Tuesday, May 9, 2017

Sida aad u noqon karto qof farxad badan.?


1 - Ku kalsoonow naftaada
2- iska ilaali furaha guul-darada oo ah inaad hawlaha dib u dhigato ama aad tidhaa hadhow ayaan qaban doonaa.
3- iska ilaali marka aad go,aan qaadaneyso inaad dhiiran weydo.
4- Ha ku lumin wakhtigaaga adoo doonaaya inaad waxyaabo badan takhasus u yeelato,taasi waxay kaa dhigeysaa qof aan weli dhadhamin midhihii guush.
5- bixi sadaqada haba yaraatee,waxay farxad gelisaa
qalbiga,waxaanay kaxeysaa murugada,waxaanay kordhisaa risqiga
6- ku dayo Nebi Maxamed(NNKHA),isaagaa ah hogaamiyihii guusha iyo farxadda
7aad- booqo xarumaha caafimaadaka iyo jeelasha,,si aad u dareento nimcada caafimaadaka iyo xoriyada.
8- iska ilaali inaad dhibaatada xajmigeeda ka weyneyso.
9- isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay,iskana ilaali aargoosiga.
10- iska ilaali inaad cadawgaaga tusto cadhadaada,waayo waa inta ay doonayaan inay tashuush kugu furan.
11- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan,ha ku hadlin waxaan kheyr ahayn,wejigaaga fur,ixtiraam dadka kula
fadhiya,dhegeyso sheekadooda hana ka dhex gelin.
12- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane meel kale,waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.
13- iska ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka,waana xanuun ku dhaca qalbiga.
14- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.
15- nidaami xiliyada aad wax cunto,waxna ha cunin adoo dheregsan.
16- markaad cadhooto aamus,oo shaydaanka iska naar,bedel meesha aad ku cadhootay,hadaad taagantahayna fadhiiso.
17- ogow inaad ku fikirto wixii ku dhaafay inay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya sidii aad caano naas ka soo baxay aad ugu celin lahayd.
18- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen,wixii ku seegaana aanay marna kugu dheceen.
19- hadii khasaare kugu dhoco isku day inaad guul u bedesho oo ha quusan.
20- Ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.
Qalinkii M.M.Kastan

No comments:

Post a Comment