Thursday, May 18, 2017

Halganka nolosha

Noole kastoo dunidan jooga waxa uu soo qaatay xilli uu ahaa magac-laawe oo aan waxba qabsan karin, ku dulnool noole kale. 

Xanuunka kulul ee foosha ka dib waa uu soo dhashay isagoo ooynaya dadka ku hareeraysan ay qoslayaan iyagoo faraxsan. Ilmihii marka uu soo dhasho waxa uu bilabaya halgankii ugu horayey ee nolosha.
Waxa u horaya uu barto waa neefsashada iyo ka dib inuu naaska nuugo. Ogow intii uu ku jiray aduunka caloosha, awood uma laheyn inuu sanbabada ka neefsado iskaba daa inuu wax nuugo. Oohinta ilma waxay ku macneyaan culimada sayniska inu ka yimi caalam inu yimi caalam kale(aduunyo) uuna la yaabanyahay dunidan cusub.

Halgankii ayuu halkaaasi ka sii wadayaa isagoo isku dayaya inuu la qabsado noloshan cusub.
Ilmuhu marka uu caqliyeysto waxuu u baahanyahay inuu helo asaaska nolosha: tarbiyad iyo tacliin. Marxaladan ayaa ah mida go'amisa mustaqbalka ilmaha.
Hadii uu helo waalid wanaagsan iyo degaan ka saacida sameynta mustaqbal wanaagsan waxaa suurta gal ah inay u rumoowdo riyooyinkiisa.

Hadaba qofka marka uu gaaro da'da qaangaarka waxa soo wajaha caqabado dhinaca halganka nolosha ah. Waxa inta badan saamaynta ugu wayn ku leh jiilka uu la socdo. Waxa ku siyaada walaaca(stress), buufiska( depression) IWM, ku waasoo ka hor istaagaya inuu sameyo mustaqbal ifaya.

Si qofka u gaaro yoolkiisa waa in qofka laga helaa hami ama hiyyi(ambition) taasoo ah waxa qofka ku keena inu aduunka wax cusub ku soo kordhiyo ama ahdaaftii uu lahaa ka gaara.

Tusaale, Victor frankenstein waxa uu isku dayey inuu noqdo qofkii u horeyay aduunka Bini Adam sameya. Waxa uu ku fekaray inuu helo magacaas lakiin kuma guulaysan. Alle kaliya aya wax abuura.

Dhinaca kale hadii aan soo qaadano dakii guulaha ka gaaray hadafkii ay lahaayeen inkasto aan halkan lagu soo koobi karin, waxa ka mid ah labadii walaalaha ahaa ee hindisay diyaadda 1905-1907 ka dib sanooyin ay u soo dhabar-adeegeen ugu dambeyn guul ka gaaray.

Inaad fikir guulaysankara ka fikirto waa wax sahlan lakiin waxaa adag wadii loo mari lahaa iyo sidii looga mira-dhalin lahaaa. Mudada uu qofku ku jiro sidii uu gaari lahaa yoolkiisa waxaa soo wajahaya caqabado badan sida mid dhinaca bulshada, dhaqaalaha iyo mid nafsiyan ah.

Balse waxa ka gudbi kara isbaarooyinkas qofka laga helo: yool ama hadaf sugan, dhiiranaan, dulqaad iyo juhdi joogta ah. Maahmaah aya aheyd 'Nin aan kufin ma kaco'.

Dunida sida xowliga u koraysa waxaynu in badan argnaa ama maqalnaa sheekooyin ku saabsan tiknolojiyad casri ah oo la iqtiraacay, dad nolosha meesha u sareysa ka gaaray ka dib xaalado aday ay soo mareen. Lakiin hadii aynu baarno sheekooyinkaas waxa inoo soo baxaya inaan si fudud lagu gaarin. ' dhib la'aan dheefi ma timaado'.

Ugu dambeyn, maqaalkan waxaan ugu talagalay dhalinyarada oo ah awooda ugu weyn oo bulsho ku faanto inay wax ka bartaan dadkii aan qaarkood ka soo sheekenay ee halganka nolosha meel sare ka gaaray.
Gabaygan ayan ku ku soo gunaanudaya uu tiriyey Eebe weyne ha u naxariiste Cali Cilmi Afyare:
'
*Dayaxa, cirkiyo reerahaas degaya guudkeena ****digsiga lalayiyo sancadas dunidu dhiilootay dadku waxay ku gaareen aqoon durugtay weyaane ***idinkuna dun, liilan iyo dacas ma heysaane*****durdurada iyo wabiyada oo wada dareraya *****dibadaa ka baridaan waxad daanka gelisaan mooyaane.

No comments:

Post a Comment