Tuesday, December 6, 2016

waa maxay jacaylku whats love?

Haddaan laysu dhimanayn,
Nafta la isu dhiibayn,
Sow maaha dhalanteed! – Hadraawi
Qorayaal badan ayaa u tafaxaytay in ay wax ka tilmaamaan jacaylka, qaar kalena waxay u kuur galeen sidii ay dadka u fahansiin lahaayeen micnaha jacaylku  leeyahay, qaar kale waxay isku hawleen oo ay wakhti badan geliyeen sidii ay faahfaahin buuxda uga bixin lahaayeen  jacaylka, laakiin badi waxay cabireen aragtiyo kala duwan oo aad u xanuun badan. Hadaba haddii aynu soo qaadano mid kamida raad-raacyadii cilmiyeed ee ay qoraayadu isku dhibeen bal ila dheehda aragtidan.


Kalmadda LOVE waxaa loo soo gaabiyay sidan; L (lack of pleasure) O (ocean of sad) V (vellay of deeth) E (end of the live).
Kalmadahaas oo macnahoodu yahay, (farxad la’aan), (badda murugada)(dooxada qudhuntay), (dhamaadka nolosha).
Waa Maxay Jacayl? Waa su,aal in badab dhegihiisa ku soo noq-noqota qofka bani aadamka ah.
balse ay adkaato sida uu uga jawaabaa.

Haddii aan dib u baadhno dhacdooyinka iyo sooyaalka nolosha, xaqiiqdii (runtii) waxaynu odhan karnaa qoomiyadaha adduunka ku dhaqan hadii la waydiiyo  waa maxay jacaylku?   Male (Shaki) kuma jiro afkay doonaanba ha ku hadleene, inay waxooga inooga sheegi karaan, jacaylka.  Hadaba adiga oo soomaali ah maxaad ku tilmaami kartaa jacaylka?!! Marka la soo hadal qaado se maxaa maskaxdaada ku soo dhaca?!! Sidee buu se ruux kastaba u arkaa?!!! Maxaa se lagu gartaa qof ku dhaco?!!!.
Haddaba intaynaan u bixin ka jawaab celinta su'aalahan, adigu ma aaminsan tahay inuu jacaylku yahay wax jira? Maxaad se ku cadayn kartaa jacaylku inuu yahay wax jira? Anigu aragtidayda, waxaan ku odhan karaa waa awood cajiiba! oo uu ilaahay noolaha isugu beero, dareenkaasoo u kala baxa dhawr qaybood, sida dhiigaba loogu kala saaro ; A, B, AB, O.  oo uu  qofku la wadaagi karo noole yaal iyo manoole yaalba. Sida aan qabo dareenkan jacaylka waxaa la isugu gudbin karaa taabasho, cod, aragti, sheeko, iwm. Hadaan dhanka kale iska taagana dareenka jacaylku waa  hiigsi , haabasho, hawaawir iyo hamin ku hayn qofku uu niyada ku hayo qof kale. Aan cabaar is dul taago qaybaha jacaylku u kala baxo; 1. (A). waa mid aad jeceshahay hooyadaa, aabahaa , walaalahaa, iwm, (B). waa mid aad wadankaaga, dadkaaga diintaada, iwm. (AB): waa mid aad jeceshay qof gaara oo aad rajo ka leedahay, (O) waa mid aad jeceshahay dhaqankaaga iyo nolosha aad ku jirto oo dhan.
Run ahaantiina Jacaylka dhabta ahi ma gudho mana dhamaado, had iyo goorna qofka wax jeceli afkaasi kama dhigo noolaha uu jecel yahay, mar arrinkaas la falanqeeyey oo la is waydiiyey waxaa laysla gartey hadal hayntaas joogtada ah inuu uga dhawaanayo, wehelna uu ka dhiganayo, waxaa kale oo la xaqiijiyey inay riyaduna xad dhaaf tahay, waana iska suurowdaa inuu habeenkiina ku qarwo!
Ummad kasta iyo diin kastaa sibay u qeexaan jacaylka, laakiin diinteena islaamku waxay ku taagan tahay jacayl iyo raxmad, taasina waxay kuu cadaynaysaa in uu jacaylku yahay rukun muhiima. Anigu waxa aan aaminsanahay inaanay gelin dunidu jirteen haddi aanu jacayl jirin. Tusaale, hooyo iyo ilmeheeduba may wada joogeen hadii aanu jirin riximka iyo jacaylka fiican ee ilaahay isugu beearay.
Midkee jaceylku saameeya wiil iyo gabadhba, waxay had iyo jeer ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxaa u jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin. Wiilka & gabadhaas waxay go’aan ku gaadhaan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jacaylkooda. Waxay ka tashadaan ayahooda dambe iyo mustaqbooda siduu noqon doono.
Faa’iido iyo qaasaro wuu leeyahay jacaylku laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, taas oo micneeheeddu tahay xanuun cusub oo ku soo kordho oogada, jidhkoo ku jajaba, niyad xumi, raashiinkoo ka go’did, iyo is daryeel la’aantaan jidhkaaga. Waa astaamaha jaceylka, markaad ruux jaceyl u qaadid, oo isna kuu ogeyn inaad dunida ku nooshayba.
Jaceylka noocaas ah, waa midka ugu khatarsan intaad naftaad halis gelisid amaba dhaawac isu geysatid, mana ogaatid goortaad ficilkaas sameysay, sababtoo ah, damiirkaaga ayaa ku maqan tii yarayd. Dakhtar ku daaweyn karaana jiro, ilaa aad ka heshid kii / ama tii aad jeclaatay, taasi waa khasaaraha ugu xanuunka badan ee uu jacaylku leeyahay.
Jacaylku waligii waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa nooma baahna ee anagaa ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii Xaawo Iyo Aadan, Jacaylka kama maarano asagana nagama maarmo Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa Laylo iyo Qays Cilmi iyo Hodan Juuliya iyo Romeo Grendiano Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin.
Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah Dhidid Cuqdad fakar xad dhaaf ah Boholyaw Mashquul fara badan Qofka oo dhibsada hadalka U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd Tarsaas magaca qofkaad jeclayd Cunada oo kaa xiranta iyo cunaha oo wixii sii maraaba ay noqdaan candhuufta, Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iyagu ka waramaya qisooyinka jacaylka iwm.
Waxaan filaya in aynaan soo koobi karayn macnaha buuxda ee uu leeyahay Jacaylku. Balse aan isku dayay in aan Laba kalmadood oo kaliyah ka idhaahdo jacaylka.

No comments:

Post a Comment