Friday, October 20, 2017

SIDEE UGU FUDUD OOD UGA BIXI KARTA SHAQO LA'ANTA UNA HORU MARIN KARTA SHAQADADA!


ASC Asxaabta Isu Soo Noqosho Wacan?
Akhyaarta aad ayey ii farxad galinaysa inan mar kale iskugu nimadno qormoyinkeeni caadiga inoo ah, maanta inshala waxan Saxibayaal ku eegi doona SIDA UGU FUDUD EE SHAQO U HELI KARTA AMA AAD U HORU MARIN KARTA TAAD HAYSO!


Noloshu waa wax dhadhan macaan, waa madal kulmisa oohin iyo farxad, waa meeqam Adamuhu kusoo bandhigo awoodaha Alle siiyey ee kala duwan, waxa hubala inad maalin kasta la kulanto dad kumashquula arimo kala duwan, mid laga yaabo inu Buug iyo Qalin wakhtigisa galiyey, mid Milgacad iyo dube la kalahay, halka midkale beertisa ama xoolihiisa ku kala hayey, iyadoo sida loo kala duwan yahay ayaa hadana hadad u fiirsato ujeedada ka danbaysa waxaaso dhan ay tahay hal mid: INUU QOFKASTA LASOO BAXO NOLOL MAALMEEDKISA, SI UU UGA KAFTOOMO BARYADA QAYRKII.

Iyadoo tani jirto ayaa hadana aadamahu isku dhaafay horu marinta iyo tayeynta wuxuu gacanta ku hayo, arinta ayaa ka marag kacaysa inaad aragto dad si dhakhsa u koray jaran jarada nolsha iyago wakhti iyo isxigxiga ka talaabsaday sees wawayn, halka kuwa kalena ay suuro gal tahay inay mudo dheer ku qaatan ahl marxalad ama duruuf kaliya.

Hadabe Akhriste hadad rabto inaad ka baxdo shaqo la'aanta ama aad ka dalacdo booska aad kaga jirto goobta ad ka shaqayso isku day inad la timado arimahan:
1.            U diyaari naftaada inay la tartanto qayrkeed, ku xisaabtan duruufaha ka jira guud ahan caalamka, dalka, iyo meesha aad ku nooshay, adoo noloshada ka dhigaya mid la jaan qaadi karta isbadala joogtada ee ka socoda deganka kugu xeeran,
2.            kor u qaad xirfadaha qiimaha  gaarka sinaya shakhsiyadaada, ku qalabe naftadaa Adegsida aalada Computerka, xirfadaha baadhida Internet, Barashada Luuqadaha kala duwan wixi kusuro gala, kor u qaadida xirfadaha qaabilida dadka, ka dhadhicinta dadka waxad rabto, dhisida kalsonida dad badan loola hadlo iyo awood ulahansha inad kor u qaado aragtida dadku shaksiyadada ka aaminsanyihin.
3.            Go'anso nooca shaqo eed rabto, kuxidhno cida ugu dhaw e ad ka heli karto maclumadkeda, la saaxib dadka ugu dhaw ee haya, si joogta uga warayso isbadalada ku dhacaya iyo adeegyada gaarka ee shaqadasi u bahantay, iskuday inad hesho xirfadahay u bahantay ado radinaya goobo ad lacag la'an uga faa'idaysato, kor u qaad rajadada inad heli doonto, go'anso waxad qaban lahayd iyo hadad hesho waxa noloshad iska badali doona, hoos ha udhigin naftaada, hana niyad jabin, si kalsooni le u qaabil caqabadaha laga yabo inay ka hor imadan,  una diyar garaw maalinta lagugu yedho in wax laga waydiyo shaqada aad rabtay ado si kalsoni le uga jawabaya waxkasto kusabsan.
4.            Nasib wanag hadad hayso shaqo, isku day inad xidhidh adag la samayso dadka ad la shaqayso, ado ka caawinaya shaqoyinkoda, inad si xeel dheer u barato nooca iyo waxyabaha laga rabo inad qabato, Aamin Shaqadada iskana dhago tir dhalilaha iyo Cabashoyinka ku lidiga, isku day inaad xidiidh toosa la samayso dadka kaa sareeya adoo ugu yeedhaya munasibadaha ku garka, bar naftaada wakhtiga shaqada iyo kala muhisananta hawlaha shaqada, raadi inaad hesho qiimaha ad kaga jirto goobta shaqada, baro dhaman wixi xirfad ad u hesho wakhtiga shaqada ado galinaya wakhti iyo tamar dhereada, lacagta ka dhigo wax labad ee ku dhiri galiya, ado ka hor marinaya inad kor u raacdo salanka, hoos ubaro dhaqanka iyo wax sida garka uga dhaxeya shirkada iyo maamulkeeda, ku qaabil dhaman shaqalaha waji furan, abuuro deegan adiga ku sacaba tuma si aan qabyalad iyo nin jeclaysi ahayn balse shakhsiyad iyo awood nafteedk u dhisan.
5.            ugu danbayntii ahow qof ku socoda meel cayiman, ha noqon qof dabaysha la socoda, ka diga rogo shaqada hadii ay kasoo hor jeedo yoolkaga fog, caawi shaqaalaha kale hadad ka aragto baahi shaqo ama nololeed, ha ogolaan in aad shaqada awadeed uga tagto himiloyinkaga iyo ahmiyadahaga nololed sida Waxbarashado kale, ka dheero waxkastoo naftada hoos u dhigaya, sida Cabashada, Caajiska, Khiyaamada, Beenta, Laalushka, Qabyaalada dhaman arimahani wakhti koban ayay ku anfici karan balse waxa hubal inay burburin donan noloshada fog.


2 comments:

  1. thanks macalimiinta waa kumahad santihiin casharada aad noo soo gud binaysaan

    ReplyDelete
  2. Cadi mahaN sxb side lkN kusoo daji san

    ReplyDelete