Tuesday, May 2, 2023

QORMOOYINKA TAXANAHA TECHNOLGYGA


Waan idin salaamay saxiibayaal soo dhawaada waxan rajaynayaa dhamaantiin inaad nabad qabtaan isu soo noqod wanaagsan mudo aan ka maqanaa websiteka insha allah waxan rajaynayaa inan si buuxda aan dib ugu soo laabtay

Waxnan halkan kusoo gudbin doonaa maalamah sooo socoda qormooyin xiiso bandan oo kal duwan kuwaas oo ka hadli doona technolgyda, ganacsiga , waxbarsahda iyo waxyaalo bulshada anfac

Manta waxan ka hadali doonaa barmaamij aad uxiisa badan oo dunida technologyda aad looga xiiseeyo barmaamijkaas oo ah AI (artificial intelligence) oo afka somaliga ku noqonaya caqliga gacan ku samysaka ah. Hadii aan qeexno AI waa awooda siinaysa telephonada iyo computerada maalin walba aan isticmaalo caqli iyo maskax gaar ah oo iyagu ku fekeraan si ay inoogu xaliyaan mushkilad aynu inagu udirsanay sidaa darteed wax jirta cabsi laga qabo  in maalin uun si khaldan loo isticmaalo bani aadamkan dhibaato ay kasoo gaadhi karto.  waxayna uqabysataa AI laba qaybood oo kal Narrow AI  iyo General AI

Narrow AI  waa AI loo dhisay  inay xaliso hal mushkilo taas oo hadii mushkiladii loo dhisay midaan ahayn loo diro aanay waxba ka qabanan.

Tan labaad ayaa ah halis aad u wayn taas oo la dhaho General AI hadaba dad badan oo uu ka mid yahay maal qabeenka Elon Musk ayaa ku dooda hadii aan laga fiirsanin oo si taxadar leh aan loo isticmaalin AI in ay anaga khatar nagu keeni karto Alon Musk ayaa qaba hadii ay AI faraha ka baxado oo ay yeelato hadaf iyada u gaar ah am inagu aan udirsano hadaf inoo gaar ah isla markaan ay u aragto AI bili aadamka caqabad ka hor taagan hadafkaas  sidii ay ku gaadhi lahay inay qaadan karto goaan ah inay bili aadamka tirtirto.isagoo ku tilmaamay in aanay AI arinkaan usamaynani xumaan iyo nacayb ay bil aadanka ay u qabto balse kaliye katahay sidii ay hadafkeed u gaadhi lahayd isagoo tusaale usoo qaatay markii aynu ubaahno inaynu dhisano wado laami ah meeshaa la rabo wadad in laga sameeyana ay suurto gal tahay inay ku noolyihiin cayayaan fara badan kadiban ay cayayaankaas ay dusha ka marto cagaftii wadad saaraysay mana jirto xumaan iyo colaad loo qabo cayayaankaas lakiin hadafkeenu uu yahay inaan laami dhisano sidaa dartee inagoon ka fekerin cayayaankaas si aan hadafkeena u gaadhno aan dul marno hadaba AI ayaa laga baqayaa in ay dhibaatooyin noocaas oo kale ay la timaado. waxyaabaha khaldan ee AI loo isticmaali karana wax ka mid ah  wadanba wadanka uu necebyahay inuu isticmaalo, in dadyawga kala duwan ee dunida ku nooli ay si cunsiriyad ah isugu isticmalaan  iyo dhibaatooyin kaloo fara badan.                                                                                                                                                                   

No comments:

Post a Comment