Tuesday, May 9, 2017

MAXAY LOO SHAQEEYAASHU KAA RABAAN?

Lix arrimood ayay loo shaqeeyayaashu ku qiimeeyaan shaqaalaha ay qaadanayaan. Lixdaasiba waxaa lagaa rabaa in aad muujiso in aad kartidooda leedahay. Kursiga & miiska waraysiga shaqo, haddii aad fursad u hesho waa mid mashquul badan oo aad ogtahay in ay hawl badan kaa horayso oo aad kula tartamayso tartamayaal cidhiidhsanaya halka aad rabto in aad gaadho. Marka aad isku hubsato fadhiisashada miiska waraysiga shaqo waxaa lagaa rabaa in aad muujiso inaad tahay qofkii ku habboonaa shaqadan laguu waraysanayo, il-bidhiqsi kastaa wuxuu kuu yahay dahab aad isku iibin karto – lixdan arrimood ayay loo shaqeeyayaashu kugu
qiimaynayaan isla markaana kaa raadinayaan.
1)KHIBRAD SHAQO &WAXBARASHADAAD;
Farsamooyinka aad taqaan, aqoontaada, tabobarada aad soo qaadatay iyo shahaadooyinkaagu waxay kuu suuro galinayaan in aad timaado miiska fursadaha lagu halabsanayo. Dhamaan farsamooyinkaasi, aqoontaasi, khibradahaasi iyo shahaadooyinkaasi aad sidato ha ahaadeen kuwo aad sheegan karto oo aad si habsami leh u iib gayn karto – waa fursad ay tahay in aad si mug leh uga sheekayso taariikhaha iyo khibradaha ku duugaan farsamooyinkaagaasi. Tabobaro & shahaadooyinka aad sidato oo aad tusaalayaal wax qabad oo nool aad ku dartaa waxay fikir miisaaman siin doonaanwaraysta kuu waraysanaya shaqada loo tartamayo – muuji in tabobaradaasi iyo khibradahaasi ay yihiin kuwo aad waxsoosaar togan ugu soo jiidi karto shirkada ama hay’adda loo tartamayo.
2)FAHAMKAAGA HAY’ADDA AMA SHIRKADDA AAD UTARTAMAYSO
Shaqaaleeyayaashu waxay raadinayaan shaqaale fikir soo jeeda ka haysta habka ay shirkadaha/hay’addaha ama hay’addan/shirkaddan waraysiga qaadaysaa ay u shaqayso loona fuliyo hawlaheeda. Waxay raadinayaan shaqaale hawl kar ah oo maskax furan isla markaana ku wajahan sidii uu wax soosaar u samayn lahaa waxqabad, daacadnimo iyo karti ku salaysan. Waxay raadinayaan shaqaale diyaar u ah in uu ku shaqeeyo siyaasadaha& shuruucda hay’addaasi/shirkadaasi. Xil kasta oo aad u tartanto loo shaqeeyuhu wuxuu raadinayaa shaqaale leh farsamo uu ku xaliyo waxyaabaha taagan kaasi oo aqoonsan kara mashaakilka keenina kara xalal loo riyaaqo.
3)FIRFIRCOONI & U DIYAAR AHAANSHAHA INAAD WAX BARATO;
Niyad wanaagsanaan kaliya ku gaadhsiin mayso in aad hannato shaqadii aad raadinaysay balse waxay suuro gelinaysaain aad isku xidhantaan loo shaqeeyaha. Shaqo raadiyaha Firfircoonida kartiyeed leh ee niyada wanaagsan waxaa hubaal ahin ay suuro gal u tahay in uu hore u socod xawli ah ku socdo. Loo shaqeeyayaashu waxay rabaan shaqaale firfircoon oo niyad wanaagsan oo diyaar u ah in u dadaal badan sameeyo si loo gaadho hiigsiga shirkadeed ama hay’adeed kaasi oo isagu is wadayaya, is diraya la’aanta cid ku riixdahawl qabadkiisa. Waxay raadinayaan shaqaale, wixii uu san aqoonteeda lahayn diyaar u ah in uu barto oo ka barto shaqaalaha hay’adda/Shirkadda uga soo horeeyey isla markaana sheegan kara wixiidhib ku ah ee ubaahan in laga caawiyo.
4)AKHLAAQIYAAD SHAQO;
Niyadsamaanta heerka sarre ah, habka shaqo iyo akhlaaqiyaad ka shaqo waa qodobka ugu muhiimsan ee dhanka hore usocodka hay’adda ama shirkadda loo shaqo tagayo – waa waxyaabaha hore u riixa sidii ay shirkadda ama hay’adaasi u gaadhi lahayd hiigsigeedii, shaqaale astaamahaasi shaqo leh ayaa daruuri u ah loo shaqeeyaha. Waxaad u baahan tahay in aad muujiso sida aad shaqada ugu noqonayso daacad, sharaftaada, niyadsamaan iyo u diyaarsanaanta akhlaaqiyaadka shaqo ee shirkadda. Muuji in aad leedahay kartida iyo akhlaaqiyaad suuban oo ku wajahan dhanka shaqada, waa mid ka mid ah waxyaabaha ay kaa raadinayaan shaqaaleyayaashu.
5) FARSAMOOYINKA XIDHIIDH-KAAGA BULSHO.
Hab fikirkaaga, dad la dhaqankaaga, awoodaada shakhsiyeed ee la macaamil ka dadka kula shaqaynaya iyo hab maamulkaaga dhamaan waxay kaalin muhiim ah ku leeyihiin waraysiga shaqo eeloo shaqeeye kuugu yeedhay. Waa muhiimin aad si baaxad leh u soo bandhigto farsamooyinkaagaasi iyo habka aad ula macaamilayso, ulana shaqaynayso akhyaarta aad la shaqayn doono – muuji in aad 100% ku kalsoon tahay in aad si heer sarre ah ula qabsan doonto shaqaalaha shirkada/Hay’adda.
6) HAB MACAAMILKAAGA;
Xataa madaxda shirkadaha/Hay’adaha ayay tahay in ay warbixino iyo waxqabad u gudbiyaan madaxdooda, waxa jira shuruucmacaamil oo ay shirkad/Hay’ad waliba leedahay oo ay tahay in la raaco loona hogaansamo. Shaqaalaha ay loo shaqeeyayaashu neceb yihiin waa kuwa aan la jihayn karin ee aan diyaar u ahayn inay raacaan shuruucda dejisan. Muuji awoodaada la macaamil ee kooxaha, raacida silsilada kala sarayneed, aqbalida tilmaamaha lagu siinayo iyo talooyinka muhiimka u ah hiigsiga loo shaqeeyaha.
xg Badawaynta Nolosha

No comments:

Post a Comment