Thursday, January 5, 2017

ITAALKAAGU waxa uu leekaadaa Hadba Inta uu HADAFKAAGU Leegyahay.


.
Waxan u ambabaxay laascanood. Sannadku waa 1997 ayaan u maleynayaa. Maqrib ayaan Burco gaadhney. Asxaabtii ila socotey ayaa tidhi, an caaw burco seexanno, marka an salaadda subax tukanana an ambabaxno. Sidii ayaan yeelney. Buco ayaan 5ti subaxnimo ka ambabaxney. Waxan ka quraacanney tuulo ka shisheysa ina Afmadoobe. Markii beer iyo suqaar lanoo keeney, ayay noo soo raciyey roodhidii leydhka oo shaaxid ah. Direewalkii ila socdey ayaa weydiiyey oo yidhi roodhidan heerka sare ah xageed ka keentey. Waxay yidhaahdeen arookasta WARSAME BAKERY ayaa noo keena. Hadda waa roodhi Hargeisa lagu soo dubay oo daray ayaa ayaa lagu cunayaa tuulooyin ku yaala gobolka togdheer iyo Sool.

.
Direewalkeygii ayaa yidhi, warsame jabuuti ayaanu isku naqaaney. Waxa uu direewalkii yidhi: waxa an la yaabanahay sida aanu warsame iiga tag rooneyn iyo halka an manta kala joogno. Direewalku isagaaba hadalkii dhameeyo wuxu yidhi, anna waxa an maalin oo dhan ka fikiraa roodhida ay cunayaanreerkeygu iyo sidii an u soo saari lahaa, warasamena wuxuu ka fakirayaa inusameeyo roodhida ay cunayaa dadka dalka ku nool oo dhan. Wuxu yidhi, hadda ninkani waxba ima dhaamo oo anaaba ka fariidsanaa. Maantana wuxu gadhey inu yidhaa magaalo iyo tuulo kasta qofka ku nool markuu soo toosu ha cuno roodhi an Hargeisa ku soo dubay oo iyada oo kulul uugu tagta meeshiisa.
.
Kolba inta ad hadaf ka dhigato uunbuu itaalkaaguna yahay. Hadduu hadafkaagu yahay wax ad ku noolaato uun hel ama shaqo yar oo ad reerkiina kirada kaga bixiso hel. Ama haduu hadafkaagu yahay, hooyadaa wey daashee adigu biilkii reerka soo saar. Itaalkaguna intaas ayuunbuu sidii saacad otoomaatik ah isku buuxinayaa. Itaalka laguu sheegaa waxa uu la shaqeeyaa maskaxdaada iyo hab fikirkaaga. Halkaa ad fikirkaagu ku joogo uunbuu itaalkaaguna isku taagayaa.
.
Haddii ad injineer tahay, oo fikirkaagu yahay bal sanadkii 3 guri ood qandaraasato hel, 3 daa guri uunbaa itaalkaagu noqonayaa. Balse, haddaad tahay ingineer dhalin yar oo ka fakirayaa sideed u hindistaa aqalo qurux badan, balse raqiis ah oo laga yaabo in qiimoohoodu gaadho $10,000 oo ay dhalinyarada shaqeysaa iibsan karto oo ay ku guursan karto, oo ad fikirkaa ficil ku darto, laga yaabee inad 100,000 oo dhalinyaro ah u suuro geliso iney guryo qurux badan yeeshaan.
.
Fikirkaaga iyo jeebka ad is daba dhigeyso jooji. Lacag la’aantu yey maskaxda kaa wasakheyn. Ha is odhan waxba ma bilaabi kartid maadaama aanad lacag heysan. Inta badan maskaxdu waxa ay shaqeysaa marka ay baahi jirto. Baahidaa ku barta inad meel qofka wax heystaa aanu wax ka eegin inad wax ka eegto. Baahidaa ku barta inad shilinka laba shilin ka dhigto.
.
Haddii Hadafkaagu yahay umadda dhibaateysan oo dhan gaajada ka saar, itaalka ad hadafkaa ku gaadheyso uunbaad yeelaneysaa oo ad ku hawlgeleysa. Itaalku isagaa kuu imanaya. Balkse haddii ay niyadda kaaga jirto dalka qabyaalad ayaa ka jirta oo qof aan garab heysan shaqo heli mayo, indhahaguba arki maayaan fursadaha jira, waayo waxa ad taabatey badhankii casaa ee fikirka ee wax kasta maqluubka kaa tusayey. Waa badhanka bakhtiiya kartidaadii oo waakan ku yidhi meesha waxba heli meysid, waxa kale oo kuu shidmay leydhii wax kasta kaa tusayey dhinaca madow. Ha ku sargoosan meel hooseysa ama liita. Ku sargooso wax meel sare jooga oo weliba ku talo gal inad dhaafto.
xgsho Aqonyahan Maxamed cali Bile

No comments:

Post a Comment