Monday, April 17, 2017

Sheeko Xiiso leh:Boqorkii soo dhaweynta jeclaa!.


Waxa jiri jiray boqor jecel in uu kolba meel soo booqdo , waxaanu jeclaa meel kasta oo uu tago , in bulshadu u soo baxdo oo aad iyo aad u soo dhawayso , oo imaatinkiisa u dabbaal degto .
maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa uu boqorkii soo booqday tuulo yar , shicibkiina way u soo bexeen si ay boqorkooda u soo dhaweeyaan , waxa uu boqorkii arkay , koox odoyaal iyo wax garad isugu jirta oo meel halkaas ah iska fadhida , oo aan dan iyo daarrad toona ka lahayn soo
dhaweynta boqorka , inta uu xagoodii u kacay ayaa waxa uu waydiiyay waxa ay u soo dhaweyn waayeen boqorka , intaanay u jawaabin ayaa boqorkii waxa uu gartay nimankii meesha fadhiyay qaarkood , wuxuu waydiiyey :
waar miyaanad hebel ahayn ? maxaa meeshan ku keenay ?
waar adiguna miyaanad ahayn mujaahid hebel ? maxaa meeshan ku keenay ?
waar adiguna miyaanad ahayn GEN hebel ? maxaa meeshan ku fadhiisiyay ?
al-lah waar adna maxaa meeshan ku keenay ?
maxaa meeshan miyiga ah isugu kiin keenay ?
maxaadse ii soo dhaweyn waydeen ? miyeydaan igaranayn ?
Boqorkii dalkanaw muddo dheer ayaa isugu keen danbaysay, waanu ka quusanay in aanu kula kulano , ilaa iyo maalintii aad xukunka dalka qabsatay , mid aan isku deyin in uu kula kulmo ma jiro , laakiin wasiirkaaga boqortooyada ayuun baa albaabka noo fadhiistay , waanu noo kaa siin deyn waayey . Waraaqo badana waanu kuu soo qornay wax jawaab ahna kaamaanu helin , kabacdina waxaanu ogaanay , in uu wasiirkaaga boqotooyadu isagu postaada furo , oo wixii uu doonaayo uun ku soo gaadhsiiyo , wixii aanu doonayna qashinka ku rido.
Dadkan aad moodayso in ay ku jecelyihiin ee kaa horyimi si ay kuu soo dhaweeyaan , wasiiradaadda ayaa soo laaluushay , oo waxay ugu balan qaadeen , haddii aad boqorka u soobanaan baxdaan oo aad soo dhaweysaan , waxaanu idinsiin doonaa , QADO BILAASH AH , shicibkuna wuu baahan yahay , oo wuu darxumaysan yahay , oo darxumada iyo dhibaatada ka muuqata waad aragtaa , oo dushoodaad ka garanaysaa , waxaana intaa u dheer fakhri , gaajo , jahli , shaqo la’aan , iyo rajo xumo . caddalad darro , dulmi , xadhig , hanjabaad ….iwm .
Adigana booryahaw , dalka iyo dadka war aad ka haysaa ma jirto , oo niman shufto ah , ayaa isku kaa xeeray oo aan ogolayn cid wax kuu sheegta ama wax kula socodsiisa , waxa ay iyagu doonayaan mooyaane .
Boqorkiibaa yidhi : wixii lasheegaayey ayaa run ah ?
Oo maxay kuu sheegeen ?
waxa la lahaa : hebel wuu ku neceb yahay , Hebel;na jabhad kugu kacsan buu hogaamiyaa , Hebelna meelahaas buu kaa caayaa , Hebelna dalkaba wuu kaaga tegey baa la yidhi .
Waxaas oo dhan waxba kama jiraan , ee markii aanu waxba dalka ka qaban kari waynay , ee aanu waynay cid aanu u cabano , ama arimahan khaldan aanu u sheegno , oo wax ka qabata , ayaanu waxaanu door bidnay inaan laynaga dhex faa’ iidaysan , oo aanu sidan door bidnay , oo meeshan iska soo qabanay , laakiin waa nasiib wanaag , haddii qaddarku maanta noo kaa keenay , ee bal maanta wax naga dhegayso talo iyo tusaaleba .
Berigii aynu dib xoreynta dalka ku wada jirnay waxaad nagu odhan jirtay : marka aynui dalka dib u xorayno , waxaynu samayn doonaa in CADDALAD , DIMUQRAADIYAD , SINAAN , WALAALTINIMO, MIDNIMO la wada helo .
Hadaba wixii aad noo sheegi jirtay oo dhan lagaama hayo , maxaa ku dhacay ? xaggay wax ka khaldameen ? welina waa lagaa sugayaa ? anan waanu kaa sugaynaa weli balan qaadyadaadii ?
Boqorkii inta uu aad u yaabay , ayaa waxa uu wasiirkiisii boqortooyada ku yidhi : waar nimankan meel u bannee weftiga hasoo raaceene .
wasiirkii boqortooyada inta uu hoos u hadlay a, ayuu yidhi waayahay , kabacdina wuxuu yidhi markii uu boqorkii libdhay , waar meel banaan oo aan idinku qaado mahayo iminka , ee weftigu marka uu soo noqdo haynoo ahaato , waan idinsoo mari doonaaye .
Ninkii wax garadka ahaa intuu boqorkii isku sii daayey ayuu ku yidhi : waxaad ogaataa , boqorkii kaa hereeyay intuu maalin halkan soo maray , ayuu ku dhintay , oo xabaalahaa halkaa ka muuqda ayaa lagu aasay , maalmo yar kadib

No comments:

Post a Comment