Wednesday, December 7, 2016

Halaaga Tahriibta iyo Hadimadiisa

Masiibooyinka ku habsaday dalkeena waxaa qayb weyn ka ah tahribka oo sababa dhimashada Kumaankun oo qof, oo ku la’ata saxaraha iyo badda Libiya haddana qof walba oo ka mida bulashada Soomaaliyeed oo ku nool wadankeena hooyo waxa uu ku haminayaa inu tahriibo oo uu maro wadaadii dadkii ka horeeyey mareen.Tahriibku waa halaag daran oo ku reeba naxdin iyo walbahaar waalidiinta iyo ehelada dadka ku geeriyooda tahriibka.
Halaaga yaala wadada dheer ee aan uu bixiyeey The Dead Road ( DARIQA DHIMASHADA)ee u dhaxeysa Sudan iyo Libiya waxa yaala silic iyo rafaad badan. Dadku waxay lugeeyaan wax ka badan 600 milles iyagaa oo anan wadan wax sahay ah sida biyaha iyo cuntada oo anaan qofku marnaba la’aan karin. Dhulku waa bacaad ay ka dhacdo dabayl aad uu badan hadana dhulka waxa yaala lafaha tahriibayaalkii horay usoo maray waxa intaa dheer burcad ku jirta wadada oo dadka qafaalanaya oo magacooda dadku uu yaqaanin (MA GAFE) kuwaaso dadka u haysanaya madaxfurasho haddii lagaa waayona habeen iyo maalin laa garaacayo haddana dadka badankiisa ma arkaan halaagaas ku dhacay dadkii ka horeeyey, waxaad moodaa iney ka dhaga la’a yihiin.
Midiba midka kale ka darane haddii alle ku dhaafiyo dhibkaa saxaraha iyo badda waxaa iyaduna ku sugeysa dhibaatada taala Europe.Haddii alle ku nabad geeyo waxa lagaa yabaa inaad dhaafi weydo Malta oo ah wadanka xadka la leh Libiya oo aay faraha kaa qadaan manaa ahaan wadaan xalimili karaa culeska iyo baxadaa tahribtaa Soomaalida. haddii wadan ka mid ah Europe uu faro kaa qaadona uma gudbi kartid kuwa kale oo waxay wadagaan warbixinta socdaalada.Haddii alle ku dhaafiyo kuwa malta waxaa adag inaad dhaaftid kuwa talyanigaa oo iyaguna laga yaabo iney fara kaa qaadaan lakiin wax walba waa calaf haddii alle ku geeyo meshaad rabtay oo aad xereysid warqadaha aqoonsiga ayaa waxaa laga yaabaa iney si fudud kuugu dhahaan sharci kuma siineyno iyagoonba wax war ah u heyn dhibka iyo silica aad ku soo martay wadada dheer. Caqabadahu meel walba weey ka jiraan haddii aad heshid sharciga waxaad haddana layn dheer aad uu geleysaa meel aad dagtid oo aad ku nolaatid shaqo iyo hankalena warkeeda-ba daaa.

Hadaba aragtidayda waxaan anigu qabaa dhibaatada tahriibka ineey sabab u yihiin Soomaalida joogta qurbaha oo dhalinyarada ku hagaya inay tahriibaan naftoodana biimeeyaan haddana bixinaya kharashka iyagoo og dhibka yaala qurbaha iyo wadada dheer ee lagu la’day. Hadaba aniga aragtideyda waxaan aaminsanahay haddii ay oran lahaayeen wadankiina jooga oo wax ka barta kana shaqesta in dhibkani yaraan lahaa. Sababto ah waxaynu ognahay inta qurbaha joogta ineysan haysan ama heli karin waxa aynu wadankeena ku haysano. 20 tanka kun ee Magafaha loogu dirayo Libiya haddii qofka lagu siiyo wadankiisa ama tacliin loogu diro waxaan aminsanahay inuu ama qofku wax baran lahaa ama uu shaqaysan lahaa oo welibaa kuwa kale oo Soomaaliyeedna uu u faa’ideyn lahaa.
Tahriibku waa dhibaato qaran, waa dhibaato umadeed, waa dad la’aan hadaba waxaa wax laga xumaado ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay garowsan la’yihiin khatarta taalla Saxaraha u dhaxeeya Sudan iyo Libiya iyo weliba badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga. Xal u helida tahriibku waxay uu baahan tahay dadaal dheer iyo iskaashi ka yimaada dawladaha ka jira dalkeena iyo weliba shacabka Soomaaliyeed.Badbaadinta umada waxay waajiib ku tahay qof walba oo muwaadin ah ma ahan mid qof gooniya saaran. Adiga oo ka bilaabaya naftaada, walaalka iyo walashaada Soomaaliyeed waa inaad la dagaalantaan tahriibka una sheegtaan qof walba inuu ka joogo tahriibka. waxaa looga baahan yahay qof walba oo Somaali ah inuu ka waantoobo cindigiisana ka saaro tahriibka, kuwa kale oo hindisayana uu ka waniyo.


Guntii iyo gunaanadkii waxaan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad uu aqriday maqaalkeyga iyo waqtiga wanaagsan ee aad i siisay sidoo kale waxaan digniin u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waalidintooda, waxan leeyahay waad aragtaan dadkii hore meeshay mareen iyo dhiibka haysta waxaa jirta khatar badan oo ka jirta Saxaraha iyo biyaha u dhaxeya Talyaaniga iyo Liibiya waxan idin leeyahaay ka jooga khatarta ha ka ogolaan ubadkaaga inuu maro dariiqa dhimashada haku bixin lacag hana ku taageerin.

No comments:

Post a Comment