Monday, May 1, 2017

Murti:


Toddoba saacadood oo qorsheysan waxay ka qiime badan yihiin toddoba maalmood oo aan qorsheysnayn.
Murti

Qofka jaahilnimadiisa qirta mar qudha ayuu khaldamaa, laakiin qofka jaahilnimadiisa ku adkaystaa markasta wuu khaldamaa, markaad hanti leedahay waxa walaalo kuu ah dadkoo idin, balse markaad hantidu kaa madhatana walaa qudha ma heshid.
Waa Bakhtiyaanasiib
Indheergarad u dhashay dalka Jarmalka, ayaa mehersaday, dabadeed waxa u tegay oo ku yidhi inkastoo aad naga qarsatay meherkaaga haddana waa nagu waajib inaad kuu nimaadno
oo aan ku hambalyeyno.
Indheergaradkii saaxiibadii wuxuu ugu jawaabay maxaad iigu hambalyenaysaan waa bakhtiyaanasiibka oo kale guurku, lama garan karo waxa uu noqon doono’e.
* Dunida waddada ayey u baneysaa qofka garanaya halka uu ku socdo.
* Qofka aan yool lahayn iyo dooni aan shiraac lahayn, labaduba meel xun bay ku dambeeyaan.
* Toddoba saacadood oo qorsheysan waxay ka qiime badan yihiin toddoba maalmood oo aan qorsheysnayn.
* Guul kasta oo la gaadhay qorshe iyo doonis ayaa ka horreysay la’aanteedna waa guul-darro.
* Haddaad naftaada ku kalsoonaan cidna kuguma kalsoonaanayso.
* Khaladku waa guul-darro ku-meel-gaadha.
* Dad badan ayaa waannada maqla, in yaroo ka midana way ku dhaqmaan.
* Indhahaagu muraayad waxay u yihiin fikirkaaga.
* Dadka oo idil lawada raaligeliya waa waxaan la gaadhi karin.
* Khaladaad badan waxay u dhaceen, iyadoo loo baahnaa maya oo haa la yidhi.
Qalinkii: M.M.Kastan
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

No comments:

Post a Comment