Tuesday, December 6, 2016

Waa Kuma Hogaamiyaha Wanaagsani?



      Asalaama Calaykum 

     Waxaan halkan bulshada  ugu soo gudbinayaa maqaalkan gaaban ee  aan  ciwaanka uga dhigay,  Waa kuma Hogaamiyaha Wanaagsani. Ama side ku dooran karnaa hogaamiyaha wanaagsan.


Sababta igu keliftay qormadan ayaa ah cabashooyinka badan ee kasoo baxaya bulshaweynta Somaliland  taas oo ay ka cabanayaan hogaamiyahii ay doorteen, sababtuna waxay  ay tahay markii hore ayaanay ka firsan qofka uu yahay hogaamiyaha ay dooranayaan.
 Dad badan ayaa is weydiinaya waa kuma Hogaamiyaha fiicani? Calaamado nooce  ah ayaa lagu garanayaa?
Hadaynu isku dayno bal inaan wax ka tilmaano Hogaamiyaha fiican iyo sifooyinkiisa, si bulshada ay ugu fududaato inay kala doortaan hogaamiyayaasha kursiga u tartamaya  si ay  sifooyinkan ugu  kala saaraan  una  doortaan  hogaamiye fiican oo aanay ku khasaarin.
  Hadaan kusoo ururino shan qodob  (5 qodob ),  oo ka mida qodobada lagu doorto hogaamiyaha fiican ama furaha u ah hogaaminta wanaagsan  (good leadership) waxaa ka mid ah:
1.     Daacadnimo ( Honest) – Hogaamiyaha Fiicani  waa inuu daacad, ahaa daa si loogu aamino sharciga iyo dhamaanba hantida umada  waayo daacadnimadu  waa shay aad u muhiima  kuuna horseedi karta guul aad gaadho, dadlkuna   kuu gartaan inaad tahay ilaaliye lagu aamini karo hantidooda.
Tusaale waxaa inoogu filan Nebi Maxamed (NNKH) oo magaciisu ahaa SAADIQUL AMIIN,
Oo ah kii aaminka ahaa ee runta badnaa, hogaamiya fiicani waa inuu ahaadaa kii run sheega oo aamina;

2.     Dhaqankiisa ( Model tha way) – Hogaamiyaha fiicani waa inuu ahaadaa qof lagu dayan karo oo eraygiisa ama hadalkiisa uu ka horeeyo dhaqankiisu, taas micnaheedu waxay tahay  waa inuu ahaadaa qof dhaqan wanaagsaan oo dhamaan waxyaabaha uu dadka u sheegayaa ahaadaan qaar isaga ka muuqda oo uu isagu ku dhaqmaa, si dadku u aaminaan in qofkan yahay qofka ka run sheegaya waxa uu sheegaya.
         Inuu ahaado qof leh aragti fog  oo uu mustaqbalka arki karo;
         Inuu ahaado qof  ra,yigiisa lala wadaago oo aan keligii isku koobin;

3.     Fursadaha baadi gooba (challenge the process) – Hogaamiyaha guulaystay ama hogaamiyaha fiicani waa ka baadi gooba fursadaha, si uu uga faa,iidaysto oo uu u gaadho jaanisyo kale;

4.      Wada Tashi ama dood wadaag  – Hogaamiyaha fiicani waa inuu Dadka ka qayb geliyaa wax kasta oo uu qabanayo, si  loola wadaago  dhaqankiisa wanaagsan iyo hogaaminta fiican  ayna  soo  baxaan dad isaga ku dayda oo ka dhaxla wax wanaagsan ,  marka uu dhinto.

5.      Dhiiri geliye – ( Encourage the heart) – hogaamiyaha ficiani waa inuu ahaadaa mid dhiiri geliya dhamaan cida la shaqaysa iyo bulshadaba si ay dedaal  dheeraada u sameeyaan, oo uu tartan geliyaa shaqaalaha iyo  bulshada si ay wanaaga ugu kala dheereeyaan, oo ugu balan qaadaa abaal marino.

Hadaba ma inala tahay inaan ka fiirsano intaynaan dooran Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Intaanad falin ka fiirso ), ma idinla tahay inaan ka fiirsano intaynaan dooran?.

No comments:

Post a Comment