Thursday, May 18, 2017

25 Siyaabod Aad Naftaada Ku Dhiiri Galin Kartid (Waa Muhiim)

Ma jirta hawl intaad bilowday ka dibna aad ka caajistay ama ka niyad jabtay? Waxa la idhi hadaad heli lahayd qof markasta ku ag taagan ama ku ag jooga oo mar walba naftada wanaaga iyo wixi anfac leh kugu dhirin laha bani aadmiga dadka ugu roon ayaad noqon lahayd. Hadaba madama aanad helayn qof markasta inta kula taagan maxaa xal ah? Xagan waxan kuso qodobeeyey siyaabaha ugu fudud ee aad naftaada ku dhiri galin lahayd.
1. Naftaada heshiis la gal:heshiiska aad naftaada la galaysid wuxu noqon kara mid yar ama mid wayn. Tusaale ahaan naftaada waxaad ku tirahdaa hadaan laba bog o quranka ah aan qaybo casho qaali ah ayaan caawa suuqa ka cunaya.

2. Iska dhig qof markiisa hore dhiiran: haday jirto hawl aanad u dhiranayn inaad qabatid ama caajis ku hayo waxaad markaaga hore si nafsaaniyad ah naftada uga dhigta qof xiiso hawsha u haya. Waxa la yaab leh isla daqiiqado gudahood niyadaadu wey isbedalaysa oo xiisaa ku galaya.
3. Waxad iswaydiisa su’aalo niyadaada kor u qaadaya: subax kasta markaad toostid waxaad iswaydiisa su’aalahan oo kale:
Wa maxay waxaan ku faraxsanahay maanta?
Wa maxay sababta aan waxan ugu faraxsanahay?
Dareen nooce ah ayu waxani (ku bedel waxa ka farxinaya xagan) i galinaya?
Waa muhim inaad dareenta sidu ku dareensiinayo. Markan ka fakiro siiba su’aasha u danbaysa waxa i gala dareen farxad badan. Ha isku soo koobin su’aalahan oo kaliya, ka fakir qaado ka dibna su’aalo nolashaada ku saabsan oo ku farxad galinaya ama ku xiiso galinaya is waydii subax kasta.
4. Yeelo hadaf sareeya:waa inaad yeelata hadaf wayn iyo hadaf cayiman. Hadafka sareeya wuxu naftaada galin karaa dhiro galin badan siiba markad maalinkasta inyar inyar hadafkaaga inyar u jirsato.
5. Waxaad ka bilowda wax yar kadibna hore u soco:waxaad ka bilaabi karta oo kaliya inaad miiska aad wax ku akhrisanaysid iska habayso ama masaxdo ama aad agagaarkaaga iska nidaamiso, markaad intaa qabatid waxa ku helaya dareen ah inaad wax qabatay kadibna hore ayaad uga socon karta ama hawshaada u gudo gali karta.
6. Hawshaada inta ugu culus ama ugu adag ka bilow:markaad isdhaafisid ama qabatid hawsha ugu culus ama ugu adag aad maalinta leedahay isla markiiba waxaad dareenmaysa in maalinkaagu fududaday.
7. Wakhtigaaga qaado markad hawsha bilaabaysid:xagaad hawshaada si dagdag ah ama qabqab ah ugu bilaabi lahayd waxa qurux badan inaad wakhtigaaga ku qaadatid iyo si xasiloon inta hore kadibna aad xawarahaaga kordhisid.
8. Naftada cid aan ahayn ha barbar dhigin: markaad naftaada aad barbar dhigtid qof kale wuxu dhaawac u gayn kara kalsoonidaada iyo dhiranaantada, waayo markasta waxa jira qof kaa gulo badan. Waxa haboon inaad naftada oo kaliya is barbar dhigtid, sanadkan sanadkii hore maxa isbedel naftayda ku imi iyo maxan hor mar gaadhay.
9. Xasuusno guulaha aad gaadhay: waxa si fudud loo ilaabi kara guulaha aad gaadhay waxana markasta qofkasta ku soo laabta gul darada kaga timi nolasha. Marka si aad horumar nolashaada u gaadhid waa inaad labadan kala badashid oo xasuusnaata guulahad gaadhay.
10. Ku dayo dadka wanwanaagsan: ma leedahay qof aad hiigsatid ama aad jeceshahay sifaadkooda? Waxa nooloshaada bedali kara ama kobcin kara inaad dadka sifaadka wanaagsan kaga dayatid.
11. Ha ilaabin inaad naftaada madadaalisid: si aanad stress ama culays badan u dareenmin waa inaad naftaada madadaalisid.
12. Ka bax waxa la idhahdo Baaxada Kalsoonida (Comfort Zone): baaxada kalsoonidu waxa loo tarjumi kara waxyaabaha aad markasta si fudud amaba si aan cabsi ku jirin u qaban kartid. Tusaale ahaan hadaad ka baqatid inaad dad hor istaagtid ama ka hor khudbadaysid kuma jirto baaxada kalsoonidada. Markaa isku day inaad markasta balaadhisid baaxada kalsoonidada oo qabatid waxyaabaha naftaada ku adag ama ay ka cabsato.
13. Ha ka baqin guul darada: guul daradu waa qayb ka mid ah nolosha wa cashar ka mid ah casharada nolosha, ha ku noqoto tix raaca guuloynka mustaqbalkaaga.
14. Baadhintaan ka sii samee hawshad qaban doontid: markaad baadhitaan si samaysid hawl aad qaban doontid ama aad waydiisid dad horta hawshan qabtay waxad ka sii baaran dagi karta dhibaatoynka ka hor iman kara. Laakin yaanu noqon wax ku niyad jabiya markad maqashid dhibatoynka ka hor iman kara.
15. Waa inaad garataa asbaabta aad hawshan u qabanaysid: hadaanad ogayn sababaha aad hawshan u qabanaysid ama aanad lahayn asbaab adag o ku qancisa wuxu kugu keeni kara inaad hawsha caajis badan ka muujisid.
16. Sii qor hadafkaaga iyo sababaha aad hadafkan u leedahay: ku dhaji meel aad arki kartid maalinkasta ama sariirtaada agteeda ama computerkaaga wallpaperkiisa si aad u xasuusnaato.
17. Ku dadaal markasta niyadaada iyo fikirkaagu inu noqdo mid positive ah: markasta hadaad wanaag ka fakirtid iyo aad wanaag samaysid niyadaadu wixi noqonaysa mid farxad badan. Ilaahi ayaa qoray qadarka markaa waa inu noqda mid aad markasta ku qanacsantahay.
18. TVga iska yaree: TVgu wuxu noqday waxa ugu wakhti lumis badan. Ku dadaal inaad yareesid hadaanad goyn karayn.
19. Hawsha yaryare: hawshad leedhay markaad yaryaraysid waxay noqonaysa mid dhib yar. Waa inaad u yeesha talaabooyn yaryar. Is waydii waxa ugu horeeya waa maxay iyo talaabooynka xiga. Markaad samaysatid liis ama shax hawleed aad ku maamushid hawshaada waxay ka yaraynaysa baahsanaan ku soo waajihi karta. Markasto talaabo ku guulaysato naftaada dhiranaan ayaa galaysa o kugu dhiirinaysa talabooynka kale.
20. Dib naftaada u program garee: ka fogow waxyaabaha naftaada murugo galisa iyo waxyaabaha negative ah. Inkasto ay wanaagsantahay inaad ogaatid waxa caalamka ka dhaca laakin isku day inaad wararka tvga iska yareeso waayo markaad aragtid dagaalada iyo waxyaabaha aduunka ka socda adoon waxba ka qaban karin faiido ku yeeli mayso inaad ka xumaatid mooyane. Ku dadaal inaad naftaada ka buuxisid war farxad leh.
21. Adeegso awoodada maskaxeed rabi ku siiyey: soo qaado xaashi cad iyo qalin, ka dibna xaga sare ku qor qayb noloshaada ka mid ah aad rabtid inaad wax ka bedeshid. Ka dibna qodobe fikradahaaga aad isleedahay hadaad ku camal fashid inu qaybta noloshaada kur u qaadayo. Waxaad qorta ugu yaraan 20 qodob, ka dibna raaci 10 qodob oo kale. Qodobada aad qortay kama dhigna inay wada saxanyihiin ama dhamaantood wada wanaagsanyihiin laakin qasab waxa ka soo bixi doona qodobo aad u wanaagsan iyo anfac leh. Qaabkan waxaad ku baran karta sida fikirado badan lala soo baxo.
22. Waxaad ogaata waxyaabaha kaga farxin kara kadibna samee: laakin yaani noqon wax hawlahaaga kale kaa mashquuliya.
23. Waxaad dhagaysata muxaadaroyn iyo khudbado naftaada kobcinaya: waxa jira muxadaroyn badan ama khudbado internetka ka buuxa oo ku dhiiri galin kara. Tusaale ahaan hadaad doonaysid inaad quraanka kariimaka qaybtid waxaad dhagaystaa muxaadarada Sh. Mustafe Awoodaha Ilaahey Inasiiyay oo Aynu Dayacnay.
24. Badel qaabkad u fakirtid: qofkastaba si bu u fikira waxaad isku daydaa inaad badeshid qabkad u fikirtid.
25. Wakhtigaaga ilaalsho: hantida kaliya aynu haysano waa wakhtiga marka isku day inaad ilaalshatid wakhtigaaga.

No comments:

Post a Comment