. Ma
tihid mid qaladkiisa qirta oo cashar ka qaata.
3 –
Naftaada kuma qanacsanid – Qaasatan marka aad qalad samayso kor iskuma qaadid ee
waxaad eedeysaa naftaada iyo adiga oo aan lahayn kalsooni aad wax ku qabato maadaama
aadan is aaminsanayn.
4 –
Waxaad ka cabsataa qataraha – Oo haddi aad samayso waxyaabo qatar leh waxaad ka
cabsanaysaa in aad ku fashilanto, waliba adiga oo ay kaa maqantahay kalsoonidii
aad ku guuleysan lahayd, sidaa darteed ayaad jeceshahay in aad ka dheeraato
waxyaabah qataraha ka imaan kara sida in aad ganacsi abuurto ama aad loolan
gasho.
5 –
Waxay kaaga dhagantahay miraha – Kuma raaxaysatid in aad wax cusub barato ama aad
gasho loolan xiiso leh oo aad wax cusub tijaabiso. Maadaama ay kaaga dhagantahay
in aad natiijo gaadho.
6 –
Waxkasta 100% ayaad jeceshahay – Waxaad tahay mid jecel in waxkasta ay yihiin 100% oo
haddii taasi la waayo dareemaya in fashil ay tahay hawshaada.
7 – Uma
adkaysan kartid dhaliisha – Maadaama aad tahay qof aad u qiimeeya fikradaha dadka
kale, hadana waxaad tahay mid aan aqbali karin oo aan u adkaysan karin marka
laguu soo jeediyo dhaliil ama la dhaliilo shaqada aad qabatay.
8 –
Dadka kula shaqeeya ayaad cadaadis saartaa – Waxaad doonaysaa in qofkasta
uu sida adigu aad wax u samayso ay u sameeyaan, oo haddii aysan wax u qaban
sida aad doonayso oo laga yaabo mararka qaar in aysan macquul ahayn, ayaad
eedaysaa dadka kula shaqeeya. Tani ayaa keenaysa in xiriirka kaala
dhexeeya dadka kale uu liito.
9
– Shaqada ma qeybisid – Maadaama aad doonayso in waxkasta 100% ay noqdaan
isla markana aad ka cabsi qabto fashilka, ma aamin sanid dadka kale in ay
shaqada si fiican u qaban karaan oo waxaad doonaysaa in waxkasta adigu aad
dusha saarato.
10 –
Waad wahsataa – Maadaama aad doonayso in waxkasta loo qabto si heer
sare ah ayaad noqotaa mid wahsanaya maadaama aad aaminsatahay in aad 100% wax u
qabato ama aadan waxba qaban. Tani oo keenaysa in aad fashilanto.
Marka aad
fahanto 10-kaan dabaceedadood iyo sida ay xiriirka u leeyihiin ayaa waxaad
dareemaysaa in haddii qaar ka mid ah dabeecadahaan aad leedahay in ay sabab u
noqonayaan in aad kuwo kalena yeelato maadaama mid-ba-ay mid kale kuu
dhiibayso.
No comments:
Post a Comment