Thursday, January 5, 2017

Maamulka iyo Hoggaaminta. Aniga, John iyo Charles.


.
Gaadhi ayaanu wada saarneyn aniga iyo laba nin oo kale oo ajinabi ah. Labada nin ee ajnibiga ah midi waa qofka uugu sareeya meesha an ka shaqeeyo oo #John ayaa la yidhaa. Mid ka kalena #Charles ayaa la yidhaa oo qeyb ayuu madax ka yahay. Aniguna darajo ahaan waan u dhexeeyaa. Gabadha #Sylvia la yidhaahdaa waxa ay joogtaa xafiiskayaga magaalada Camman oo waa khabiirad.
Aniga iyo John iyo Charles gaadhi ayaanu wada saaranahay oo waxan ku soconaa Wasiir an ballan la leenahay. Meeshu waa magaalada Sanca waana 2014 kii.
Casharkani waa tusaale ku saabsan hoggaaminta iyo maamulka.#wixii_ad_ka_fahamto_soo_qor.
Halkan waxa wada hadlaya John iyo Charles:

#John: Waxa an kaa rabaa in warbixintii an kuu direy iyo waraaqihii kale oo dhan ay miiskeyga yaalaan berri 10:00 subaxnimo si an u saxeexo.
#Charles: Warbixintii maalin hore ayaan dhameeyey oo an u gudbiyey Sylvia si waxa ka dhiman ay uugu darto. Marka ay soo jawaabto, toos ayaan xogheyntaada uugu keenaya.
#John: Malaha imaad fahmin ee an kuugu celiyo: berri subax marka ay saacaddu tahay 10 ka waa in warbixinta iyo waraaquhuba miiskega saaranyihiin.
#Charles: Dhowr email ayaan Sylvia u qorey oo an ku xusuusinayo iney soo dirto warbixinta, iminkana email ayaan u dirayaa oo an odhanayaa maantaba soo dir.
#John: Malaha hadalkeygu meel ayuu kaa dhaafayaa oo imaad fahmin. An mar kale kuugu celiyo sheekadana halkaa inoogu xidh. warbixintaasi waa iney taalaa miiskeyga berri 10 ka aroornimo.
Wixii intaa ka danbeeyey, aniga iyo John sheeko kale ayaanu iska galney, balse ninkii Charles ahaa werwer ayaa hayey oo sheekadayada lamuu socon. Hoosta ayaan ka eegayey dhididka ka dhacaya. Markaan gaadhigii ka degney ayuu Charles hoosta igala hadley oo uu yidhi ninka maad iga qabatid, qeybtedii waan dhameeyaye oo Sylvia ayaan u direy. Wixii an uugu jawaabey mar kale ayaan soo sheegidoonaa. Soo qor casharkaa waxa ad ka fahamtey

2 comments:

  1. ustaad wa sheeko murti leh noo soo dhamaytir

    ReplyDelete
  2. wxaan sheegi donaa sida aan u maleynaya waxee noqon kartaa sax aama qalad lkn waan isku dayaa.

    hogaaminto waxee ubahan tahay ad adeeg iyo in aad si cad warka usheegtaa.

    ReplyDelete