Saturday, December 17, 2016

Gabaygii Naruuro EE Hadayada Habalaheena

Aabahay nimcadii uu dhalaay naale igu soora
Naruurooy adaan  kula koroo waad inasisaaye
Naxdintaada anigow dhintoo neceb dhibtaase
Nud wadanaha kuyaalbaa udamaqada nabardaadiiye
Walaashayda naaswad jaqanaay haga nugux siinin
Kuu nooli waan kula dhashee nacabka haw liicin
Nafataydaad nalkeedii tahee naaqus ha ahaanin
Naxriista waa loo dhashaa nooca aad tahaye
Marka aan xanuun naasilmee nabar isoo gaadho
Sided iila nooshahay sidaad igu nugulaato
Sided ila naaqishi taqaan dariska aan maago
Niyadayda kam saaryoo way ku naban tuune
Nafbaxaaga waan kuu ogee hayga nacsoobin
Maamuus adigaya boqoroo waan najaxayaaye
Naf furkaagu sharftayada wuu naaxiyaa abide
Nafacaagu hadii aanu jirin naafsi makareene

Naqadintaadu maryahaan xidhaya qurux ku nuurtaaye
Inta aad nasteexada wade maanka nasinayso
Waa intaan nasriga taabayee guul ku nagayaaye
Waxakastoon noqdaba waatahee samirka ii nuuji
Nacafi badan hadaan leeyahoo caawa igu nooshaya
Murugadan kuloogataan ilayan kaa nasilan laaye
Waxan caawa gabayga unaqilaya waan ku nafisaaye
Nabsigaag uunbaan rabaa inaan ku naaraaye
Nus magudin xaqaagii man naqtiimayane
Walaashanu naas wada jaqanaay hayaga niyada qaarmin
Kuu nooli waan kula dhashee nacabaka haw liicin
Nafaydaad nalkeedii tahee naqus ha ahaanin
Waxa inan raga naanaabayee midiba nooc sheegto
Ee nuqsaanta haweemkooda bilan naago uyaqaana
Naruurooy adaan kaa jecelahay niyada ahaantiiye
Garmaayo nin kuu xuloon kuu naqayn kare
Dharaartaad nasiibkaagu helo midad la noolaato
Naf kutabaysa baa igu jirtoon nabada ahaanane
Nikaaxaagu muruguu igalin neecow udugeeya
Nimco eebo ugu deeqayoo ii naxadaad tahaye
Nabdigaa ruuxii lehbaan nadir u qaane
Naxali iyo naxuus iyo malihid gocosho naareede
Nasaba aabheenbaad caqaliga nooga shabahadaaye
Hooyaan indhah nuurayan niyada xasuusataaye
Naqa xalaalabaada daaqadayoo waad nawiraysaaye
Walaashanu naas wada jaqanaay hayaga niyada qaarmin
Kuu nooli waan kula dhashee nacabaka haw liicin
Nafaydaad nalkeedii tahee naqus ha ahaanin

xigasho yaxye yeebaash



No comments:

Post a Comment