Monday, May 1, 2017

SHAN NOOC OO SABIR AMA DULQAADASHO


Sabirka waxa kale oo loo qaybin karaa shan qaybood inagoo ka eegayna shanta nooc ee dhaqanka ama ficil loo sameeyo kuwaas oo kala ah;
Waajib (Obligatory), Ku dhiirasho (encouraged), Mamnuuc (forbidden), La kohdo ama la dhibsado (Disliked), La ogol yahay (Permissible)
Waajib
1. Sabirka ah in laga fogaado ama la iska daayo waxyaalaha iyo ficilada
xaaraanta ah ama dembiga ah
2. Sabirka ama u adkaysiga ah fulinta amarada waajibka ah
3. Sabirka ama u adkaysiga maraxalad ku soo
waajahday oo ka baxsan
Ku dhiirasho
awoodeena qof ahaaneed sida xanuunka, faqriga, IWM.
1. Sabirka lagaga fogaanayo waxyaalaha la dhibsado
2. Sabirka ama u adkaysiga in la sameeyo camalo wanaagsan iyo cibaadaysi la
jeclaysto
3. Sabirka ah in la qaadin talaabooyin aargoosasho ah
Mamnuuc
1. Sabirka lagaga fogaanayo cuntada , cabista ilaa xilliga geerida
2. Sabirka lagaga fogaanayo cunista hilibka xaaraanta ah, bakhtiga, dhiiga marka aanay jirin wax kale oo la cuno tahayna in gaajo loo dhinto. Tawis iyo Axmed Binu Xambal AHUN ayaa yidhi; qof kasta oo aan doorasho kale lahayn helayana cunto ahaan bakhti, hilib xaaraan ah ama dhiig, laakiin diida inuu cuno dabadeed sidaas ku dhinta waxa uu galayaa cadaabta
3. Sabirka lagaga fogaanayo in la tuugsado ama la baryo dadka xishood la,aan (il-xayiignimo ah).waxa jirta muran ku saabsan baryida dadka in la ogol yahay iyo in aan la ogolayn. Imaam Axmed AHUN wuxu yidhi; Sabirka iyo adkaysiga noocan ah waa la ogol yahay. Waxaa la waydiiyay, ka waran hadii qofku ka cabsi qabo inuu dhimanayo hadii aanu tuugsi samayn? Imam
Axmed AHUN Waxa uu ku jawaabay, Maya, Uma dhimanayo. Ilaahay ayaa u soo diraya risqigiisa. Imam Axmed AHUN muu ogolaan tuugsiga marka ilaahay ogyahay duruufta iyo baahida qofka iyo niyadiisa fiican ee ah iska daynta tuugsiga ama baryada, sidaas ayaa ilaahay risiqiisa ugu soo dirayaa. Culimo kale oo ay ka mid yihiin Imam Axmed ragii la jiray xiligaas oo uu ka mid ahaa Imamu shaafici AHUN ayaa yidhi, waa waajib in qofkaasi uu baryootamo ama tuugsado, hadii uu tuugsan waayo waxa uu noqonayaa xumefale ama dambiile sababta oo ah tuugsiga ama baryada dadka ayuu kaga ilaalin karaa geeri ay naftiisa u horseedo gaajadu.
4. Sabirka ah in loo adkaysto dhib kaa soo gaadha waxyaalaha keena dhimashada sida dhagarta, qaniinyada maska, dabka iyo biyaha.
5. Sabirka lagaga fogaanayo xiliyada imtixaanka (fitnada) ee dagaal ka dhaxeeya dad muslim ah oo is dilaya si aanad uga qayb qaadan dhiiga muslimka isku daadanaya in sidaas la yeelaana waa si la jeclaysto, sida nabigeenu N.N. K. A mar la waydiiyay uu yidhi; waxaad jeclaataa in aad la mid noqoto ka fiicnaa labadii wiil ee nabi aadam. Xadiis la mid ah kan waxa uu ku yidhi; waxaad doorataa in aad noqoto adoonkii ilaahay ee la dilay hana noqonin kii wax dilay. Markaas ka wax dilay waxu uu isku qaadayaa oo garbaha u ridanayaa denbigiisii iyo kuu dilay danbigiisii labadaba. Xadiis kale waxa uu yidhi; hadii seeftu ay aad u dhalaalayso una afaysan tahay gacmahaaga wajigaaga saar. Ilaahay ayaana inoo sheegay labadii wiil ee Ilma aadam sida ay kala ahaayeen iyo midka fiicnaa iyo siduu isu difaacay ee aanu ula dagaalamin walaalkiisii dilay iyo sida ilaahay u amray sidaas. Tani way ka duwan tahay marka islaamku la dagaalamayo gaalada; marxaladaas waxa muslimiinta la gudboon in ay is difaacaan, sababta oo ah jihaad wax kale maaha ee waa in aad naftaada difaacdo iyo diintaada

No comments:

Post a Comment