Saturday, June 10, 2017

20 Jir illaa 30 Jir inta u Dhexesa: Waa Aasaaska Nolosha inta Danbe. .


Marka ad tahay 20 jir ilaa 30 jir inta u dhexeysa, waxa ad ku fakireysaa in wax qabsigii noloshu kaa horeeyo oo ad mustaqbalka wax qabsan doonto. Balse marka ad weynaato ayaad ogaaneysaa in waxan nolosha lagu wadaaba ay tahay wixii ad soo qabsatey intii u dhexeysey 20 ilaa 30 jir. Wixii intaa ka danbeeyaa wixii ad qabsan kartaa uu koobanyahay, waayo, waayaha aduun ayaa kaa hor imanaya, wakhtigu uu kugu koobnaanayaa, duruuftuna wey adkaaneysaa.

.
Sidaa darteed waxa muhiim ah inad hubka ad nolosha ku waajaheyso sii wada dhameysato inta ad tahay 20 ilaa 30 jir. Wixii intaa ka danbeeya wax aqoon iyo caqli badani kuu kordhi maayo ee intii hore uunbaad sii baalasheyneysaa. Wakhti ha iskaga lumin shaqo yar oo macanaas ah oo aan wax badan laga faa'iideyn iyo huuhaa siyaasadeed. Guurka laftiisa yara haki inta ad wax kala tuureyso. 10 ka sanadood ee u dhexeyaa 20 jir ilaa 30 jir, waa inad barataa aqoon kasta oo ad nolosha u rabto iyo xirfad kasta iyo luqad kasta oo ad isleedahay wey ku anfaceysaa. 10 kaa sanadood haddii ad maskaxda iyo lugta iyo gacanta si fiican u tuujiso, wakhtiga danbe oo dhan, orod ayaad nolosha ku mareysaa.
Marka ad da’adaa ku jirto si fiican u garanmeysid waxa barato eek u anfici doona, balse waxba taa ha isku mashquulin. Arinka keli ah ee loo baahanyahay waa inaanu wakhti kaa lumin. Shahaadada koowaad ee jaamacadda orod ku dhamee, talabaad lafteeda haddii ad heyso iyana dhamee, haddii kalena internetka ka baro (distance learning). Galabtii shaqo ku tuur xitaa haddii aaney aheyn mid wax weyni kaa soo geleyo kol ay tahay inad dukaan weyn xisaabiye u noqoto ama bakhaar. Ingiriisi inad taqaan hadal kuma jirto balse haddaad luqad kale baran karto lafteeda ku tuur. Markaad 30 jir tahay, waxa ad soo baxeysaa adoo 2 shahaadadood sita, 5 sanadood oo khibrad ah leh, 2 luqadoodna yaqaan. Ha yareysan tacliinta lagu baranayo dalka iyo waaya aragnimada an ka heleyso meelahan yaryar ee dalka. Waxa la quudhsanayo uunbaa la sii yara baalasheeyaa oo caalamka lagu shaqeystaa.
.
Miduun iska ilaali oo ah, tashuushka ayaa badan marka ad halganka ku jirto. Qaar baa ku odhanaya waar waxan wax laguma cunayo ee iskaga bax tacliintani waa wakhti lumis. Qaar ayaa wakhtiga kaaga qaadaya siyaasadda iyo huuhaadeeda. Qaar ayaa babul walaaca kuu saaraya oo ku odhan dalkan rajo kama soo socoto. Waxaa dheg ha u dhigin ee hore u soco.

No comments:

Post a Comment