Thursday, January 5, 2017

Shahaadadda Jaamacaddu Albaabada uunbey Kaa Fureysaa. Wixii Kale Waa Adiga iyo Dedaalkaa

.Nin an beri wada shaqeyn jirney oo shaqada iyo maamulkaa aad uugu fiicnaa ayaan weydiiyey waxa uu jaamacadda ku soo bartey. Nin yar oo shaqada ku cusub ayaan ahaa oo waxa an islahaa bal hadda aqoontu bartey eeg si ad fikir uuga qaadato waxa uu ku takhasusey si malaha adna aad u barato. Wuxuuba ku leeyahay jaamacad diinta ah ayaan ka soo baxay. Ninku waa gaal. Anna waxa an filayey inu yidhaa ama maamulka ayaan bartay ama hoggaaminta ama dhaqaalaha iyo wax la mida. Ninka waa nin ku caan baxay shaqo wanaagga oo kolba dhakhso loo dalacsiiyo.
.


Ninkaasi an sheegayo marna ma dhaceyso in la weydiiyo maxaad soo baratay oo lagu qiimeeyo, waayo waxaabu caan ku yahay maamul wanaag iyo shaqo hufnaan u magac baxdey, taasaanu ku meel maraa oo lagu dalacsiiya. Wax soo saarkiisa iyo shaqadiisa uunbuu ku meel maraa. Kol haddaad madaxa la gasho shaqo, wixii hore waxba kama jiraan ee waa adiga iyo dedaalkaa.
.
Shahaadadu waxa ay faa’iido leedahay iney Albaabka uun ay kaa furto marka ad shaqo doonka tahay. Waxa ay kuu suuro gelisaa in laguu yeedho oo malaha lagu wareysto. Balse kol haddii geydhka lagaa furo oo ad shaqo bilowdo, xaalku waa fagax iyo nin walowba naftaa. Cidi ku odhan meyso jaamacad Hargeisa ah ayaad ka soo baxdey oo waxa kaa mudan ka Jaamacad Mareykan ah ka soo baxay. Kol haddii ad shaqada gasho, shahaadadi shaqeyn meyso ee waxa lagu kala baxaa waa sida loo kala shaqo wanaagsanyahay. Dabcan, waa muhiim inta ad shaqeyneyso inad aqoontaada korodhsato. Weli miyaad maqashey madaxweyne Cigaal (AHUN) jaamacaddee ayuu ka soo baxay iyo muxuu soo bartey. Welibaa maqli meysid iyada oo la isweydiinayo. Xataa haddii la isweydiiyana maaha in la qiimeynayo ee waa uun iska ogaansho.
.
Waxa jira dhalinyaro badan oo wax ka barta jaamacadaha dalka oo qaar badan quudhsadaan jaamacadaha ay dhigtaan ama ay ka shakiyaan oo ay isyidhaahdaan malaha maaha jaamacado dunida laga aqoonsanyahay. Wey dhici kartaa in dareenkaasi ay wax ka jiraan, balse ha ogsoonaadeen in jaamacaddu ay kaa caawineyso uun inad buuxiso shuruudaha shaqada, balse haddii ad kol shaqo gasho, waxba kama jiraan tii ad ka soo baxdey, ee waa dedaalka iyo shaqo wanaagga waxa lagu kala baxayaa.

Xgsho Aqoonyahan maxmed cali bile

No comments:

Post a Comment