Monday, May 1, 2017

MA JECESHAHAY INAAD NOLOSHAADA WAX KA BEDESHO


Ugu horeyn hadi aad dooneyso inaad noloshaada wax ka bedesho diyaar ma u tahay inaad wax ka ogaato muhiimada hal minute u leeyahay noloshaada,minutka aad maqaalkan ku
akhrineysaa waa laga yabaa in aanu wax weyn kuugu muuqan,laakin waa wax weyn…waayo minute waa bar biowga aad wax kasta ka bilowdu,minute aad ka faa,iideysatay waxaa ka dhalanaya saacad aad ka faa,iideysatay.Saacad aad ka faa,iideysatayna waxay dhashaa maalin aad ka faa,iideysatay.Maalin aad ka faa,iideysatay waxay dhashaa wiik aad ka faa,iideysatay.Wiiga aad ka faa,iideysatayna waxaa uu dhalaan bil aad ka faa,iideysatay.Bil aad ka faa,idyesaytana waxay dhashaa sannada aad ka faa,iideysatay halakaana waxaad ka dhisi kartaa isbedel nolol fiican.

DR Benjamin Mays ayaa yidhi “ waxaan haystaa hal minute oo ay ku jiraan 60 seconds oo keliya, waa laygu qasbay, mana diidi karo,maan doonan,maan dooran,laakin aniga ayey ii taalaa inaan isticmaalaa,sidaa daraadeed mudane iyo marwo mintueskaaga si xigmad leh u isticmaal.
Qofkasata oo adunka joogaa waxaa la siiyey wakthi caymin oo uu noolaado,midkasta oo innaga mid ah waxaa la siiyay xadi maalmeed cayimin, qofna qof kama badsado ninka qaniga ahi kama xili badna faqiirka ,qofka dheeri kama wakthi badana ka gaaban ,madaxeynuhu kama wakthi badana shacabkiisa.
Qof kastaa wuxuu haystaa 24 saac maalintiisa,1440 oo mintues ah ayuu haystaa ,minteka ku dhaafo laguu bedeli mayo,mana iibsan kartid minute dheeraada lactaad doonto hayso.
Wakhtigu ninka ma sugo wuu socodaa laakin adiga ma socotaa oo xaga hor u marka ma u socotaa????, ugu faa,iideyso wakhtiga si xigmad leh.
Tusaale ahaan Hadii aynu ka soo qaadno inta celcelis ahaan qof Somali ah noolan karo(life span) 55 sanno. Hadii aad tahay 20 jir waxaad haysataa 420 bilood oo noloshaada ka hadhay,hadii aad tahay 30 jir waxaad haysataa 300 oo bilood,hadii aad tahay 40 jir waxaad haysataa 180 bilood , hadii aad tahay 50 jir waxaad haysataa 60 bilood.Inkastoo waxani yihiin numbers hadana waxaa hubaal ah midkeena ma oga xiliga uu dhimanaayo, ujeedadu waxay tahay inaad ogaato in waktigu qaali yahay,mana hayno wakthi la lumiyo.
Ugu danbeyntii hadii aad dooneyso inaad noloshaada wax ka bedesho isbedelka ka bilow minutka aad hada haysato…iska ilaali lab la kaca inaad hada mintuka aad haysato aad waxa ka bedesho sidaas u isitcmaasho wiiga aad wadidi…dabadeed wiiga labaad halkaagii ku soo noqotid.
Markaad mintuka wax ka bedsho waxaa muhiim ah inaad yeelato riyo (dream) wax aad dooneyso inaad noqoto, gaadho, hesho noloshaada…culimada phycologygu waxay yidhaadaan qofka waxaa muhiim ah inuu ku riyoodo oo niyeysto wax weyn oo uu aamino in uu waxaas gaadhi karo…wolow dadka kale ay aaminsanyihin in aanu gaadhi Karin .
Qof wuxuu qof kale ku dhaafaa, wuxuu qof u guleystaa midna u guul dareystaa…waa faraqa u dhexeeya riyooyinkooda (their dreams)..Maxamed cali clay ayaa la su,aalay maxaa sabab u ah inaad noqoto feedhyahanka caanka ah miisaanka culus ee adunka dad badani taageraan ? wuxuu maxamed ku jawaabay..waxay ahayd riyadeyda inaan mar darjo sedan ah gaadho waana gaadhay …
Innaga maxaa inoo diiday in aan riyo yeelano oo qofku ay u cadahay meesha u nolosha ka hiigsanaayo,waxa uu doonayo inuu noqdo,lacata uu doonayo inuu helo,xiliga uu donayo inuu lacagtaa helo iyo qorsha uu ku gaadhi karo(plan,plan,plan).
Maxaad marka aad jamacada dhameyso u jahwareertaa oo meelaad ka bilowdo nolasha u garan weydaa…maxaa marka shaqo lagaa eryo isku dhiibtaa oo u niyad jabtaa….maxaad marka wax aad dooneysay gaadhi weydo u niyad jabtaa…jawaabtu waa riyo aad ku taameyso ma lihid…jamacad ayaa riyo kuu ahayd waad dhameysay(you don,t know what is next)..shaqo ayaa riyo kuu ahayd waad heshay ma garaneysid waxa kuugu xiga.
xigasho badwayanta nolosha

No comments:

Post a Comment