Monday, November 20, 2017

Waxkabaro Wadooyinka guusha keena iskuna day inaad ku dhaqanto

Marka hore waxaa mahad dhamaanteed iska leh Allaah (SWC) Nanabgalyo iyo Naxariisna Rasuulkeeni Muxammed (S.C.W) korkiisa ha ahaato, intaas kadib, hadii aan guda galo maqaalkan ku saabsan astaamaha keena guusha.
Wadooyinka guusha keena way badanyihiin lakin waxaynu soo qaadan haynaa dhawr qodob oo muhiim u ah guusha.


1-  DULQAAD  (PATIENCE)
Dulqaadku wuxuu ka mid yahay aas’aaska guusha nolosha maxaa yeelay qofkastaaba siduu u dulqaad badan yahay unbuu guusha u gaadhaa, samirku waa wadadii lagu gaadhayay guusha waxaana jira caqabado badan  (many constrain) oo noloshaada ka hor imanaya intaad nooshahay kuwaasna waxa looga badbaadi karaa waa dulqaadka oo la badiyo iyadoo markasta loo mahadnaqayo ALLAH laguna mahadnaqayo natiijo kasta oo aad la kulantid.
2-  DADAALKA (EFFORT)
Dadaalku waa mid ka mida furayaasha guusha kaas oo loo baahan yahay in la sameeyo shaqo kasta ama hawlkasta oo la qabanayo in loo dadaalo sida ugu fiican uguna macquulsan.
Tusaale: ahaan inaad ku dadaashid sidaad u gaadhi lahayd qof kaa sareeya waxaana wanaagsan marka qofkastaa rabo inuu horumar gaadho waa inuu meel hiigsadaa ama uu jiraa qof uu is leeyahay gaadh.
3-  AQOON (KNOWLEDGE)
Runtii sida aynu wada ognahay aqoontu qofka waxay gaysaa meel sare sidaa daraadeed waxkasta oo aad is leedahay ku guulayso waa inaad aqoonteeda leedahay hadaanad lahayna waa inaad waayo aragnimadeeda leedahay,haday kugu cusub tahayna waa in aad raadsataa aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda adoo la tashanaya dadka aqoonta u leh hawshaa aad qabanayso.
Aqoontu waxay ka qayb qaadataa horumarka qofkasta, waxayna gaysaaa qofkastaaba halkuu hiigsanayay, aqoontuna waa wadadii guusha waxaanay ku tusaysaa jihada guusha aad rabtid.
4-  DHAQANKA (CULTURE)
Markasta waxa wanaagsan inaad tahay qof dhaqankiisa ka adag markastana isku daya inuu dhaqankiisa baro dadka aan aqoonin, kana dhaadhiciyo dadka kale in dhaqankiisu yahay ka ugu wanaagsan marka laga hadlayo wax soo saarkana waa in aad Shay kasta oo aad rabto inaad heer ka gaadho ama aad soo saarto  waa inaad eegto dhaqan ma loo leeyahay shaygan intaanad soo bandhigin dadka aad u soo bandhigaysaa dhaqan ahaan ma soo dhawaynayaan maxaa ka bixi kara marka la arko.
5-  BALANQAADKA (APPOINTMEMT)
Balanqaadku waxa uu ka mid yahay waxyaalaha sida tooska ah qofka wax uga badala runtii qofba qofkuu ka balanqaad badan yahay kana oofin ogyahay ayuu ka horumar badan yahay:
Tusaale ahaan hadii aad haysato meherad oo aad macaa miishaada u balan qaado inaad u keenayso alaab ay jecelyihiin waxay kuu horseedaysaa guul  hadii aad xil haysana waxa wanaagsan inaad wixii aad balanqaaday aad fuliso ( do what you promise)
6-  KARTIDA (CREATIVITY)
Shay kasta oo la qaban hayo waa in aad awoodeeda leedahay oo aadan cidkale kuu fulin waxkasta oo aad jeceshayna waa inaad awood aad ku samayso leedahay awoodu maaha xoog laakin waa isku darka aqoonta, waayo aragnimada ,dulqaadka , iyo waxkasta oo awood kuu siinaya inay hawlkasta sideeda u dhamaysid.
7-  HOGAAMINTA (LEADERSHIP)
Inaad noqotid qof hogaamintiisu tahay mid ku dhisan daacadnimo iyo wax qabad loona bogay kaas oo aan cidna ku xidhnayn,tahayna qof go,aan gaadhi kara (decision maker) qof go,aan kaa uu gaadhay aanay cidna waxba yeelayn laakin yahay go,aan waxtar u leh bulshada.
Waa in hogaamin taadu tahay mid ku dhisan isku darka sadexda qaybood ee ugu waaweyn hogaaminta marna aad tahay mid ku shaqaynaya kolba  tii dan u ah cidii aad hogaaminaysid Taasna waxa sababaya danta iyo hogaanka aad u haysid dad kala duwan waxaanay hogaamintaadu sababaysaa in kolba halkii u baahan hogaamin aad u isticmaashid kolba nooca hogaamineed ee halkaa looga baahan yahay.
Akhristayaal intaas ayaan kusoo koobayaa maqaalkan oo ahaa astaamaha guusha keena.

2 comments: