Saturday, May 21, 2016

qiso jacayala oo dhab aha

Qisadaani waa qiso jaceyl ah oo ay ku dhacdey gabadh soomaaliyeed inakstoo ay magaceeda naga codsatey in aan la sheegin ayadoo inoogu soo dirtey email ahaan haddaba ayadoo ka hadleysa waxey ku bilaawdey sida tan waa adinka iyo sheekada ka bogasho wacan..sii akhari
Asc salan kadib waxan ahay gabar somaliyed magaca nadar waxan kudhashay wadanka somali gar ahaan muqdisho sanadka marku ahaa 1986 waxan wax basasha kuso qatay dugsiga hoyga xamar waxaan is baranay wiil lagu magacabo c/ shakuur sheekh maxamed waxaan u qaday jacayl baxaadle asne sido kale habeen habenada kamid ah ayan waxan kuriyoday c/ shakuur oo mel aad uqurux badan joogo canug yarna haysta ana an leyahay keen aan qabtee riyo ahaanta aniga madhalin canugta subaxdi ayan ushegay riyadi c/ shakuur aad ayuu uqosoley waxaan sidaas ahaano c/ shakur ayaan habeen habenada kamid ah wacay mobeyl kiisa waana marki igu horeysay on waqtigaas okale waco waxaa iga qabtay naag waxan kuiri igu dhiib qofka lahaa tellka waxay iweydisay waxan karabo iyo qofka aan ahay waxan ku iri waxan ahay walaashis wax dhib ahna majiran e igu dhiib waxan ogaday iney wax jiran wan kudamiyey tellka markaan ku damiyey tellka ayey iga soo daba gashey oo isoo wacdey ayadoo igeysatay aflagado waxan ku iri adigaaba nasiible oo c/shakur agtada jiifa e inaad labada dhaban kashumiso ee iseexo niyadane qeyr usheeg
intii aan wada soconay c/ shakur ima usan shegin inuu xaas leyahay xataa wan weydiyey wuxuuna igu yiri malihi xaas almuhim c/ shakuur imasoo wicin malinta iyo malinta xigtayba waan ka ahaan wayey malintii sadexad waan wacay gacaliyaheygii iqayaanay waxaa dhacday inaan aniga raali geliyo sababtoo ah aad ayaan u jeclaa
c/shakur wuxuu iishegay malintas inu xaas leyahay iyo hal canug owna iishegay cunugta yarna ay tahay midi an kuriyoday dhalashadeedii
markaan arkey xaalada meesha ay mareyso oo jaceylna igu jabey qalbigeygana uu usocda dhanka c/shakuur wadnaheygii ayaa ka ahaan waayey waxaan noqdey qof maqane jooge ah waan ka ahaan waayey jaceylkeygii uu isiiyey waxeyna danta igu kaliftey inaan qalbigeyga dhiso jaceylkii uu siiyeyna aan sii wato
waxaan meshi kawadanay jacaylki waxan dhexgalnay marxalad aad u macan waxan kuheshinay guur
haben habenada kamid ah ayaa waxa ii yimid c/ shakur iyo laba wiil o saxibadiisa ah aad ayan u soo dhaweyay waxan fadhiisiyey qolkii martida c/ shakurne qolkisi qaaska ahaa waxa iga go ay adeegi martida inkasto suuqa inaga fogaa waxan donay adeegi anigo aanan ushegin c shakur inan bananka aday marki an kuso labtay gurigi ayan waxan arkay martidi o kaso baxeyso ilinkii guriga aad ayan u naxay waxan kuiri maxa dhacay waxayna dhehen waxba walaal waxan so abaray qolki c shakuur waxan arkay c shakur o asne tagan qolki iridisa waxan ku iri marka hore fadhiiso waxan arkay inuu careysan yahay waxan ushegay halka an aday waxan kacod saday inuu martida so celiyo iga raali ahado hadi ow qalad iga fahamay c/ shakur waxu hadal igu yiri wan baxa asago careysan aad ayan ubaryay waxan ushega jacaylka an uqabo iyo inaan dana kale ubixin ilaa tan martida maahane almuhim c shakuur meshi ayuu iga tagay anigo ilmeynayo meshi ayan kumiir dabolmay muda kadib ayan soo baraarugay waxan wacay c shakuur nasiib daro igama qaban telki subixi ayan wacay waxana ila soo dirsay murugo aad uweyn iyo anigo anan waxba sameyn inuu mel cidla ah iga tago gacaliyahaygi owna ogyahay jacaylka aan uqabo iyo herka an kajogo mudadi gurkane lajogo inu waxan micno lahayn igaga tago almuhiim subaxdi ayan wacay waxan kacod saday inuu ishego wixii sababay kalatagii xalay ee murugta lahaa wuxuu igu yiri anaa kuso wacaayo
markale ayaan wacay anigo wax natiija ahna kahelin waxaa dhacaday inuusan iso wicin hadaan wacane wuxuu ileeyahay anaa kuso wacayo oo been ah waxaan galey xaalad aad u xun waxaan ku aruuray sariir
mudo dhowr bilood kadib ayaa maalin maal maha kamid ah ayuu isoo wacay c/shakur salan kadib wuxuu isheegay inuu xaskii furay aad ayaan uga naxay arintaas canaan kadib c/shakuur horay wuu umaqlay inaan ad u xanusaday una qalbigeyga dhib u geystay asaago tii iga raali galinaayana ayaan go.aan ku gaarney inaan halkii kawadano jacaylki
aniga aad ayaan ujeclaa asigane waa qawda maqashi waxna ha uqaban mararka qaar wuxui ileeyahay hadalo niyad jab ah iyo adiga wad gabantahay hadii an kahadlo xageyga magabni waxaan ahay dhex dhexad lakiin asaga dhirirkisa ayaa saa,id ah ana waxay igu noqotoy cuqdad waxan arkaa mararka qaar dad igu dhahaayo adaa iga dheere iso qabo waxaas waan layaba waxaan isku qaatay inaan adunka ugaa banahay xataa hadan arko dad an kadherahay ma aaminayo almuhiim waxaan galay nolol tii uxumeyd waxaa arinti maqlay hooyadey oo joogta wadanka sacudiga waxayna ii dalabtay fiiso waxaan imid wadanka sacudiga markan imid wadankan xaladeydi way kadartay markan maalmo joogay ayan wacay
c/shakuur anigo ka go,ay wax kasta oo qof kunoolaado anigoo hadalkisa kadhiganayo dawo alaa daawo hayee
waxaan ilaah kacod saday inuu qalbigeyga katiro c/shakuur waxan badiya salaatu-leylka iyo ducoyinka wuuna iga aqbalay ilaahey subxaanahu watacaala
waxan go,aan kugaray inaan jacayl iska daayo anigoo og inuu raga isku mid aheyn
balse ana go,aan gaaray
waxaan kula talinayaa dhamaan dhalinta soomaliyeed iney marka hore bartaan qof ay naftu rabto wiil iyo gabadhba waayo qalbigu waa qaali marka hore qofka dabeecadihiisa waa inaad barataa adigoo ka baaran dagaayo mustaqbalkaaga
waxaana halkaan ku eg qisadii jaceylka aheyd



Sheeko Jacayl ah Xusuus iyo Murugo Qalbigaaga ku reebayasa..

.

Waa habeen xasuus mudan qofkasto oo ibnu aadan ahna uu ku qasban yahay in uu qoro ama uu xuso dhibatooyinka iyo qisooyinka ku dhaco , waxaan ahaa wiil somaliyed oo ka hela in uu is ticmaalo aalada INTER NET ka si daran waqtigiisana ku bixiyay aniga oo jeclesanaayo xariirka aan la samey nayo dad badan aniga oo ula
jeed kayga markaasina uu yahay in aan ka barto bulsho iyo asaxab qiimo leh ba.
waxaa habeen habeenada kamid ah, aan kula kulmay meelaha lagu shekesto ee aalada Net ka, aniga oo markasto jeclaa in aan galo qolol ka diiniga iyo tar tanka Qur'aan ka karim ka, ayaan waxaan kula kulmay, qol aan ku jiray ee paltalk gabar igacodsatay in ay i weydiiso su'aalo badan waana u ogolaaday, waxay i weedisay magaceyga iyo halka aan dunidan baaxada weeyn aan kaga noolahay, waxaana ku iri waxaan ku noolahay dalka Egypt, waxa ay i weeydiisay waxa aan ku haayo egypt, waxaan u sheegay in aan u joogo in aan ku dhamesto leeman, waxaa ay i wediisay wax xariir ah in aan lee yahay, waxaana sida runta ah uga waramay in aana leheen wax xariir iyo reerba, waxa ay iga codsatay in aan xariirno weliba aniga oo xaqiiqda ka hadlaayo, sida runta ah aniga ma ku xeel dheeri isticmaalka Chaat roomka iyo qaab kiisa shukaansi, mana ihi sida aan maantay ahay oo aan qisada daabacayo, sida markii aan is baraneeynay gabadha, waxaan meshii ku gaarnay go'aan kaas oo ahaa indho aan ayada eheen in aana yeelan waqti kastona aan kulano,
waxayna ii sheegtay magaceda oo ay itiri IDIlL iyo addres ka wadanka ay dagan tahay iyo weliba Tel keda, intaas kadib waxaan u bandhigay gabada, in aana xariir siin karin ilaa ay ayada soo bandhigto waxa ay codsaneyso in ay hesho, waxaana ku xujeeyay in ay isoo wacdo isoo xariiriso mar kasto, maadaama ayada ay horeyso intaa ka dib waxaa na dhex maray xariir maalmo socday, kadib waxaan u diroba waa ay sameysaa tilaabo kasto oo aan ka codsado in ay ii sameysana waa ay ii sameysaa, ayada oo sawiradeeda iyo hadiyado Romanceba iigu soo dirtay posto fariimo badan oo aan hada qori doonona iigu soo dhiiibto live ahaan, aqristoow gabadhu ilaah waa uu ka dhameestiray dhan walbo, indhihii mar eegaahina dib u ma jalee caan, dhibaatooyinkan ziyaada da noqday ee maantay jira iyo sida ay maantay beenta iyo dhibatoyinka ay u jiraan uma jirin xiliga aan la kulmaayo gabadhaas, mana aysan eheen dhalinta maantay sida ay ugu cayaaraan caashaqa iyo xariirkaba markaas aan aniga gabadha baranaaye,
aqristoow hadal badan haan ma buuxsho, waxaan gabadha kala kulmay, wado kasto oo rumeyneysa xariir keda, kana dhab shegeso qalbigeda, aqristoow, waxaa tahay ibnu aadan waxaad leedahay dareen, aan is celin karin mar hadaa hesho wax aad is ledahay anfac bay lee yihin, waxaan qalbiga si sugan oga soo gooyay in aan helay qofkii mustaqbal keyga, ayada oo aan dhan walbo ka eegay dibna aan u raacay dabcigeeda iyo qiimenteda, iimana soo bixin wax aan ehen 100 %, aqristoow, nin meelu u cadahay meelu ka madoow, waxaa si lama filaan ah iigu baaxay iiguna saaqay ka helitaan aan u qaaday gabadha, aniga oona jecleen marka ay iga soo dib dhacdo, isla markaana aniga aan galaayo waqtiga aan la balan sanahay sacad ama labasaac ka hor, mudo markii aan wada soconay, ayaa waxaan gaaray in aan dhibsado kista yarta ay iga soo daaheyso iyo mararka qaar oo card ka telfonka ay igu soo weceyso oo yaraanayo, ayadu waa ay danesataa, waa ay sahqeysata, waxna waa ay barataa, ana waa ii daney neysa , oo aniga dartay waxay u gooynyesa mararka qaar howleheeda, aqristow, waxaan si dhab ah u jeclaaday gabadhii, IDIL waqti kasto waxaan dul taaganahay INTER NET ka , miir aan IDIL eheen malihi, hadal aan idil eheena iguma socdaan , gabadhii aan arkaa ama aan maqlaa waxay iila muuqataa IDIL, aqristoow, waan seexanayaa oo weliba gam'ayaa waase su'aale miyey riyadeedu i deyn.? waa riyada mida aan ku farxo, mida aan ku salalo, habeen walba ku hadraayo,waqti walbo aan u dul taagnahay halkani, way i daashatay si aad ah weliba, xusuus, sheeko & hadal-ba ayada ayaa ii noqotay, waan ka fekeraa mar walba, aniga oo wax walba ka hormarinaya raali ahaanteeda waxaanse qalbigayga kula yaabanahay sida ay ugu weenaatay IDIL waxaan mar kasto oo aan u xiiso oon la har sanwaayo aana la hoyaadi waayo dabka ka shidan qalbigayga, waxaan isku sa sabaa ayada oo offline ah in aan Message u dhaafo aniga oo leh.
Ka: Tinish yare
Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL
iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa, waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan, waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn oo uusan walaal u hibeyn walaalkii ama aabe uusan u hibeyn wiilkii, been kuuma sheegin weligey, naftuna waxay ku talax tagtay Jaceylkaagii oo mar walbo aan niyada ku haayo,aqristow, mudada aan IDIL la socdo waa mudo ku dhawaatay 1 sano intaasna weligey dib u dhac iyo been balan ka bax iyo wax keeni karo qilaaf kuma aana arkin, aniga majirto wey aan u dib dhicikaro maadaama nin wax jecladay aan ahay, isla markaasna maantay asiga aana awoodin in birta loogu dhifto, mar kastona waxaan ka dadaali jiray been iyo is badal in aniga la iga helo aniga oo kalsoni aan ayada ka sameysanaye siiyay baswer ka magaceyga iyo wax kasto oo INTER NET oon ka is ticmalo oon heysatyba aan farta ka saaray, si ay ugu cadaato in aan kili u ahay, anigana waxaan la ama kaag sanahay, riyada aan ku jiro iyo mar walbo sida aan ugu dhoho hadalada macan, si ay iigu dan qato, waxaana iraahdaa xili kasto waxa ay iga mudan tahay, aniga oo macaanka aan u qabo malinba malinta ka danbeyso oow igu sii kor dhaayo, aniga oo leh ,
IDILey dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan
timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan
IDILeey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go'ayoo, hurdo dhinac ma seexdo
adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin,
intaa iyo in ka macaanba kama daalo in aan la xariiro IDIL, isla markaana uu ugaaro xariir kena weynaantisa labada dhinacba, isla markaana aniga laftayda aana qabin wax shaki iyo dhib aan ku qabo xariirka IDIL, isla markana aysan jirin wax aniga xageyga ka imaado oo dhib ah, oo keeni kara in aan niyad jabo, run ahaanti mana awoodo in maantay dhib aan kala kulmo IDIL maxaayeelay waxaan ka jeclaaday wax kasto oo kasoo haray allaha abuuray adunkaan iyo rasuulka usoo dirsaday iyo kitabkisa ,
Idiley wad iyo calaf waxaan ahayn,inay nakala weeciyaan jacaylkeenaa kaweyn,waqtiga wuu soconayaaye,inaan wiigba ceyn ahaano jaceylkeena aa kaweyn, koley wadnayaal israacey,waxaa weerara was waas,wax kastoo oo nagu yimaado,ma wiiqaan jacaylka-oo,jacaylkeenaa kaweyn, nafba waxaa u qaali ah qoftii ay jeclaatee, nin uu caashaq qalaayana sir maqarin karaayee, indhuhu quusan maayaan waanada maqaataan talo kuma qancaayaane , qallaa layga marayaa qiiq baa leygu shidayaa hadana waa qar qarayaa oo waa qaboo babahay , qeys baan ladiris ahay qabri baan ku dhawahay,
gacalisadaan jeclaayeey,guud ahaan adduunyada
adaan kaa garwaaqsaday,gaduudkaaga dhiinka ah baa
gebigeey isaaqay
axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale
god inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa
garaadkey wuxuu isiiyey guur inaan yagleelnoon gurigeey ku geystoon
gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?
intaa hadal iyo af macaani ee aan gaarsiinayo, aqristoow is ma dhihin hal marna ma dhici karta in qofkaan aad cal fan weyso, ma dhici kartaa in aysan eheen mida aad kula dakeyn doonto dunida dusheeda, mar kasto oo aan dad aan ka maqlo naagu waa sir kaliya, waa dabin xun yihin, naftayda, waxaan ku sa sabaa, waxa beenta iyo boro bogan daha isku sheego e caashaqa beenta ahna isla dhiso in ay yihiin wax islaam nimada iyo imaan kuba uu ku yar yahay, xikmaduna waa tan oraneyso, Tilaabo aan loo dhalan lextaako ma dhaafto , sidaa darteed anigana waxaan aamin sanahay beentu in ay raad gaaban tahay, qof mudodaan aan is wadnona in aysan waqtigaas oodhan aysan been iyo lug gooyo aysan ku bixineen, sidaa darteedna aana dhag u dhigin dilaaya yaasha caashaqa oo markasto noqon karo afka saxibadaada iyo bulsha daada ayaga, oo inta badan ay jeceyl yihin in ay kaa booriyaan sida aad isku raacisay , lakin laba kala bariday kala warla , waxa aan dha dhan sanaayo, iyo macaanka aan qabo ma ay u jedaan hee!!!
ana kama daalo in aan maalin kasto diro E-mail kii la iiga bartay, aniga oo E-mail ka aan diro usan u ekeen kii shalay aan diray, waloo meel yar xitaa aysan iska soo galin, ee uu yahay maalin kasto Message aan diro mid kasoo go'ay qalbi macaan iyo dareen caashaq leh, waxaana iraahdaa markasto oo aan fariin u diraayona hadalo la jeclesan karo, hadaa aqrisana aadan is celin karin hadaa wax jecesha hay ama lagu jecel yahay,
Idiley dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay
diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay
waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan
diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo
ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo
ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo
haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey
daa'inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa
deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo
aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen
hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay
jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo
Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon
duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy!!
muduo markii ay ka soo wareegtay xariirkeeni, waxaa habeen habeenada ka mid ah ay iga soo wacday tel ka, ayada oo igu leh waan yara mashqulay baby sorry ma aana kuu soo sheegin, hoolbaan ku mashquulo, maba aana joogin xaafada iyo halkii aan ku kulmi jirnay, dhib uma aana arkin is badalna uma aana dareemin, balse nin aanwax ogeen alle ma cadaabo, Tinish waa nin wa hore laga tashaday, mudo kadib ayaan soo baraarugay, oon iri saan shaqo kaliya mahanee waa maxay fitnadan imaatay, oo honey aad u maqli la'dahay waxaan u diray Tel waa ay iga qabatay lakin ma calfan in ay ila hadasho markii ay maqashay codkayga, ayna fahantay in aan aniga ahay, hoosha waxayba u badashay Anser meshin oo la igu yiri IDIL ma joogto wixii fariin aad u heyso halka ugu dhaaf waxaa igu baryay waaga waxaan is iri shalayba markii lagu rabay mala weynin waqti iyo firaqo fariin la igu soo gaarsiyo mana jirin tel la iigu xiro mashin ama la igu dhageesto, ee maantay marki la iga daba tagoo la ogaaday in aana ka maarmin miyaa waqti la'aaniyo broblem imaaday, waxaan fikiray E-mail baadi goob ah in aan udiro islma markaana aan ku ogaado halka fitnada ay ka socoto iyo cida mas'uulka ka eh , aniga oo leh ,,
walaaley sanku neeflaha oo idil,
Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu sarreysay
samaantii u dhalatay suuraddaada wacaniyo
Sidii qaabkii xuurul cayntii,
sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka shuban, iyo
sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u eegaba
In leygu saaqay ma ogtahay, suntii jaceylkaa I gaartoo
seben hore I haleeshay, hadaadan I saacidin
caashaqa si wanaagsan aadan iila qaban
maxaa ii danbeyn doono ?
aduunkaanu joogno hadduu qof ku amaano
abaal uu kuu galo Lama ag maro,
asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku jeclahay
dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday dumaro koo idil
Ee daadka caashaqaa Igu beertay,
afka ka awoodi waayey uurka siduu tebaayo,
aduunyada Illaaheey marba waa ayaan si ah
aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii
mar buu anfac leeyahay !!
mudo markii aan aqbaar ka waaye IDIL anigana aan u xiiso qabo baa, waxaan maalin maal maha kamid ah isku aragnay MSN ka, iyada oo igu qancineyso in ay hooyo xanuun satay isbitalna ayla gashay waxaan ahay ruux ubaahan gabadha, qalbigedana aan ka maarmin, ma awoodo in aan xanaaqo, ma awoodo in aan qalbigeyga nabsi aan ka galo, oo xumaato iyo is fahandaro aniga iga timaado, uu ku waayo gabadha waqtiga dheer uu u dhafraaye, una duleesnaa, waal kiisan ku iloobay, isla markaana aana ku dhihin wax xanaaq leh iyo cuqdad iyo edeeyn intaba, ee waxaan ku qancay warkii ay igu tiri balse waxay iga diiday wax aan ka codsaday, waxaan ku iri baby isma aana maqlin ku dhawad 5 week, taasna waa ii ayaan daro, waxaan ka codsanaa in aad isoo wacdo hada, marka aad qadka ka baxdo, lakin waa maalinti iigu horesay ay igu tiri hada anaaba kula jogaa he maxaa ku falee Tel, waa filin iyo fitno bilow geed aniga oo is dajinaayo baa waxaan ku iri honey, halkani waa qoraal sida aad ka ahina iskuma dareen siin karno dhawaca yada jaceyl, daawoyinkooda ee isoo wac waad ku qasban tehee,aniga saas waxaan u leeyahay waxaan heystay, kalsooni la igu maqlo, codsigeygana lagu tix galiyo, lakin nin waa hore filin kisa la laabay in aan ahay isma ogi , si kaftan ah lakin aana kaga baran iyo fara kacayaar bay igu tiri bro ma haayo waqti aan kugu soo woco, lakin waan ku soo wici doonaa !! hadii alle musiibo kula maago waa gooni lakin waxaan la yaaba nahay wajigan qarsonaa ee caawa soo if baxay, si naxdin iyo dhidid leh baan ku iri honey
Go'aan aynu gaarnay hadal aan guntiisii kuu soo gabagabeeyay goormuu gefkani dhacay, guul baan filayee godol baan ka sugayee goormad fitnada ulabisatay , miyuu guray wanaagii..? ma adaa gooyay nabadii.? mise nacab gur-guurtoo godobteena jeceloo ina kala gudbinayaa jira, anna geerideydiyo guul darrooyin ila raba, adna gacan shisheeyiyo in aad guurba seegto guumowda kula raba, si qosol leh oo ana kaga baran IDIL in ay ii isticmasho aniga ay tiri loooolkkkkkkkk
waad hadleysa weliba waxaa ku fiican tahay in abwaan lagaa dhigo bro aniga waan fikiray weli sidagan oo tar tiib ah aan u fikiray, waxaana ii soo baxday in aana is haleyli karin maxayelay aniga waxaan rabaa boy friend kayga in uu akta iga fadhiyo kol kasto oo aan isku baahano mana awoodo intaan ka badan in aan ku sii lug gooyo , ee sorry bro , waagaa igu bar yay lug gooyo iima harin meesha Bomka uu iiga qarxaayona ma ahan gurigayga iyo ayada horteeda midna ee waa Net Cafe oo umado badani ay fadhiyan hareeraheyga, ku kasto oo isoo eegana ilmadeyda wuxuu yiraahdaa madhibaa lagaaga soo shegay reer kii muqdisho, lool cidoo dhan haday dhintaan oo ay dhamaadan ma u maleenayo sida duul kan ilintisa ay ii xanuujisay in ay ii xanuu jineyso uurka, lakin aniga oo hadlayo misana isleh kolba way ku tijaabine oo dumar qayanadii lagama salgaree inaa iska ordeyso iyo in kale ay tijaabine naagu wa balaaye ee is celi baleey kuu danqataa , markaas ayaan waxan iri
IDiley dooqiyo jaceylkuba dadka wey wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama waayo,
diintiyo qur'aankuna culimadu ma deyso,
anna doonistaadii kama daallin inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
IDiley cowsha duurka joogtiyo , dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
marhadii alle wax kula doono ama garab kaaga oow ka boxo umada uma ekid qofkii naxaris iyo af macani iyo danqasho cashaq iyo darenkisa iyo suntisa in aana lagu ca cayaarin iga waanin jirtay ee weligeed igu dhihi jirtay sida aan kuu jeclaaday aadane koonkaan joogo ee aan u jecladay maleh ayaa caawa aqristow waxa ay igu lee dahay bro iga rali noqo!!!!!! runti aniga saxib wan lahaa lakin adiga marka aan ku baranaaye asiga ayaan ku xumeenaaye oo qilaaf inoo dhaxeeyay, hada markii aan heshiinayna adiga waxaan diidaaye in aan muraayada kaa jabiyo maadaama aan ogahay in aad Zaa'id ii jecesha hay, marka saas ayaan qadka u soo gali waaye, weliba saxibkay ayaan farimaha adiga aad soodirto tusay aqristayna, marka bro adiga waxaa tahay qof muhim ah qof fiican bro nabsi in aan kaa galay, oo aan qalad kaa galay oo aana cafis leheen waan ogahay, lakin bro aniga lafteyda waan iskaga kaa ciyaaraye!!! oo saxiib kay xarash aan u haaye ayaan adiga kaala so dul dhacay ee bro wax aan sameyona ma kasaayo weligey haben kuma sexan jaceyl aan adiga kuu qabo intaas oo waqti aad igu lumisayna ka raali noqo!!! runti ma jeclen in aad dartey u waalato ama u noqoto mid ka dheeraado jaceyl kiisa runta ah dhib aniga aan kuu geestay dartiis, ee bro waa iska caadi waa iska aduunyo ha u bixin, intaas marka aan afkeeda ka maqlay,!!!!!!!
aqristow maxaa ila gudboon in aan sameeyo?
aqristoow qofkani asigana waxa uuba taagan yahay waan kugu tijaabinaye, oo cayaar bayba iga eheed ana waxaanba taaganahay saacad dharka hadaan tuurana, aan u heesto in aan weli xaragonayo, lakin waxan ku iri ,,,,,,,,,,,,
idileey ogoow irid baa furmeysa, nasiibkaa isxaami ilaa aakhira saacaha, Ifkaan kuugu jeclahay, inaan ku waayo waa ii ayaandaree ,inteed joogtaa kuu ooyaye,
Inteed joogtaa kuu ooyaye, ilmadu iga qubatayee ,Ideecadaha aduunka, akhbaaraadka cusub Ogeysiisyad iyo wararka, isgaarsinta caalamka Joornaalada afka dheer , ee abaara runta ,aaladaha internetka, web siteyada emailada iyo Chat inka lagu qoro afaraha Romance iyo Is araga MSN ka, miyaadan ka akhrinin ereyadeyda Jaceyl ,Inaan wacadkii iloobinoo, wali kuu oomanahay, Adigoo kala laguma uumin aduunkee, mana arki doonee ololkii caashaqa ee oofaha i gooyay, miyaadan ii ogeyn,
axdigiyo jacaylka ururada caashaqa ee aduunka ka jira ajendaha ay qoreen asxaabtii la aasey ee caashaqu idleeyey ,abwaanada wax alifee suugaanta abuura miyayna ku ogeysiin inaan wacadkii iloobinoo wali kuu oomanahay ,,
Ifaalaha jacayl ubixii aan beerey, udgaayee carfaayay Idiley magacaa amaan iyo aamin ilaaliye dhaartii wadnahayga aamin ii iftiinshe aragaaga, adimihiyo xubnaha Diidey iney irdheeyaan axdigii adkaa igu yiri aduun iyo aakhiro iilkii xabaasha asxaabteyda runtaa oon taariikhdeyda iloobeyn miyaysan Ku ogeysiin inaan wacadkii iloobin oon wali ku oomanahay, aduun waa calaf ogow dartaa ama aduun ama aakhiro,
aqristoow ma garanaayo cid aan nabsi ka galay si aan ugu duceysto, waan hurdaa waana soo jeedaa IDIL darteed, misna waan socdaa aniga oo aanan garaneyn halka aan u socdo, waana ka haraadsanahay wax kasta oo aan cabo, mana garanaayo waxa aan ku oon bixi karo, mar hadaad garab keyga ka baxday waxaanse qalbiga ku hayaa alle in uu u adeego adoomadisa masakinta,
waxaan dareemayaa in aan ahay qof si wax ka yihiin, gocoshaduna ku weyn tahay, waxaan qirayaa in aan qalbiga kugu qoray, laabtana kugu sawiray la'aantaana nolosha ay san ii dha dahmen, in kastoo igu tiri wax aana kaa astaahilin qof muslin ah kugu dhaqan iyo diin ah na aan lagu dhihin, lakin nabsi waa kii soo if baxaa ana nabarka aad igu dhifatay waa mid xisaab tisa ay imaan doonto !!!!!!
aqristow xayi adag ma ihi, xabaal weli ma gelin, waan xanuunsanahoo xigto & dadkii ma xushmeyn karo, xishood waan ka tegay, xad dhaaf waali & nin xir-xiran ma'ihi tii aan xusahana xero dhaaftaye, maxaad igala soo doontay asal kaagii hore qalbi meelesan, maxaadse caashaqa qoobka cayaarka iigu dishoo miraayadeyda ugu qarxisay , maxaadse qalbi aadan ii heynin iyo niyada iiga dhigtay mid ii baahan, jaceyl aadan ii qabina maxaa iigu beertay, mise filin ayaad dhigeysay oo qarash baa kuu socday, mise Sheeko ayaad igu alifeysay, mise Musal Sal ayaad sameyneysay mise Entertaimanti wax eh ayaad i mooday aniga miyaadan ogeen Romance gu in loo jiisobo loo sakaraaday duulal badanina naftu ay u wayeen, mala socotaa nabsiga aad geesatay sida aan unoqday mase u jeedaa xaalka aan ku suganahay mise dareen santahay. IDIL maalin ima soo marto illaa waan ooyaa adiga owgaa lakin dhibkaad hor marsataahi waa ku kuu danbeeyo ee
IDILEY miyaadan rabi leheen oo beer danqadaahi kugu oolin ?!!!!!!!!!!
aqristo meel kasto ood caalamka ka joogtaan, qisadan xaqiiqda ah ee aan farsamo iyo caqli isku tagay ku imaan ee qof ay si rasmi ah live ay ugu dhacday qalbigisa oga qoray, waxaan aqristow idin kaga digaa Dad kaan badalmay iyo duun yadan halow day ee qabiil kiyo aanfada u ban baxday, ee lug gooyada iyo dhibaatada u istaagtay,iyo dumarkaan ibtiloboo hawadooda raacay, in dhalin yarooy imaankiniyo qalbigiina aysan aan fayninee, oodnaan u dayicin mustaqbal kiinee oodnaan isa siininee ood ka digtoonaataan hagar daamada haweenka maantay jira, si aad naan ugu dhicin dabinka an ku dhacay iyo sida aan ku suganahay maantay, dhibaatoyinka Singal Mum iyo Girl paltalk ku jirto iyo Chat rom I.W.M ee ka danestoo dantiina aqoon sadoo nin walbo mehradii loo dirsaday haka faa'ideystoo ha iska yiraahdo niyada dib baa loo noqon donaa oo xal iyo daganaasho waa soo car fayahe maxaad qabsan doontaa, maxaadse ku nolaan doontaa mustaqbal ka soo socdo, ee caashaqan qawda maqashii waxna ha u qaban ta ah iska indha xiroo iska dhaga tiroo danahiina muhiimka ah ka raacda.
anaa go'oo firinbi igu yeroo i aamino tilbada i qabsatay adigaba way kugu soo socota, dhilinyaroy is jiroo maankiinana celiyoo dadbaa hortiin caashqu aan feyoo ibtileyee baan dheeyay awgiise lana il daran ilaa maantay ee taarikh yesan ku qabsan adoo indha ku fiiqan yihina ha iska dhigin nin aan wax ogeenee...
Waxaa ay qisadan ka dhax dhacaday wiil iyo gabar kala joogo Egypt iyo Holand


maxaad ku yarayn kartaa fakarka badan hadaad isku aragtid







Xad usamee waqtigaaga
Marka aan go’aan qaadaneyno, inbadan oo naga mid ah way ka labalabeeyaan inay go’aanka saxda ah qaataan. Aniga shaqsi ahaan waan ka labalabeeyaa marka aan go’aan weyn qaadanayo, laakin inbadan oo aan ka fakaraa waa in badan oo uu go’aanka igu adkaadaa, hadii aad sideydoo kale tahay isku day inaad xadeysato waqtiga aad fakareyso. Tusaale u sheeg naftaad inaad go’aanka ugu danbeeya aad sameeyn doontid saacada markay tahay hal saac habeenimo, marka aad waqtigaaga xadeysato xaqiiji inaad waqtigaas dhaafin. Waana qaabka ugu fiican ee aad ku joojin karto fakarka faraha badan, aniga shaqsi ahaan ayaa sidaas sameeyay waan ku guuleystay, bal adigana isku day.
Wax fiicnaan u dhameystiran ma jiraan.
Dhib malaha si kastoo adag oo aan iskugu dayno si aan u gaarno wanaaga, weligeyn ma sameeyn doono. Fiicnaantu ma ahan wax jiro ee wax aad u baahantahay inaad ogaato. Markasta oo aad ogaato in wax fiicnaan u dhameystiran aysan jirin waa markasta ay kuu fududaato nolosha farxadna ku noolaato. Waxaan ogahay dad badan oo ku dadaala si ay u gaaraan wanaaga waxaana arkaa in kaliya ay noloshooda iyo caafimaadkooda burburinayaan. Waxaa intaas kasii daran noloshooda kuma raaxeystaan, waxay isku dayaan wax welba inay wanaajiyaan, laakin nasiib darro taasi suurogal maaha.
Talo weydiiso
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aad ku joojin karto fakarka badan ayaa ah inaad la tashato qof aad aaminsantahay misana aad ku kalsoontahay, wuxuu noqon karaa qof qaraabadaa ka mid ah ama saaxiib kuu dhow. Waxey kuu sheegayaan wax ay dhab ahaan la tahay misana adiga kaa caawin kara inaad go’aanka gaarto, xitaa hadii aysan ku caawin Karin wey ku dhageysan doonaan, taasina waa wax weyn! Hadii aadan laheyn cid aad la tashato, isku day inaad qoraal sameyso adigoo kaga hadlaya khaladaadkii aad horay u sameysay sii xoogaa daqiiqado ah misan arag sida aad dareemeysid.
Isku day inaad naftaada weeciso
Xaqiiqdi midan kaama caawineyso inaad dhibaatadaada xaliso, laakin mararka qaar waa waxa ugu fiican inaad sameyso si aad isaga joojiso fakarka faraha badan, qaado waqti aad ku dejiso maskaxdaada, isku day inaad aqriso buug fiican ama aad daawato waxyaabo kale oo aad isleedahay maskaxdaad way ku degi kartaa, ama xoogaa qeeynuudso (hurdo yar) tani waxey kaa caawineysaa inay maskaxdaada nasato misana ay waxu ukala cadaadaan .
Waqti qaado
Inta badan waan ka baqnaa inaan waqti qaadano si aan wax welba u go’aansano. Hadii aad ka labalabeeneyso qaadashada go’aan labo dhibaato ku heysata, waa inaad bilowdaa inaad marka hore mid xaliso tan kalena aad xagaa iska dhigto, u xali mid mid, jooji fakarka faraha badan.
Jimicsi sameey
Jimicsiga waa mid ka mid ah waxa ugu fiican ee caajiska loogu saaro maskaxda iyo jirka, maxaa yeelay fakarka badan wuxuu sababaa istarees fara badan taaso qofka ku ridi karta niyad jab, hadaba aad meelaha lagu sameeyo jimicsiiga si aad isaga saarto istareeska maskaxdaada iyo jirkaaga ku jira fakarka bandanna uu kaaga dhamaado.
Nolosha sideedaba waxaa ka buuxa dhibaatooyin fara badan, mararka qaar waa inan sameynaa go’aanno adag. Laakin runta waxey tahay inaan barano sida loo sameeyo go’aanka saxda ah anagoon waxyeelo u geysaneyn nafteena iyo caafimaadkeena. Intaas waxaa sii dheer nolosha waxaa ka buuxa khladaad iyo guuldarooyin fara badan, waa muhiim inaad barato sida loo aqbalo khaladaadkaaga misana loo iloobo, si kastaba qofaan khalad sameeyn waa qof aan waxba sameeyn! Waxaan rajeynayaa in talaabooyinkaan ay ku anfici doonaanwaxakabaro.blogspot.com


Sheeko dhab ah Labo gabdhood oo xawaalad dhexdeeda ku ogaaday in leesla qabo kadib maxaa dhacay

Add caption


Wiil ayaa waxa uu ku noolaa dalka kenya gaar ahaan nairobi waxa uu halkaa ka bartay gabar somali ah oo Qurux badan waxayna usocotay dalka maraykanka gabartii way sheekeeysteen waxayna ku hishiiyeen inay is guursadaan kadib Waa ay aqal galeen gabartii waxay baxday maraykan Gobol kamid ah ayay gashay bilo kadib waxay bilowday gabartii inay wiilka lacag u qorto bil kasta lacag ayay usoo diri jirtay kadib gabar kale ayuu bartay wiilkii oo iyana usocota dalka maraykanka iyana sidii oo kale Waa uu mehersaday way baxday.
Iyaduna ilaahay amarkii waxay tagtay gobolkii ay joogtay xaaskiisa kale waxaana meesha ku yaal Hal xawaalad wax SOMALI leedahay meesha ayeyna aad ugu yar yihiin Soomaalidu qofkii qof Somali arka waa uu ku dhagaa jacayl dartii.
Malin maalmaha kamid ah ayaa labadii gabdhood Hal mar soo wada galeen xawaalada waana la isa salamay abaayo Somali maa tahay haa ana sidoo kale goormee timid hada mudo sanad wan joogay yaa dhex martay.
Salaan kadib gabartii markay lacagta direysay ayay maqashay magaca ninkeeda oo sadexan oo gabartani ku direyso lacagta waxayna tiri abaayo wiilkan aad lacagta u direyso waayo maxaadse isku tihiin
Gabartii ayaa tiri Waa ninkeyga, talo faraha ayay ka baxday timahaa la isku dhagay anba Waa ninkeyga ayaa ka dhacday
kadib Waa hishiiyeen labadii gabdhood waxayna u hishiiyeen ninkii isku mar ayay soo waceen xariifkaan oo islii qaad u fadhiyo waxaana la yiri labadeenuba waan ku furnay macalinka ee magalada iska dhici.
Nuxurka Sheekadan: Waxa wayee wax badso wax la,aan ee leedaghay. Wax yar oo aad iimaansato ayaa kaaga wanaagsan wax badan oo aad kuwada qasaarto.



Madaxweeynaha Mareykanka , Ruushka Iyo Soomaaliya
Waxaa diyaarad wada sarnaa Madaxweynayaasha Mareykanka, Ruushka iyo Soomaaliya.
Madaxweyna kasta wuxuu sheegay in uu joogo waddankiisa markii ay diyaaradda dul mareysay. Haddaba waxaa la weydiiyay sida ay ku garteen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri : Anigu waxaa gacanta ka bixiyey daaqadda(Shubaakada)diyaarada markaas ayaan taabtay daarihii New York sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Mareykanka . Madaxweynihii Ruushka ayaa isagana yiri:Anigu markaan gacanta daaqadda ka bixiyey waxaan dareemay qabowga Mosco sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Ruushka, Madaxweynihii Soomaaliya ayaa isagana yiri: Anigu markaan gacanta ka bixiyey daaqadda waxaa leyga furtay Saacaddii aaan watay sidaa ayaan ku gartay in aan joogo waddankeyga Soomaaliya.
                      Attoruhu Hadduu Dhinto Lacagtu Waa Celis!!!
Magaalada Gaalkacyo maalintii intaad dhex socotid waxaad
arkaysaa baabuur nooca xaajiya khamsiinta loo yaqaano
oo korka ka saaran sameecado waaweyn iyo makarafoon.
Nin la yiraahod Ilbir ayaana ka dhex qaylinaya makarafoonka isagoo ka hadlaya ama xayeesiin ku sameynaya filinka caawa socda.
Filinka haduu yahay Hindi Mr. Ilbir sidan ayuu u xayeesiinayaa: “Waa filin cusub waxaa idiin wada gabadhii wajiga barta ku lahayd iyo inankii dheeraa ee tinta jilicsanaa. Filinka wuxuu leeyahay Shan feer iyo todoba hees yuusan ku dhaafin. Ninkuu dhaafaa waa eey eey dhalay naagtuu dhaafaana waa doofaardoofaar dhashay. Atooruhu haduu dhintu lacagtaadu waa celis!”.
Haduu yahay kuwa jabaanka loo yaqaan: “Waa filinkii
laga dabadhacay atirisho kuma jirto. Atooruhu waa bisada ceegada
ku dilay waana nin waalan baabuurka iyo baaskiilka iskusi ayuu uwadaa”
Haduu yahay kuwa loo yaqaan Maraykanka: “Waa filin cusub
xodxodashadu way ku yar tahay kufsiga dhaca iyo boobka ayaa ku badan.
ninkii laga waayaa caawa filinkan waa eey eey dhalay”.
Markaad shineemda gashid halkii laws iyo nacnac iyo wax la mid ah lagu
dhex iibin lahaa laba nin ayaa kusoo agmaraysa nina baaldi ayuu caano geel kuwadaa nina baaf hilib nimankaas oo ku dhawaaqaya cad iyo caano cad iyo caano..
Marka la gaaro waqtiga uu soo galayo BBC Laanta Af Soomaaliga filinka waa la joojinayaa , waxaana la dhageeysanayaa BBCda .Hadaad rabto bax hadaad rabto joog waa qasab in aad dhageeysato !!!

Waan Ogaa In Aad Nacas Tahay!!

Maalinbaa nin isagoo aad u xanuunsan xaskiisa ku tir:
“Ninyohow intaadan dhiman bal aan ku cafiyee ii sheeg haddii
ay jiraan dambi aad iga gashay?”. Ninkii baa yir:”Hal mar oo keliya ayaan
dembi kaa galay anigoo la seexday saaxiibtaadi waxeyna iga qaadatay $20
(labaatan dollar). Naagtii ayaa aad u carootay oo qeylisay iyadoo leh
“Waan ogaa in aad Nacas tahay Sideed ku siisay naagtaasi labaatanka dollar sow ma ogid inaan anigu ninkeedi lacag la’aan kula seexdo?!!!
MR.HINTISHOOW
Waqti hore ayaa Madaxweeynihii Soomaaliya waxa uu booqday shiinaha kolkaasayuum waxa uu la kulmay madaxwaynaha shiinaha oo wiil u dhashay.markaas ayaa layidhi MR. madaxwayne waa inaad u magac bixisaa wiilka madax waynaha u dhashay Maxaweeynihii Soomaaliay talo ayaa ku cadaatay isagoo yaaban oo wax uu sameeyo garan la’ ayuu hindhisay HITISHOOOW!!!!!!HITISHOOW markaasaa ayaa lawada sacbiyay oo la yir magac fiican ayaad u bixisay wiilkan HITISHOOW waa magac qurux badan! sidaa ayaa wilkaasi loogu bixiyey Mr.HITISHOOW.
                               Sheekadii Daanyeerka
Ninbaa waxuu tagay carwada markaaso waxuu arkay inti xeywaan aheed meesha joogeen ayago qoslahayaan ilaa hal dameer moyee ,ninkii maalinta ku xigtay maalintaas ayuu carwadii tagay waxu u arkay dameerki qoslahaya marka waxuu weydiyey ninka carwada leh sidee ku dhacday dameerka maanta kaligiis ayuu qoslahayaa shalayna wuu aamusnaa markaa ninkiis baa waxuu yiri shalay ayaa daanyeerka sheeko qosol ah sheegey maanta ayuu fahmay dameerka)
                               Adeer Cadayga Qaar dabada Iiga Jebi
Maalin baa gabar reer xamar ah oday reer waqooyi ah waxay ku tiri adeer cadayga qaar dabada iiga jebi markaasu intuu yaabay oo geesaha fiiriyay ku yiri naa deeh hadaaan kaaga jebiyo sow dabadu ku xanuuni mayso !!!!!!!!
                                      Ninkii jiifan waayay
Habeen baa nin jiifay sariirtiisa, markii la gaaray saqdi dhexe ayuu ku dul fadhiistay sariirtii kadibna halaaqyo iyo jimicsi bilaabay. Naagtiisa oo dhinac jiiftay ayaa ku toostay oo tiri “maxaa kugu dhacay?”
wuxuu yiri “Hurdo ayaa iga soo dhici weyday”.
Waxey tiri ” Ma rabtaa sida ugu dhaqsiyaha badan ee hurdo kaaga soo dhici karto?”.
wuxuu yiri “Haa”.
Waxey tiri ” istaag oo jikada gal, kadibna caano qaboojiyaha kala soo bax, koob dheer ku shubo, kadibna malabka aan saakay soo iibiyey qaanadda kore kala soo bax, xoogaa yar ku darso, qaado soo qaado oo ku walaaq kadibna mikoroolka geli oo wax yar kululeyso, iyadoo qandac ah cab, kadibna koobka dhaq oo meeshiisa ku celi, qaadadana dhaq oo meesheeda geli, malabkana meeshiisa ku celi. Kadibna qaboojiyaha gudihiisa soo nadiifi, kadibna jikada soo nadiifi kadibna……….”
Iyadoo warkii wado ayuu soo booday oo yiri ” bes bes bes……warka badan iga dhaaf hurdo ayaa i haysee.

                             “anigu maxaad igu diideen”
Shirkad dhismaha ah ayaa u baahatay nin injineer ah, dad badan ayaa codsi u soo dirsaday. shirkadii markii ay shaandheeysay ayaa waxaa u soo haray laba nin oo sharuudihii oo dhan soo buuxiyey. Labada injineer sidii loo kala saari lahaa ayaa adkaatay maxaa yeelay labadaba waa isku qibrad, isku jaamacado ayey ka soo baxeen, shaqooyin isku mid ahna wey soo wada qabteen, kadibna shirkaddii waxey go`aan ku gaartay in ay imtixaan ka qaado. Qol ayey geeyeen waxayna hor dhigeen laba waraaqo oo min tobon suaal ku qoran tahay. Markii ay imtixaankii ka soo shaqeeyeen ayey maalintii xigtay nin ka mid ah u yeereen oo ku yiraahdeen ” waxaan go`aan ku gaarnay in aan qaadano ninka kale.
injineerkii ayaa yiri ” oo anigu maxaad igu diideen”.
Shirkaddii ayaa tiri “labadiinaba waxaad aheydeen isku qibrad, isku tacliin, imtixaankii aad gasheena min sagaal suaal ayaad saxdeen oo min hal ayaad qaladeen, waxaan qaadanay isaga.
Ninkii ayaa yiri “sidee ayaad ku qaadateen maadaama aan min hal suaal qaladnay?”.
Shirkaddii ayaa tiri “suaasha ugu danbeeyso ee aad qaladeen isagu wuxuu ku qoray (ANIGU MA AQAAN) Laakiin adigu waxaad ku qortay (XITAA ANIGU MA AQAA
N
waxkabaro.blogspot.comka sii akhari

No comments:

Post a Comment