Monday, May 1, 2017

HAMIGA IYO HIMILADA NAFTAADA WAA MID AAD GAADHI KARO,,


Hanwaynida ama in qofku higsado meel fog sidii loo gaadhilahaa meel fog, waa kadinka loo maro horumarka iyo guusha dadka horumarka sameeyey ama gaadhay meel loo haqaltaago , waxay ahaayeen dad hanwayn oo in wax samayn karaan nolosha iyo aduunkana wax ka bedeli karaan isku qanciyey, lkn dadka qaar ayaa hankoodu yahay in ay nooladan ,masaariif helaan , kuwo kale ay aaminsan yihiin in ayna waxba qabsan karayn ba, hadaba hanwaynida waxa
lugu tibaxaa ama lugu qeexaa in ay tahay Tamarka kicisa awooda ku qarsoon ruux walba, waxa na la isku raacay in uu qof walba karti lee yahay sidaa awgeed waxad arkaysaa umad isku lod ah oo hadana ku kala tegay noloshii mid waa ma gudbe weligii oo waa bartii yaqaan bari uma korodho, midna hankiisa ayaa sii laba jibaarmaya oo waa dedalaa waa gaadhaa caji caabs waana dhaafaa, muhiimada la isku dhaafana waa sida qofku naftiisa ula showro ama u aamino inuu gaadhi karo dhamaan waxa niyadiisa ku hayo lkn hadii aad qalbigaaga ka jebin fekerka ah waxaas gaadhimaysid,
waa xaqiiq in aanad gaadhey weligaa samirka qofku wax u samro una dhabar adaygo waa qaab ka mid ah xeeladaha guusha aadamuhu gaadho, guuldaradaada maanta na waa furaha guushada beri hadaba maxay tahay in aad la timaado is aynu u gaadhno himiladeena iyo hankeena fog, Xadhiga alle waa tirka ugu wayn ee qofka siiya degenaasho nolol wacan iyo samir if iyo aakhiro ba, naamkaaga na waa in aad ku haysaa in aad tahay qof keli ah guul iyo guuldaro na adigu isu horseedi kartid,
Bill Getes mar uu ka hadlaayey hankiisa sidii ugu soo samray wuxu yidhi, waxan ku dhacay imtixaankii xiisado lkn saaxibkay waa ku wada guulaystey dhamaan ba, hada saxbkay waa Enginer microsoft ah lkn anigu waxan ahayn hantiilaha Microsoft taas micnaheedu waa dedaal uu la yimi iyo karti uu ka bartay guuldaradisii shalay hadaba wada guushu maha mid sahlan marka hore waxa kula kulmaaya mid cadow ah mid ka naxaaya guushaada, waa wax caadi ah in aadamuhu leeyahay mid ku niyad jebiya iyo mid ku siiya yididiilo balse wax ka muhiimsan in yoolkagu ka waynado oo ahaado meel sare, waa na hubaal in caqabad kasta aad ka gudbayso dhamaadka wadada na waxad kala kulmaysaa wax aad ku faraxdo oo noloshaada na wax ka bedela meeshii hore na ka qada oo bedela hankaaga kuuna rumeeya in aad tahay qof wax samayna kara isbedel muuqda
Xigasho By siciid maxamuud ibrahim

No comments:

Post a Comment