Saturday, June 10, 2017

#Qalinjabisaye_Maxaa_Kuu_Qorshe_ah?


.
Maalintii an dhameeyey jaamacadda waxa an ka safrey Muqdisho waxaanan tegey Hargeysa. Bil iyo badh ayaan Hargeysa ku maqnaa, ka bacdi ayaan Muqdisho ku noqdey si an u bilaabo shaqaddii cusbeyd ee dawlddu igu qortey oo aheyd inaan wax ka dhigo Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed. Markii bishu dhamaatey waxa la i siiyey 3 bilood mushaharkood. Waayo shaqaaleysiintu waxa ay ii bilaabantey maalintii an qalinjabiyey maalintii ku xigtey. Mushaharku uu ii socdey mudaddii an Hargeysa fasaxa uugu maqnaa. Farxad ka weyni mey jirin inan soo qaato musharkeygii u horeeyey. Waxa an dareemey inan nolosha meel weyn ka gaadhey. Kolba meel ayaan gala oo an wax ka iibsadaa ama wax ka cunaa. Dareenka ah inan ahey sarkaal sare oo darajadiisu tahay A8 oo ku jira liiska shaqaalaha dawladda, waxa ay aheyd
dareen aad u weyn. Mushaharkaa an qaatey waxa uu ahaa wax aad u yar oo aan gaadheyn $100. Inkasta oo uu ku filnaa nolol maalmeedka, hadana wax sidaa u weyn muu aheyn. Waxa macnaha ii sameynayey mey aheyn oo keli ah qaddarka lacagta ah ee an qaatey. Balse, waxa macno ii sameeyey in aniga oo 22 jir ah an qeyb ka noqo shaqaalaha Dawladda. Waxa kale oo macno ii sameynayey inaan dareemey inaan ahey qof madax banan oo iskii u taagan. Hadda mushaharka an qaataa waa wax aan ka badneyn 80 Doolar.
.
Sannadkii 1990 iyo wixii ka horeeyey, ardey kasta oo Soomaaliyeed oo jaamacad ka baxa ama dugsi sare dhameysta waxa shaqo siin jirtey dawladdii Soomaaliyeed. Waxa lagu qori jirey Wasaaradaha ama hey’adaha dawladda. Taasi waxa ay aheyd #qorshe ay sameysey dawladdii markaa jirtey. Mushaharku aad ayuu u yaraa, hadana aredydu wey ku faraxsaneyd dareenkaa ah in shaqo la siiyey oo ay mushahar qaataan. Waddanka waxa ka jirtey wacyi gelin aad u weyn oo dhalinyarada lagu wacyigelinayo oo loogu sheegayo in shaqadu sharaf tahay, shaqa la’aantuna dulli tahay. Taasaa ardeyga qalinjabiya ku kalifeysey inaanu marna shaqo la’aan dooran, si kasta oo uu mushaharku u yaryahay.
.
Asbuucii la soo dhaafey waxa magaalada Hargeysa lagu qabtey xaflado loogu dabbaaldegeyo ardey ka qalinjabisey Jaamacadaha. Xaflado kuwaa la mida ayaa sannad kasta lagu qabtaa magaalooyinka dalka oo dhan, kuwaasi oo loogu dabbaaldego guusha ardeydaa dedaashey ee tacliinta dhameysatey. Waxase ayaandarro ah in ardeydaasi qalinjebisey ay ku soo biirayaan, kumanaanka kale ee hortood jaamacadaha ka soo qalinjabiyey oo shaqa la’aanta ah, niyad jabkuna qaarkood ku dhacay. Shaqo la’aantaa kumanaanka dhalinyarada ah saameysey, dawladnimadeenu wax qorshe ah kama laha, marka laga reebo khudbadaha madhan ee ay madaxda iyo siyaasiyiintu ka sheegaan xafladaha qalinjabinta, kuwaasi oo ku doodda an dhalinyaradu tahay mustaqbalkii dalka dawladuna dedaal uugu jirto horumarintooda. Maxaa laga yeelayaa dhalintan faraha badan ee wax soo bartey? Xagee la geynayaa ee shaqo looga abuurayaa? Maxey saameyn yeelan karaan haddii aan la jiheyn? Ma jiraa xafiis ay dhalinyaradu tegi karto oo ay wax weydiin karto oo talo siin karaa? Kuwani waa su’aalaha aan cidiba isweydiin. Haddey sidan ku soo socoto, maalin dhow dawladnimada waa laga maarmayaa, waayo waxa ka tegeya macnihii dawladnimo laheyd. Waxa meesha ka baxaya in qofku garan waayo waxa ay dawladnimadu u tahay isaga, marka laga reebo nabadda an ka sheekeyno 25 ka sanadood.
.
Haddii shakhsi ama ummad ama dawlad ay rabto in hadaf la gaadho ama isbedel la sameeyo, waxa la qaadaa saddex tallaabo. Ta koowaad, (1) waa iney jirtaa dhibaato la dareemey oo kalifeysa in wax isbedelaan. Dhibaatadaasi waa in la qeexaa oo la sheegaa, lana caddeeyaa saameynta ay yeelan karto haddii xal loo heli waayo. Waa ta labaade, (2) waa inu jiraa qorshe cad oo sheegaya sidii loo gaadhi lahaa hadafkaas iyo (3) in lagu dhaqaaqo ka sidii hadafka loo gaadhi lahaa. Sababta u saamaxdey in dawladdii hore ee soomaaliya ay ardeyda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxa u shaqo galisaa waxa ka kow aheyd iyada oo laheyd qorshe cad. Dabcan tirade ardeydu intan wey ka yareyd oo culeysku sidan iminka muu aheyn, hadana, waxa jirey barnaamij cad oo qeexaya tirade la rabo in Wasaarad kasta iyo Wakaalad kasta shaqaaleysiiso. Khasab maaha maanta suuro galna maaha in Wasaaradaha dawladdu shaqaale badan qortaan. Balse waxa khasab ah in #QORSHE jiraa. Haddii aanad barnaamij sameysan waxba kuu hagaagi mayaan fursadana ka faa’iideysan meysid. Mushkiladda oo ad fahamtaa waxa ay u dhigantaa inad 30% xalkii heshey. Hadaf ad dooneyso inad gaadho oo ad qorshe fiican u sameysataana, waxa ay ka dhigantahay hadafkii oo ad 30% gaadhey. Ku dhaqaaqa hawshuna waa 40% hadhey.
.
Qofka ibnu Aaadamka ihi wuxu ku noolyahay rajo. Rajada ayaa u sahasha inu isaga laftiisu wax qabsado oo uu ama shaqo helo ama shaqo abuurto ama si kaleba u fikiro. Haddey rajadu meesha ka baxdo, waxba qofku ma qabsan karo. xataa haddii ay soo marto fursad nololeed, qofku waxba ma sameyn karo haddey rajadu ka dhimato. Rajadu mararka qaarkood maba aha in wax la isasiiyo ama wax la isu ballan qaado. Rajadu waa in wax la isu sheego, waa in wax la isweydiiyo, oo wax la isu tilmaamo. Waa in la iftiimiyo fursadaha jira iyo dhibaatooyinka lala kulmi doono. Iyada oo aan dhaqaale weyn la gelin oo aan culeys laga dhigin, ayey dawladdu abuuri kartaa rajo niyad wanaag gelisa dhalinyarada wax baratey ee raba iney nolol dhistaan dalkana wax u qabtaan.
.
Marka lagu jiro xaaladda ah in dawladnimadii aaney wax badan u qaban Karin dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxda, waxa waajib ah in shakhsiga laftirkiisu firfircooni la yimaaddo oo uu bilaabo inu talada gacantiisa ku qabsado. Sharafta koowaad maaha inad hesho shaqo lacag badan leh, balse waa inad marka ad tacliinta dhameysato shaqeyso oo ad aragto adiga oo xooggaagii iyo maskaxdaadii manaafacaadsadey. Lacagta kaa soo galeysa inta ay doonto ha noqoto ee horta waa muhiim inad shaqeysaa. Hadaba maxaa dhalinyarada ku waajib ah:
.
1. Dhalinyaradu niyadda ha ka saaraan dawladda ayaa shaqo abuuri doonta oo shaqo ayaa meel ka imaneysa, amma barwaaqaa la geleyaa. Haddaad waxaasi oo kale nafta uugu sheekeyso, waad ku habsaameysaa. Adigu shaqo doono. Waxa taa ka sii fiican, adigu shaqo sameyso. Shaqo cusub oo imaneysaa ma jirto. Waxan iminka yaalla uun hagaajiso oo casriyee. Shaqadu ceeb malaha. Waxa ceeb ah adoo 23 jir ah oo aan wax hawl ah qaban oo ku xiiqa siyaasad iyo huuhaa.
.
2. Ma jirto wax ka sharaf xun shaqo la’aanta, gaar ahaan marka ad tahay qof wax soo bartey oo lagu soo tabcey. Waa muhiim inad indhaha furto oo ad shaqo si uun u bilowdo. Ama cid u shaqee ama adiguba meherad sameyso. Khasab maaha in shaqadu noqoto wax weyn ama ad sameysato ganacsi weyn. Horta waa iney jirtaa wax ad u kalahdaa. Adoo xaragoonaya oo makhaayadaha fadhiya waxa boqol goor ka sharaf badan adoo shaqo hoose u kalaha. Xataa haddii ay reerkiinu wax heystaan oo aaney noloshu kugu adkeyn, hadana waxa qurux badan inad shaqo u kallahdo.
3. Khasab maaha inaad #qoqoljoog noqoto. Bartii yaqaan Bar uuma Korodho. Shaqadu meelo badan ayey taalaa. Haddaad Boorama joogto isku dey inaad shaqo ka doonato Burco ama Gaalkacayo ama Jabuuti. Waxa dhici karta in ad iminka shaqo ka raadineyso xaafadda ad Hargeysa ka degentahay uun.
.
4. Isweydii sababta kumanaanka qof ee waddanka jooga ee ama ganacsiga ku jira ama meheradaha lihi ay u aflaxeen, ee weliba ay intooda badani aaney jaamacado uuga soo bixin, ee intii jaamacadaha ka soo baxdey ay gidaarada la taaganyihiin. Ardeyga jaamacadda ka soo baxay waxa ku duuban barnaamij (Software) aan la shaqeyn Karin barnaamijyada (software) risiqa lagaga soo saaro magaalada. Sidaa darted waxa loo baahanyahay in dhalinyaradu “reboot ama reset” ku sameyso maskaxdooda oo ay ku doobtaan barnaamijka runta ah ee lagu shaqeeyo.
.
5. Jaamacadaha dalka ka jiraa oo wax weyn ina tarey, marka dhinac kale laga eego waa qeyb ka mida luggooyada. Dhalinyarada waxa ay soo geliyaan rajo badan balse si fiican uuguma soo sheegaan xaqiiqda nolosha ka horeysa. Ardeygu wuxu jaamacadda ka soo baxaa isaga ama iyada oo rumeysan in iminka uun addunku isu wada furayo. Markey sidaa noqoweydana wey niyad jabaan.
.
6. Dhawr dhalinyaro ah isku kaashada oo wax wada sameysta. Iskuul wada furta oo idinku macalimiin ka wada noqda, markaad ballaadhataanna macalimiin kale qorta. Wax cusub keen oo sidii hore ee wax loo qaban jirey uun haka fikirin.

No comments:

Post a Comment