Monday, May 1, 2017

TAXANAHA GUUSHA (HANTIILE NOQO)


-----------------------------------------------------
Waxaan halkan ku soo gudbin doonnaa taxane aan ugu tala galnay inaan ku iftiiminno qaababka hantida lagu abuurto.
Qofkasta waxa uu jecelyahay inuu yeesho hanti ku filan, oo uu awood u yeesho inuu ka qayb qaato oo uu lacag ku bixiyo waxa uu jecelayahay oo dhan, iyo inuusan u shaqaynin lacag darteed, ee lacagtu asiga u shaqayso. Asna uu qabsado waxa uu jecelyahay.
TALLAABADA 1AAD: RABTIAAN

Rabitaanku waa tallaabada 1aad ee Ujeeddo kasta oo la rabo in la xaqiijiyo lagu bilaabo oo loo maro. Rabitaanku waa matoorka uu qofku awoodda ka helayo, oo waxa aad rabtid kama daalaysid, kama cajisaysid, tabartaada oo dhanna waad isugu gayn si aad ugu guulaysatid. Ogow waxa aadan rabin waligaa gaari-maysid.
TALLAABADA 2AAD: XADID HANITADA AAD RABTID INTA AY DHANTAHAY
Waxaa la ogaaday hadafka aan xadidnayn inaan la xaqiijin karin, sidaas darteed hantida aad rabto inaad yeelato iyo waqtiga aad rabto inaad ku yeelato labaduba xaddido.
TALLAABADA 3AAD: WAA MAXAY WAXA AAD RABTO INAAD HURTO SI AAD HANTI U YEELATO
Ogow ujeeddo aan wax loo hurin lama gaaro. U diyaar garaw si aad hanti u yeelato inaad hurto: waqtigaada, nasashadaada , fikirkaada, iyo dad la joogaada. Maxaayeelay waxaad go’aansatay hawl u baahan dadaal badan, waa tii ay horay Soomaali uga maahmaahday ooy tiri: “xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”. Waxaadna niyadda ku haysaa in marka aad gaarto ujeedadaada oo ah inaad HANTIILE noqoto ood hesho XORIYAD MAALIYADEED inaad qabsanayso wax kasta ood jeclayd ood u hurtay qabsanna wayday xaqiijinta hadafkaada dartiis.
TALLAABADA 4AAD: BARO SIDA AAD ULAM DHAQMAYSID CULSYKA DHAQAALE :
Waxaa wada ognahay in qof waliba uu haysto culays maaliyadeed, HANTIILE ahaw, ama faqiir. Hantiilaha culayska haysta waa sida uu u maarayn lahaa hantidiisa una sii kobcin lahaa. Faqiirka culayska hasta waa dhaqaale yarida uu ku jiro, iyo inuusan awoodin waxyaabo badan oo noloshiisa muhiim u ah wax-la’aan darteed.
Hadaba waxaa la rabaa qofku inuu barto sida uu ula dhaqmayo culska dhaqaale ee haysta. Qaababka loo la dhaqmo waxaa kamid ah:
1- Inaad hantida ku soo gasha aad qayb kamid ah, sida 10% aad sadaqaysato, ood tabaruc u bixiso. Goorma ayaad bilaabasyaa sadaqadan ma marka aad hanti yeelato? Maya, markaas ma aha, waxa aad billaabaysaa marka aad qaadato go’aanka ah inaad hanta abuurato. Sababtuna waa in bixinta sadaqada ay faa’iidooyin badan leedahay, Ajarka aad helayso ka sakow, waxa uu qofku aaminayaa in uu haysto wax kabadan baahidiisa, waxa uuna helayaa kalsooni ah, inuu wax haysto taasina waxay bilaw u tahay wadada Hantida lagu yeesho. Midda labaad waxa ay abuuraysaa xiriir fiican oo adiga iyo bulshada u dhaxeeya, xiriirkuna waa bilawga guusha nolosha.
2- Sidoo kale qayb kamid ah lacagta ku soo gasha sida 10% inaad u xadid bixinta daymaaha lagugu leeyahay .
3- Boqolkiiba 10 kamid ah hantida ku soo gasha u xadid inaad maalgashato oo ay faa’iido kuu dhasho, dakhigaadana kordhiso.
4- 70% ka soo haray waxaad u isticmaashaa inaad ku noolaato. Sidaas samee markasta, lacagta ku soo gasha haday yartahay iyo hadday badantahayba.
Mahadsanid.

No comments:

Post a Comment